Arlaadi News

Arlaadi News Our dual focus is on amplifying the voices of ordinary Somalis enabling better communication with the wider international humanitarian community, and providing Somali audiences with the critical information they require to make better informed choices on
ABOUT ARLAADI MEDIA NETWORK (AMN) AMN is a local Somali news agency that has more commitment in the area of news programing, Producing Appeal video Clips, Producing advertisement videos, designing and editing documentray videos which has no traces in the area of corruption and misconduction and also producing community mobilization clips when in humanitarian objectives are there. AMN ooerates across Somalia particularly in South West of somalia. AMN's main objectives are to display and deliver humanitarian news and information in Somali. The programming is based on local reporting gathered by our unique network of correspondents and material prepared by AMN’s staff producers.

ISNIIN MAALINTA LA HADALKA DADWEYNAHA:Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa jeediyey ha...
06/01/2020

ISNIIN MAALINTA LA HADALKA DADWEYNAHA:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa jeediyey hadaljeedintii saddexaad tan iyo markii uu bilaabay inuu bil walba isniinta u horeysa uu la hadlo Dadweynaha, ayaa caawa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan Puntland iyo Soomaaliyaba.

Madaxweynaha ayaa dadweynaha la wadaagay xaaladda amniga guud ee Puntland, dadaalada amni ee la sameeyay wixii ka danbeeyay qaraxii gaalkacayo, qorsheyaasha dhinaca horumarka ah ee socda , hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo si wanaagsan u socota, xaaladda covid-19 ee Puntland iyo goáankii todobaadkan kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ee ku saabsana arrimaha Doorashada.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ka digey in si khaldan looga faa’iideysto kala aragti duwanaan u dhexeysa
Madaxda Sare ee Puntland.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA PUNTLAND

06/01/2020
Buurhakaba

Abaal marinta Tartamayaashii Buurhakaba
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka, madaxweynaha Koofur Galbeed iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Ayaa ka qeybgalay kulan lagu abaalmarinayay Degmada Buurhakaba oo ku guuleystay tartan aqooneedkii bishii ramadaan ee warbaahinta qaranka

Diyaaradii sadexaad oo sida muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Sacuudiga ayaa goordhaw kasoo dagtay garoonka ...
05/31/2020

Diyaaradii sadexaad oo sida muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Sacuudiga ayaa goordhaw kasoo dagtay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada muqdisho taas oo kasoo duushay magaalada Jidaha waxaana ay siday 126 mawaadin oo
24 dumar tahay iyo 102 rag ah.

#Somalia.

05/31/2020
BUUR HAKABA

#Buur_Hakaba:Qaban qaabadii ugu Danbeysey Munaasabad Heerkeeda Lasoo Agaasimey Taa Oo Agu dhiiro galinaayo Tar tamiyaasha. Goobtu waa Buur Hakaba

Diyaarad siday 132 ruux oo mawaadiniin Soomaaliyeed ah una badan haween iyo Caruur ka mid ah mawaadiniintii Madaxweynaha...
05/29/2020

Diyaarad siday 132 ruux oo mawaadiniin Soomaaliyeed ah una badan haween iyo Caruur ka mid ah mawaadiniintii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu amray in laga soo daadgureeyo dalka Sucuudi Carabiya ayaa caawa ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,3da maalmood ee ku xigtana duulimaadyada keenaya mawaadiniinta waa ay socon doonaan.

Sonna

05/29/2020
Raisul Kheyre

RW Kheyre oo sheegey in laga bilaabo maanta Golaha wasiirada shaqada utaalo tahay hirgelinta doorasho waatigeeda kudhacdo oo la isla ogolyahay muhiimna utahay xasiloonida siyaasadeed ee dalka

Al Shabaab ayaa caawa weerar ku soo qaaday Ciidamado ka tirsan Maamulka koonfur galbeed kuwooda ku sugan Degmada Diinsoo...
05/28/2020

Al Shabaab ayaa caawa weerar ku soo qaaday Ciidamado ka tirsan Maamulka koonfur galbeed kuwooda ku sugan Degmada Diinsoor ee ka tirsan gobolka bay, Weerarka ayaa markii hore wuxuu ku bilowday Bamp gacmeed iyo Hub culus. Kaasi oo ay adeegsanayeen Meleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Warbaahinta Arlaadi News oo Xiriro la sameeysay dadka Degaanka ayaa u xaqiiniyey in hada la ogyahay iney ku dhaawacmeen labo Qof oo Ciidanka ka tirsan. balse waxaan la ogeyn dhinac Al Shabaab Qasaaraha ka soo gaaray.

