09/05/2026
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 oo ku sugan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in diyaaradda loo diyaarinayo hawlgal kale oo duqeyn ah.
Bayraktar TB2 waa diyaarad aan duuliye lahayn oo loo adeegsan karo sahamin iyo hawlgallo militari. Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay adeegsanaysay diyaaradaha Bayraktar ee Turkiga, iyadoo xiriirka milatari ee Soomaaliya iyo Türkiye uu si weyn u balaartay.
Kadib dhacdada Doolow, muuqaal cusub oo la baahiyay ayaa muujinaya Bayraktar TB2 oo ku sugan ama ka hawlgalaysa garoonka Aadan Cadde. Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradda loo diyaarinayo hawlgal cusub.
Warar hoose ayaa sheegayo in duulimaadka xiga laga yaabo inuu ku wajahnaado deegaanada Jubaland, gaar ahaan Magaalada Kismaayo.
Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed iyo kan amni ee u dhexeeya Muqdisho iyo Jubaland uu isu beddelo xaalad ay diyaaradaha dagaalka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn qayb ka noqdaan.
Qaar ka mid ah wararka ayaa ku doodaya in madaxda sare ee Jubaland ay noqon karaan bartilmaameedyo suurtagal ah. sido kale waxa la so warinayaa in Axmed Madoobe iyo Cabdirashiid Janan si gaar ah loo bartilmaameedsanayo. balse wali si rasmi ah looma shaacin xiliga ay dowlada qaadayso howlgalkaan.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka dowladda federaalka iyo Jubaland uu weli yahay mid aad u xasaasi ah. Labada dhinac ayaa h**ey ugu kala aragti duwanaaday arrimaha maamulka Gedo, amniga, ciidammada iyo awoodda siyaasadeed.
Isticmaalka diyaaradaha Bayraktar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale h**ey uga dhex muuqday dagaallada iyo xiisadaha Jubaland. Tusaale ahaan, intii lagu jiray dagaalladii Ras Kamboni ee 2024, mas’uuliyiin Jubaland ah ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay adeegsanaysay Bayraktar TB2 oo Turkigu bixiyay.
Dowladda Soomaaliya weli k**a soo bixin war cad oo si buuxda u sharxaya dhacdadii Doolow iyo cidda fulisay weerarka, halka Jubaland ay dalbatay in si dhab ah loo baaro doorka Türkiye iyo sida loo adeegsaday awoodaha militari ee ay Soomaaliya ka heshay Ankara.
Arrintan ayaa muujinaysa walaac ah in qalabka militari ee loogu talagalay la dagaallanka kooxaha hubeysan, gaar ahaan Al-Shabaab, uu ku lug yeesho khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka.