11/20/2025
๐
๐๐ซ๐ซ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐
Barito waxa aynu u dabaaldegaynaa Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, maalinta lagu sharfayo kaalinta weyn ee macallimiintu kaga jiraan dhismaha bulshada iyo horumarinta aqoonta jiilka soo koraya. Aniga oo ka mid ah macallimiinta Soomaaliyeed, waxaan rabaa inaan halkan ku muujiyo mahadnaq, qadarin, iyo bogaadin qoto dheer oo aan u jeedinayo dhammaan macallimiinta dalka ka hawlgala.
Macallinku waa laf-dhabarta waxbarashada. Waa hagaha ardayga, waa kobciyaha maskaxda daโda yar, waana qofka ku beeraya ubadkeenna akhlaaq, aqoon, iyo himilo fog. Shaqada macallinku waa mid ka baxsan fasalkaโwaa abuurista mustaqbal, waa ilaalinta qiyamka bulshada, waana in jiil walba loo diyaariyo inuu dalkiisa u horseedo horumar iyo barwaaqo.
Maanta oo kale, waxaan xusuusanahay dadaalka aan innagu macallimiinta ahi maalin walba gelinno: diyaarinta casharrada, akhriska iyo cilmi-kororsiga aan joogtada u sameyno, iyo xiisaha aan u qabno inaan arday kasta gaarsiino guul dhab ah. Waxa sharaf ii ah inaan qeyb ka noqdo macallimiinta Soomaaliyeed oo saameyn muuqata ku leh ubadka, qoysaska, iyo dalka oo dhan.
๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐!
Dadaalkiinnu waa iftiin. Saameyntiinnu waa mid aan la qiyaasi karin. Wadajirkenu waxa aynu dhiseynaa mustaqbal ifaya oo ubadka Soomaaliyeed.
๐๐๐๐ ๐๐ง๐ ๐ฅ๐ข๐ฌ๐ก: https://www.linkedin.com/pulse/my-message-occasion-somali-teachers-day-cabdullaahi-caafi-sh-vsy8f