Mohamed Koronto

Mohamed Koronto Weriye Xor ah oo kahadla Soomaalida oo dhan iyo Caalamka +252637971661 Ama +252907043656

Xuutiyiita Yemen oo ka jawaabaya hadalka Sucuudiga ayaa yidhi : "Ma weerarin kacbada waa been fool xun, dalalka u baroor...
09/17/2026

Xuutiyiita Yemen oo ka jawaabaya hadalka Sucuudiga ayaa yidhi : "Ma weerarin kacbada waa been fool xun, dalalka u baroordiiqaya kacbada waa kuwo iska indha tira xurmada dadka muslimiinta....Maxaad u qabateen Falastiin, waxaad lacag & shidaal siisaan cadowga laynaya dadka... haddana waxaad diiradda saartaan kuwa u hiilinaya islaamka."

Sucuudiga oo sheegay dhimasha iyo dhaawac kadhashay weerar diyaarada Drones ah oo lagu weeraray Boqortooyada.Boqortooyad...
09/17/2026

Sucuudiga oo sheegay dhimasha iyo dhaawac kadhashay weerar diyaarada Drones ah oo lagu weeraray Boqortooyada.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtey in diyaarada Drones ah ay Ansar-Allah Alxuuti kuweerareen magaalada Daaif oo udhow Makka Al mukarama.
Sida ay Dheegyay Boqortooyada hal qof ayaa kudhintay afar kalena waa kudhaawacmeen, dadka ay waxyeelada gaartay ayay kusheegeen shacabka dagan Daaif inay yihiin.

Sucuudiga ayaa ku cel celinayay maalmahan in Ansar-Allah ay weerartay Xaramka mana jirin wax cadeymo ah oo ay keenen.
Ansar-Allah ayaa iska fogeysay eedeymaha ah inay ku lug leedahay weerar kastaa oo lagu beegsada dhulka barakeysan gaar ahaan xaramka iyo Madiina.

Mohamed Koronto

Dawladda hoose ee Degmada Boosaso ee gobolka bari ayaa burburisay dhammaan dhismayaasha soo galay Wadadda isku xirta Gaa...
09/17/2026

Dawladda hoose ee Degmada Boosaso ee gobolka bari ayaa burburisay dhammaan dhismayaasha soo galay Wadadda isku xirta Gaaca ilaa Maqaska bannaynta Wadooyinka iyo kor u qaadista bilicda magaalada ayaa ka socota Boosaso oo ah magaalada Ganacsiga PL .

Madaxweyne Firdhiye oo kusugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.
09/17/2026

Madaxweyne Firdhiye oo kusugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Garoowe oo dadka is guursanaya la amray inay Geed beeraan.Maayarka Caasimadda Puntland ee Garoowe Cabdiqaadir Geeddi aya...
09/17/2026

Garoowe oo dadka is guursanaya la amray inay Geed beeraan.

Maayarka Caasimadda Puntland ee Garoowe Cabdiqaadir Geeddi ayaa kudhawaaqay maanta in lamaana kasta oo isku guursanaya magaalada Garoowe lagu waajibiyay in ay geed beeraan si magaalada loo dhireeya oo ay uqurux badnaato.

Sidee arrinkaas Ugu hirgali karaa Caasimadda Puntland ee Garoowe?
Aragtidaada

Puntland oo Sheegatay Duqeymo xalay gudaha Puntland laga fuliyay.Madaxtooyada Puntland ayaa baahisey xog lagu xaqiijinay...
09/17/2026

Puntland oo Sheegatay Duqeymo xalay gudaha Puntland laga fuliyay.

Madaxtooyada Puntland ayaa baahisey xog lagu xaqiijinayo weeraro ay kusheegtay kuwo Guulaystey oo Maraykanka ay iska kaashadeen oo lagu burburiyey goob AS ay hubka ku kaydsato oo ku taala deegaanka Makaad ee dhaca Buuraleysa Golis ee Calmadow.

“Hawlgalkan guuleystay, oo lagu fuliyay iskaashi lala sameeyay maamulka Puntland, ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay Al-Shabaab u isticmaali jireen kaydinta hubka iyo rasaasta loogu talagalay in lagu taageero falalka argagixisanimo, laguna khatar geliyo dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.” Ayaa Lagu yiri warsaxaafadeed kooban oo lagu baahiyey baraha bulshada ee Madaxtooyada Puntland.

SUCUUDIGA VS YAMAN: Khasaaraha dagaalka Yaman iyo dhaawaca daran ee dhaqaale oo Sucuudiga xasuusiyay magaalada barakaysa...
09/17/2026

