Halhays TV

Halhays TV Waxaad kala socon doontan wararka dhaqaalaha siyaasada iyo Guud ahaanba dhacdooyinka Geeska Africa political analyst

07/23/2026
07/23/2026

Hees tuubo raac ah

07/14/2026

Isra oo tababar Ciidan kawada Gobolka Saaxil ee Somaliland iyo halista Xuuthiyiinta Yaman ee dadka reer Somaliland.

Isra oo aqoonsatay Somaliland dhamaadkii sanadkii h**e ayaa tababar Ciidan ka bilowday Horaantii biishii June ee sanadka deegaanka bulaxaar ee gobolka saaxil sida ay noo xaqiijiyeen ilo amni.

Tababarkan oo mid militari iyo kan ciidamada gaarka ah ee fuliya howlaha adag ayaa
Xalay iyo maanta deegaanka Bulaxaar waxaa laga maqlay dhawaaqa hubka culus oo lagu tababarayo Ciidanka.
Waa markii 4aad oo ay dadka deegaanka bulaxaar maqlaan hubka culus.

Somaliland ayaa diiday in laga hadlo waxa halkaas kasocda waxaana laga ilaaliyay in warbaahinta iyo dadka caadiga ah helaan xogta saxda ah ee halkaas kasocda.

Xarunta Sirdoonka ee magaalada Hargeysa ayaa 2dii bil ee ugu dambeeyay waxaa lagu qabtay 3 kulan oo qaar kamida saraakiisha dhexe ee Sirdoonka Somaliland lagu siinayay tababaro kookooban oo hababka Sirdoonka laxidhiidha.

Sida an kuhelnay xog kale 15kii bishii April ayaa waxaa isra loo qaaday 5 Sarkaal oo kamida Sirdoonka Somaliland kuwaas oo tababar Ciidan kusoo qaadanaya isra.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo amni 4 sarkaal oo yuhuudiyiin ah oo 3 kamida madoow yihiin ayaa booqday furimaha iyo talisyada Ciidanka Somaliland ee Gobolka Togdheer.

Ujeedada ayaa ahayd sida loo qiimeyn lahaa ciidamada Somaliland iyo goobaha lagu sameyn karo tababarada Ciidanka, 2 todobaad oo ay kusugnaayeen Talisyada Ciidamada ayay saraakiishaas kunoqdeen Hargaysa.

YHD oo kaashaneysa Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Berbera kawada dhismaha garoon diyaaradeed casri ah si ay ufududaadan howlaha ay halkaas kawadan.

YHD ayaa Gobolka saaxil oo Berbera laga xukumo u aragta goob istiraatiijiyadeed ee aad muhiim ugu ah howlaheeda.

Tababarka hada ay Yhda kawada deegaanka bulaxaar ayaa waxaa kamid isticmaalka diyaaradaha Drones-ka ee lagu fuliyo duqeymaha kaas oo ah mid ay Somaliland u aragta muhiimad weyn.

Ujeedada ugu weyn Yhda ka leedahay dekada berbera deegaanka ayaa ah istiraatiijiyada juqraafiyeed ee ay leedahay taas oo ufududeyn karta in ay helaan awood ay Gacanka baabul mandab saameyn ugu yeelan karta Yhda.

Kooxda Xuuthiyiinta oo gacan saaar la leh iran ayaa dhowr mar kuhanjabtay inay xidheysa Gacanka baabul mandab oo muhiim u ah isku socodka ganacsiga kaas oo siweyn usaameynaya Soomaaliya.

Xuuthiyiinta Yaman ayaa kuhanjabtay dhowr mar inay duqeyn doonto hadii Yhda ay Dhaqdhaqaaq kasameysa berbera iyo deeganada kuxeeran gacanka baabul mandab ee Somaliland.

Qatarta Xuuthiyiinta oo ah mid an la dhayalsan karin iyo qorshoyasha yhda kawada Somaliland ee madaxda Somaliland raaliga katahay ayaa dadka reer Somaliland u abuuri karo halis badan oo amni.

Yhda ayaa iyada oo isticmaaleysa Somaliland waxaay dooneysaa in sida iran ay awooda ugu yeeshay Xuuthiyiinta Yaman ay sameysa awood geeska Afrika ah oo danaheeda didaacda si ay gacanta ugu dhigto Gacanka baabul mandab.

Horaanrii bishii h**e ayaa waxaa soo baxday warbixino sheegaya in Yhda ay gujusyada quusa ay usoo dirtay xeebaha Somaliland taas oo markii damba ay beenisay.

Xogo amni ayaa sheegaya in Yhda ay bilaabi doonto tayeynta iyo tababarida ciidamada badda Somaliland.

Howlaha tayeynta, qaabeynta, Tababarka ee ay Yhda kawada Somaliland waxaay culeys kale oo amni kunoqon karaan deegaanada maamulka cusub uu kasameysmay ee Waqooyi Bari kuwaas oo siyaaba badan saameyn ay ugu yeelan karta.

Somaliland wali waxaay dhul ay leedahay utaqaana deegaanada maamulka waqooyi bari, qariirad dhowaan ay soo bandhigeen ayaa waxaa kasoo muuqday dhul kabaxsan waqooyi bari oo Puntland kamida sida magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Sheegashada dhuleed ee deegaanadaas iyo arrimaha kasocda gudaha Somaliland ayaa siwada jir ah Qatar ugu abuuri karo waqooyi bari iyo Puntland oo hadda Gobolka sanaag qayba kamida kuwada murunsan.

Baraarug la'aanta qatarta cusub ee gobolka ee dadka reer Waqooyi Bari oo ah kuwa ugu dhow Somaliland ayaa ufududeyn karta Yhda iyo Somaliland in qatarta amni sare ukacda.

