
15/02/2025
Daawo Sawirrada()Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Muxumed Xasan Jaamac(Xoday) Oo Ay Weheliyaan Duqa Degmada Boorama Taliyaha Qaybta Booliska Awdal Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Awdal Xoghayaha Gobolka Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada Borama.
Ayaa Kulan Balaadhan La Yeeshay Culima U Diinka Gobolka Awdal Oo Uu Hogaaminayo Sh.Baladka Sh.C/laaahi Sh.Cali Jawhar Kulanka Ayaa Daaranaa Isbarasho iyo Dardar Galinta Horumarka Gobolka Awdal Iyo Degmada Borama,
Intii Uu Socday Kulankani Ayaa Si Qota Dheer Looga Hadlay Doorka Ay Culimadu Ku Leedahay Horumarka Iyo Baraarujinta Bulushada.
Dhamaanba Culimadii Kala Duwanaa Ee Kulankani Ka Soo Qayb Galay Ayaa Ku Bogaadiyey Gudoomiyaha GObolka Awdal Martiqaad Uu Ugu Sameeyey Xafiiskiisa Waxayna Uga Mahadceliyeen Sida Hab Maamuuska leh Ee Uu u Qaabilay.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Muxumed Xasan Jaamac Xoday Ayaa Si Kal Furan Culimadani u Soo Dhaweeyey Hoosta Ka Xariiqay Waqti Kasta Oo Ay U Baahdaan in uu Diyaar u yahay Islamarkaana Uga Mahadceliyey Sida Ay ugu Muujiyeen in ay u Heelan Yihiin Horumarka Gobolka in ay Doorkooda Ka Qaataan.
Waxaa iyaguna Sidaasi si La mid ah U Soo Dhaweeyey Kulankani Masuuliyiin Kala Duwanaa Ee Kulankani Goob Jooga ka Ahaaโฆ.