10/07/2026
Addis Ababa - Magacaabista Golaha Wasiirrada cusub ee Dowladda Federaalka Itoobiya
Addis Ababa waxaa ka socda dhismaha Xukuumadda cusub ee Federaalka Itoobiya iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirrada.
Xogaha laga helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku hawlan yahay dhammaystirka Golaha Wasiirrada cusub.
Sidoo kale, xogaha ayaa tilmaamaya in Deegaanka Soomaalidu la filayo inuu Xukuumadda cusub ku yeesho laba xubnood, kuwaas oo magacyadooda lagu wado inay kasoo muuqdaan liiska Golaha Wasiirrada cusub.Liiska magacaabista ayaa la filayaa inay soo baxan maalmaha soo socda....
Itoobiya imisa Wasaaradood ayaa ka jira?
Dowladda Federaalka Itoobiya, iyadoo lagu salaynayo Xeer Lr. 1263/2014, waxaa hadda ka jira 22 Wasaaradood oo ah hay’adaha fulinta ee Dowladda Federaalka.
22-ka Wasaaradood ayaa kala ah:
1. Wasaaradda Beeraha
2. Wasaaradda Warshadaha
3. Wasaaradda Ganacsiga iyo Is-dhexgalka Gobolka
4. Wasaaradda Macdanta
5. Wasaaradda Dalxiiska
6. Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha
7. Wasaaradda Maaliyadda
8. Wasaaradda Dakhliga
9. Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta
10. Wasaaradda Hal-abuurka iyo Teknoolojiyadda
11. Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka
12. Wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka iyo Kaabeyaasha
13. Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta
14. Wasaaradda Waraabka iyo Dhulka Bannaan/Deegaannada Kulul
15. Wasaaradda Waxbarashada
16. Wasaaradda Caafimaadka
17. Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada
18. Wasaaradda Dhaqanka iyo Ciyaaraha
19. Wasaaradda Difaaca Qaranka
20. Wasaaradda Arrimaha Dibadda
21. Wasaaradda Caddaaladda
22. Wasaaradda Nabadda
Sidaa darteed, 22-ka Wasaaradood ayaa ka mid ah hay’adaha fulinta ee Dowladda Federaalka Itoobiya, waxayna si wadajir ah uga qayb qaataan dhismaha Golaha Wasiirrada (Cabinet-ka) ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha.
SIMA TV Somali interconnect Media Agency
OGAAL MEDIA