Geesta kale DFS oo awoodeeda ay kukooban tahay cambaareynta falalka isra ayaa ilaa hada sheeda kadaawaneysa howlaha socda.

DFS ayaa shacabka usheegtay in ay kuguuleysatay dedaaladeeda siyaasadeed iyada oo adeegsanaysa Midowga Afrika iyo carab kuwaas oo sheegay inay tahay in la ixtiraam midnimada Soomaaliya balse hadalkooda cidna dhag jalaq umasiinin.

Daljir Media

05/26/2026

Laba qiso oo burco ka dhacay waa wax yaab leh.

Gabadh ayaa sucuudiga shaqo u aaday kadib waxay gabadh ay dhashay kaga tagtay gurigii awoowgeed iyo abtiyadeed ruma.

Gabadhii waxaa kufsaday abtiyadeed iyo awooweed hooyadeed dhalay iyada oo xanuunsan dhimirkana ah waxayna qaaday uur.

Baraha Bulshada ayaa waxaa soo fadhiisatay hooyadii gabadha dhimarka ah dhashay oo cadaalad weyday.

Dhawr maalmood ka hor waxaa iyana Baraha Bulshada la wareejinayay gabadh uu kufsaday nin wadaad lagu sheegay oo malcaamad macalin ka ah isla markaana gabadha uu kufsaday habaryarteed oo ay la joogtay qaba.

Gabadhii yareyd Baraha Bulshada ayay timi dhawr habeen ka hor waxayna tiri ninkii kufsiga I geystay ayaan booliska iyo C.I.D ka dacweeyay kadib lacag ayuu bixiyay ninkii si dambigiisa meesha looga saaro waana laga saaray.

Gabadhii waxay tiri aniga oo dhibane ah ayaa xaruntii dambi baadhista burco layga yeedhay oo laygu yiri warqadan nootaayada khasab ku saxeex si kiiska meesha looga saaro.

Qolada Somaliland waxaan leeyahay gabdhahaas Soomaaliyeed cadaalad u raadiya inta aad wax kale oo dantiina ahayn aad ka hadlaysaan.

Xaga Puntland marka aan u soo noqdo waxaan u malaynayaa kufsiga iyo tacadiyada caruurta ee ka dhacaa in ummadu markhaati ka tahay oo marmar badan la arko hooyooyin caruurtoodii cadaalad u waayay.

Waxaan leeyahay tiisa daryeele ayaa mid kale ku dara ee dhulkiina tacadiyada ka dhaca xaliya.

Mudo 3 sano ah oo maamul ka dhisnaa Sool,Sanaag iyo cayn waxaa ka dhacay laba kufsi kaliya, dambiilayaashii dambiyada galayna Hay'addaha amnigu dhamaantood gacanta ayay ku soo dhigeen.

Sharciga ayaana la horgeynayaa waxay sharciga ka helaan ayaana lagu xukumayaa.

Ninkii gabadh kufsada waa in qisaas lagu fuliyo.

Gabdhaha Soomaaliyeed meel kasta iyo maamul kasta oo ay jogaan xurmeyn ayay mudan yihiin.

03/04/2026

Guddoomiye Aadan Madoobe: "222 Xildhibaan ayaa gacanta u taagay dhammaystirka Dastuurka JFS, ANSAX WAAYE."

Madaxweyne kuxigeenka  Dawladgoboleedka  Waqooyi Bari  State Of Somalia  Mudane C/rashiid  Yuusuf  Jibriil  iyo Taliyaha...
02/14/2026

Madaxweyne kuxigeenka Dawladgoboleedka Waqooyi Bari State Of Somalia Mudane C/rashiid Yuusuf Jibriil iyo Taliyaha Sirdoonka W.Bari ayaa kusugan Caasimada Wadanka Boqortooyada Sucuudi Areebiya ee JIDA halkaasooy kulamo kulaleeyihiin Madaxda Boqortootada Sucuudi Careebiyo
Waxweeynbaa Soosocdee Sugaay Sugaay

Sxbkii ugu weynaa somaliland oo la cunay Sida ku warrantay Financial Times; Shirkadda DP-world ayaa shaqada ka saartay g...
02/14/2026

Sxbkii ugu weynaa somaliland oo la cunay

Sida ku warrantay Financial Times; Shirkadda DP-world ayaa shaqada ka saartay guddoomiyaheedii, Suldaan Axmed Sulaym oo lala xidhiidhiyey kiiska fadeexadda ah ee J.Epstein, waxa xilkisii lagu beddeley Ciise Kaasim.

Mareykanka iyo Soomaaliya ka wada-hadlay  dagaallada ka dhan ah AS ka dib kulan Addis Ababa ku dhexmaray sarkaalka-sare ...
02/14/2026

Mareykanka iyo Soomaaliya ka wada-hadlay dagaallada ka dhan ah AS ka dib kulan Addis Ababa ku dhexmaray sarkaalka-sare ee Mareykanka ee arrimaha Afrika, Nick Checker & Madaxweyne Xasan Shiikh.
Nick checker ayaa ku wajahan Laascanood

02/14/2026

Dowladda Federaalka oo sheegtey in Xuutiyiinta Yemen ay dalka halis ku hayaan: “Innaga oo la tacaaleyna AS & IS ayaa waxa dig soo yidhi Israa|l & Somaliland, haddana Xuutiyiin ayaa doc naga faruuraya, Qaranka aan u ducayno.” — Wasiir Fiqi.

02/13/2026

Maamadan America ku nool Say walahi siday U Xaliyeen waad yaabi linkiga hoose ka daawo Muuqalka

Address

3512 Sandy Woods Lane Stone Mountain
Atlanta, GA
30083

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Halhays TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Halhays TV:

Shortcuts

Share