Mohamed Koronto

Mohamed Koronto Bogga Rasmiga ah ee Weriye Maxamed Koronto. +252637971661

Naag ninkeeda dishay .Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay haweeney caawa fiidkii ninkeeda, Marxuum Xasan Maxamed Nu...
11/20/2025

Naag ninkeeda dishay .

Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay haweeney caawa fiidkii ninkeeda, Marxuum Xasan Maxamed Nuur, degmada Dayniile, waaxda Kor-Damac. Dilka waxay u adeegsatay toorey.

Eedeysanadda waxaa lagu magacaabaa Faadumo Maxamed Cusmaan.

Dawladda Maraykanka oo soo saartay Liiska waddamada ay digniinuhu saaran yihiin ay Soomaaliya ku dartay dalalka gebi aha...
11/20/2025

Dawladda Maraykanka oo soo saartay Liiska waddamada ay digniinuhu saaran yihiin ay Soomaaliya ku dartay dalalka gebi ahaanba looga digay in ay safar ku tagaan muwaadininta u dhashay dalka Maraykanka.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in Soomaaliya ay tahay goob aan ammaan ahayn oo aan laysku aamini karin taa darteedna loo baahan yahay in laga dheeraado socdaalka lagu tago.

Sidoo kale dawladda Canada ayaa iyaduna dhowaan muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Soomaaliya.

Tan iyo markii la jabsaday adeegga E-visa waxa ay waddamada reer Galbeedku sii xoojiyeen digniinaha ay ka soo saarayaan xaalada Soomaaliya taas oo hadda gaadhey in muwaadiinta loo diro digniino toos ah oo dhinaca socdaalka ah.

Dilk ka dhacay Gaalkacayo.Sakariye Cabdi oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa Caawa fiidkii lagu dilay magaalada Gaalkacayo ee ...
11/20/2025

Dilk ka dhacay Gaalkacayo.

Sakariye Cabdi oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa Caawa fiidkii lagu dilay magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug.
Lama ogo sababta kadambeysa dilka Sakariye, Dilka Sakariye ayaa imaanaya xili Gaalkacayo ay kasocdaan dibid baxyo cadaalad loogu raadinaya gabadh dhowaan si arxan daro ah loogu dilay Gaalkacayo.

Magaalada Gaalkacayo ayaa noqotay goobta ay kadhaceen dilalkii ugu badnaa sanadkaan kuwaas oo ubadan dilalka aanooyinka qabiilka.

Mohamed Koronto

11/20/2025

Dhaqtarkii Tahriibay iyo dhibaatadii uu lakulmay.
Waa Sheekada Dr khaalid Muxumed. Part 1

AGAASIMAHA WAAXDA KORMEERKA & QIIMAYNTA WASAARADDA QORSHAYNTA WAQOOYI BARI OO  KULAN LAQAATAY   AGAASIMAHA  WAAXDA M&E  ...
11/20/2025

AGAASIMAHA WAAXDA KORMEERKA & QIIMAYNTA WASAARADDA QORSHAYNTA WAQOOYI BARI OO KULAN LAQAATAY AGAASIMAHA WAAXDA M&E EE WASAARADDA QORSHAYNTA DFS

Agaasimaha waaxda kormeerka & qiimaynta ee Wasaaradda qorshaynta dawladda waqooyi bari mudane Cabdiqaadir saleebaan Maxamed ayaa kulan shaqo laqaatay agaasimaha waaxda kormeerka & qiimaynta ee wasaaradda qorshaynta somaliya Mudane Maxamuud siciid Nuur.

Labada agaasime Waxay si wadajir ah iskula garteen in la sii xoojiyo dadaallada lagu hormarinayo nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta ee dalka, isla markaana laxoojiyo lana taageero waaxda M&E ga ee wasaaradda qorshaynta Waqooyi bari si loo dhiso hannaan mideysan oo wax ku ool ah dalka oo dhan.

Xaalada Gaalkacayo oo kacsan.Dadweynaha degmada Gaalkacayo ee gobolka Mudug ayaa wada isku soo baxyo iyaga oo jidadka ta...
11/20/2025

Xaalada Gaalkacayo oo kacsan.
Dadweynaha degmada Gaalkacayo ee gobolka Mudug ayaa wada isku soo baxyo iyaga oo jidadka taayara kugubaya qaarna dhagaxaan dhigaya kuna dhawaaqaya cadaalad.

Dadkaan ayaa dalbanaya in cadaalad ay hesho gabadh 14 Sanno jir ahayd oo si arxan daro ah dhowaan loogu dilay Gaalkacayo taas oo maanta kiiskeeda lagu qaaday maxkamad kutaala Gaalkacayo.

Maxkamada ayaa waxaa kasoo muuqday muuqaalo laga shiday shaashad oo muujinayay in gabadha yar oo lagu magacaabi jiray saabiriin oo ay haweeney kale si arxan dara ah nafta udhaafineysa iyada oo qoorta uga xidhay hadhig iyo baca, muuqaalka ayaa laga arki karay gabadha oo nafta kasii baxeysa.

11/20/2025

Xitaa dhirtii ayaa qalashay, waa inta udhaxeysa dhubuq dhubuq iyo god'aalo gobolka Xaysimo Waqooyi Bari Soomaaliya.

11/20/2025

Fursad ka jirta laascaanood

11/19/2025

Ceel biyood duleedka Degmada Sarmaanyo kuyaalo oo xoolaha abaarta saameysay biyaha qadhaadh ka cabaan.

Follow Dheh Page-ka Mohamed Koronto

11/19/2025

Degmada God'aalo gobolka Xaysimo D.G waqooyi bari Soomaaliya.

Gudoomiyaha Dhalinyarada beesha madhibaan ee Degta deegaanada waqooyi Bari
11/19/2025

Gudoomiyaha Dhalinyarada beesha madhibaan ee Degta deegaanada waqooyi Bari

11/19/2025

"Xasan Sheekh meydka gaalada ayuu usujuudaa" Maxamuud Caydiid Dirir Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Address

Apple Valley, MN
55124

Telephone

+967770253823

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Koronto posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohamed Koronto:

Share