
18/08/2024
Wasiir Omaar oo Gobolka Minnesota kaga dhawaaqay in uu u taagan-yahay Qabashada xilka musharax madaxweynaha Jubbaland .
Wasiirkii h**e ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar), ayaa ku dhawaaqay musharaxnimadiisa madaxweynenimo ee Jubaland.
Munaasabadda lagu shaaciyey arintan ayaa ka dhacday gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Mudane Oomaar, oo h**e uga soo shaqeeyey arrimo badan oo muhiim u ah qaranka, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay hogaaminta Jubaland iyo ka shaqeynta horumarinta iyo nabadda gobolka
WANAG TV 📺 isha wararka