21/07/2025
Dhimashadda nidaamka is xukunka beelaha ee Soomaaliya.
Tan iyo 2004tii dalka Soomaaliya waxa uu la daalaa dhacayaa nidaam federaal ah oo qabiileysan oo midnimadii dalka ku keenay dhibaato wayn.
Nidaamkan waxaa dabadda ka riixayay siyaasiyiintii daganaa, waqooyi-bari Soomaaliya, ayaga oo uu arkayay, in ay Soomali ku kala badbaadi karto.
Waxyaabaha ay ku doodayeen xiligaas ayaa waxaa ay ahaayeen:
1. In dadka ay aaminaad ka dhex jirin lana dagaalamay.
2. In midnimada dalka uu xoojinayo, oo gobolada waqooyiga soomaaliya ee maqan lagu keeni karo.
3. In deegaan kastaayi uu iskiis u dhismo asaga oo xoogga iyo hantida dadka deegaankiisa isticmaalaya.
4. In dib danbe aanay u dhicin in Soomaaliya hadii caasimadu dunto aanay is wada raacin.
5. In dalka kaligiis talis laga ilaaliyo, hadii taas laga uriyana dadka maamul-goboleedyada dagani ay kalsoonida kala noqodaan oo ay iska celiyaan.
Runtii arimahaan ay siyaasiyiintaas soo bandhigeen, dadka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kasoo jeeda way la qaateen oo qaarkood waa ugu garaabeen, ayaga oo u arkayay, bal soomaalidu ha isku soo noqoto ayada oo is jecel waxna wada yeelan karta.
Hadaba maanta waxa uu marayaa marxaladii ugu liidatay, waxa uuna hortaagan yahay in nidaam dowladeed oo xoog badan ay yeelato Soomaaliya.
Himiladii iyo hiigsigii lagu dhisay waa uu ka leexday, waxa uuna soo kordhiyay kala danbeyn la'aan,eexasho, reeraha wax isla dhistay iyo in qolo gaar ah ay iyadu ku macaashto, buundada ay xukunka federaalka ku gaari lahaydna uu noqo.
Hadda Soomaaliya meelkasta uu nidaamkan is xukunka beelaha yaalo amaba ka shaqeeyo, waxaa yaala sad-bursi eex , iyo caddaalad daro aan indhaha laga qarsan karin.
Hadaba waxaa jira 3 qolo oo uu si laab taabasho ah u saameeyay.
1. Reer Gado amaba Sade Daarood:
Qabiilkaan Soomaaliyeed asiga oo awalba daganaa furin xuduud ah oo ay Soomaaliya la leedahay dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa haddana waxaa ugu darsoontay, in nidaam ay magac ahaan uga tirsanaayeen lagu dulmiyay, tan iyo sanadkii 2012ka waxaa xukunka haysta wadaad xarakadda Shabaab ka tirsanaan jiray oo aan ogoleyn in uu meesha ka tago, waliba waxa uu maalin cad dil bareer ah u geystay, wax garad iyo aqoonyahano gobolka gedo kasoo jeeda.
2. Reer Hiiraan [Xawaadle]
Qabiilkaan Soomaaliyeed waxa ay iyagu mar fursad u Heleen in ay nidaamkan wax ka noqdaan, waliba meesha ugu sareysa oo ah xilka madaxweynaha, waliba labo jeer, balse waxa ay arkeen in mudnaanta iyo mugga uu leeyahay gobolka Hiiraan oo ah 8dii gobol ee Soomaaliya lagu aas aasay ay meesha ka baxayso. Intaas ka dib waxaa u cuntami waysay gobol ahaan in qaybta ay ka leeyihiin dowlad goboleedka Hirshabeele . Waxa ayna goosteen in ay si niyad ah uga horyimaadaan qaabka la rabo in loo dhiso nidaamka.
3. Reer Sool (Dhulbahante)
Qabiilkan dhulkiisu mar waxa uu ahaa meel lagu muran san yahay oo ay isku hayaan, Maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana dhibaato kasoo gaartay, isku tuur tuurkaas ay labadaas maamul isku tuur tuurayaan, ka dib waxa ay garawsadeen in ay maamul dhistaan si ay labadaan qolo uga dhex baxaan waxa ay ku baxsheen dhiig iyo dhecaan. Hada waxa ay guranayaan mirahaas waloow ay wali la daalaa dhacayaan, dhibaatooyin uga imaanaya labadii maamul ee isku haystay.
Hadaba aniga waxaan arkaa in nidaamka is xukunka beelaha uu gabo gabo marayo dhawaan dalka Soomaaliya uu u guuri doono, nidaam ku dhisan goboleysi , gobolkastana waxa uu yeelan doonaa xukunkiisa asiga u goonida ah asiga oo faderaalka ka tirsan. Sadaxdaan qabiil ee aan soo xusay waxa ay noqon doonaan qabiilada ciida ku rogi doona, nidaamka is xukunka beelaha ee Soomaaliya wajigaan maanta u yeelay.