SUCUUDIGA VS YAMAN: Khasaaraha dagaalka Yaman iyo dhaawaca daran ee dhaqaale oo Sucuudiga xasuusiyay magaalada barakaysan ee Maka Al-Mukarramah
WQ: Ibrahim Naji | Yaman
Maxay isaga mid yihiin Sucuudiga, Yhda iyo Mareykanku?
Sacuuudigu wuxuu adeegsadaa isla xeeladaha Maraykanka iyo Israa’iil ay u adeegsadaan cid kasta oo ay gumaystaan ama cadaadiyaan. Haddii aad iska caabiso Maraykanka, wuxuu kugu eedeynayaa in aad kaligii‑talis tahay, isaga oo isu soo bandhigaya “u‑doodaha xorriyadda”. Haddii aad iska caabiso Israa’iil, waxay kugu eedeynayaan in aad Yhda necebtahay.
Haddii aad iska caabiso Sacuudiga, ayaguna isla tabtii waxay kugu eedeynayaan in aad doonayso in aad Maka qarxiso. Xaqiiqadu se waxay tahay Maraykanku ma aha u‑doodaha xorriyadda iyo dimuqraadiyadda, Yhda Sahnuuniyiintu ayana xataa ma aha 'Semites (dadka soo jeeda Levant)', Sacuudigu ayana ma aha Muslimiin. Waxa kaliya ee ay rabaan waa in ay dunida ku qanciyaan in ay xaq u leeyihiin in ay dalalkaas qabsan karaan, duqeyn karaan, ayna go’doomin karaan dal kasta oo ay damcaan, isla markaana aysan jirin dal xaq u leh in uu iska caabiyo, oo diido gardarradooda iyo gumaysigoodaba, ama uu raadsado xorriyad iyo in uu iska dhigo heeryada khasabka loogu raray.
Intaa waxaa ka sii daran, waxay abuureen sharci caalami ah oo si gaar ah ay u tosheen si loogu ilaaliyo danahooda oo keliya, isla markaana si caalami ah u sharciyeeya dambiyadooda ka dhanka ah umadaha dunida...
Maxay adiga kula tahay? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

"Kuwa Epstein siiyay dharka daboolka Kacbada Ayaa bartilmaameedsanaya Makka iyo goobaha barakeysan ee Islaamka"Madaxweyn...
09/17/2026

"Kuwa Epstein siiyay dharka daboolka Kacbada Ayaa bartilmaameedsanaya Makka iyo goobaha barakeysan ee Islaamka"
Madaxweynaha Yemen ee Ansarullah Al-Xuuti oo iska fogeeyay inay Makka beegsadeen ama beegsanayaan.
Madaxweynaha Golaha Sare ee Siyaasadda Ansaarullah Al-xuuti Marshal Mahdi Al-Mashat ayaa sheegay in Sucuudiga uu sheegasha been ah sheeganaya Taas oo ah in Ansaarullah Yemen ay bartilmaameedsaneyso goobaha barakeysan.
Madaxweynaha Golaha Sare ee Siyaasada Ansarullah ayaa sheegay in eeda sucuudiga ee ah inay Makka beegsanayan ay tahay isku day quus ah oo lagu doonayo in lagu ururiyo ra'yiga dadweynaha laguna soo jiita dareenka Muslimiinta si loo dareensiiyo in an weerar kunahay dhulka barakeysan.
War qoraal ah oo uu Madaxweynaha Ansarullah u diray Wakaaladda Wararka Yemen ee Saba Al-Mashat wuxuu kusheegay in dadka Yemen ay muujiyeen iimaan qoto dheer iyo ixtiraam ay u hayaan goobaha barakeysan ee Islaamka waxayna diyaar u yihiin inay u huraan naftooda Masjidka Barakeysan ee Xaramka, sida ay u taageereen Masaajidka Al-Aqsa, oo ah goobta saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka.
Al-Mashat oo hadalkiisa sii wata ayaa Wuxuu sheegay in dadka Yemen ay si isdaba joog ah u isugusoo baxeen waddooyinka iyagoo ka mudaaharaadaya xadgudubyada ka dhanka ah islaamka iyo Goobaha Cibaadada ee barakeysan.
Sidoo kale Al-Mashat wuxuu sheegay in nidaamka Sacuudigu ay ahayd inuu dadka Muslimiinta ah isu keeno badalkii Trump oo dambiile ah uu geyn lahaa Dhulka Barakeysan, Wuxuu intaas ku daray, "Kuwa Epstein siiyay dharka daboolka Kacbada Ayaa bartilmaameedsanaya Makka iyo goobaha barakeysan ee Islaamka" AL-Mashat ayaa Carrabka ku adkeeyay in sheegashooyinka inay beegsanayaan Makka ay tahay marin habaabin siyaasadeed aysana mar dambe ku kaadsoomin dadka Carabta iyo Muslimiinta oo dhan.
Hadalka Madaxweynaha Golaha Sare ee Ansarullah Al-Xuuti ayaa imaanaya xili Boqortooyada Sucuudiga si ay ukicisa dareenka muslimiinta ay sheegtay in Ansarullah Ay beegsaneysa Masjidka Barakeysan ee Xaramka.

Mohamed Koronto

Gaadiidleyda Waqooyi Bari oo la amray inay bixiyaan Cashuurta.Wasaaradda howlaha guud gaadiidkw iyo dib udhisma maamulka...
09/17/2026

Gaadiidleyda Waqooyi Bari oo la amray inay bixiyaan Cashuurta.
Wasaaradda howlaha guud gaadiidkw iyo dib udhisma maamulkas ayaa warqad ay soo saartay ugu sheegtay gaadiidleyda inay deg deg ubixiyaan cashuurta.

"Dalkeena Waxba k**a soo saarno, waana dhibaata an wajahayna waana mid si weyn noo damqeysa." Xamse Cabdi Barre RW Sooma...
09/17/2026

"Dalkeena Waxba k**a soo saarno, waana dhibaata an wajahayna waana mid si weyn noo damqeysa." Xamse Cabdi Barre RW Soomaaliya.

Address

Apple Valley, MN
55124

Telephone

+967770253823

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Koronto posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohamed Koronto:

Shortcuts

Share