Maalin ka hor ayey aheyd markii Ciidanka Dowlada ay weerar ku qaadeen Al Shabaab ayaa waxaa loogu dilay labo Qof oo ka tirsanaa Al shabaab

Wasiirka Arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka koonfur Galbeed Mohamed Abukar Cabdi i...
05/28/2020

Wasiirka Arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka koonfur Galbeed Mohamed Abukar Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaarey deegaanka Jannaale ee gobolka shabeelaha hoose,

05/28/2020
#Buur Hakaba

Maamulka Degmada Buurhakaba iyo Saraakiisha Ciidanka oo xalay Shacabka kula Caweeyey Gudaha magaalada

#Tabiye:Mohamed Nour Franca

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaciil Ibraahim ayaa ka qaybgashay maanta kulan xag...
05/27/2020

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaciil Ibraahim ayaa ka qaybgashay maanta kulan xagga internetka ah oo u dheexeeyay Guddiyada doorashooyinka Africa hay’adda ay ku mideysanyihiin ee African Election Management Bodies (EMBs ), waxaana soo qaban qaabiyay kulanka waaxda arimaha siyaasadda ee Midawga Afrika Department of Political Affairs (DPA) of the African Union Commission (AUC).

Kullanka ayaa looga hadlayay saamaynta Xanuunka Safmarka ee COVID-19 iyo Doorashooyinka Afrika, iyadoo ka soo qaybgalayaasha kulanka ay wadaageen qibradooda la xariirta maaraynta doorashooyinka marka ay jiraan aafooyinka dabiiciga ah.

Gudoomiyaha GMDQ ayaa kulanka ka sheegaty sida ay soomaaliya ugu diyaar garoobayso doorashada sanadkaan.

05/26/2020
Hakaba brothers

Jaaliyada Hakaba brothers oo Xaflad u sameeysay Xiritaanka Afurintii Soonka
Report: Hussein Geesey

Khilaafkii udhaxeeyey Gudoomiye Mursal Iyo Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xaley lasoo afjarey, kadib dhexdhexaadintii maam...
05/26/2020

Khilaafkii udhaxeeyey Gudoomiye Mursal Iyo Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xaley lasoo afjarey, kadib dhexdhexaadintii maamahaan uga soctey magaalada Mogadishu oo ay garwadeen ka ahaayeen Madaxweyne Farmajo Iyo Xildhibaanada Digil Iyo Mirifle.

Senator Ilyas Ali Hassan  oo laga soo doorto Degaanada Koonfur galbeed ayaa Masuuliyad darro ku tilmaamay in caado laga ...
05/25/2020

Senator Ilyas Ali Hassan oo laga soo doorto Degaanada Koonfur galbeed ayaa Masuuliyad darro ku tilmaamay in caado laga dhigtay beegsiga Diyaarad u adeegeysa Bulshada degaanka
Waxaana uu Bartiisa Facebook ku qoray hadalkan"

""Masuuliyiinta diyaarada Salaam Air ee maanta lagu xabadeeyey magaalada Qansaxdheere oo qadka telephone-ka kula hadley waxay iisheegeen in dhibka uu kuqabsadey meel ujirta qiyaastii 5km Airport ka sidoo kaleed qiyaastii 5km soo dhaafeen Tuulada ay Shabaab-ka maamulaan ee Buulo-fuurto, hadaba:-

1. Waxaan canbaareeynaayaa dhibkaas cidkasta oo geysatey, waana arin curyaamineysey Shacabka masaakiinta ah ee reer KG oo awalba kudhib qabey safarada dhulka ah.

2. Waxaan usoo jeedinaayaa laamaha Amniga, Hey-ada Duulista Rayidka iyo cidkasta oo ay khuseyso in ay kusameeyaan baaritaan dhab ah dhacdooyinka maalmahaan lagu beegsanaayo diyaarada aada KG

Senator Ilyas Ali Hassan
Gudoomiyaha Gudiga Kheyraadka Qaranka, Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka.

Diyaarad  ku socotay Degmada Qansax dheere ayaa lagu riday rasaas si loo soo  rido. Diyaarada ayaa waxay siday dawooyin ...
05/25/2020

Diyaarad ku socotay Degmada Qansax dheere ayaa lagu riday rasaas si loo soo rido. Diyaarada ayaa waxay siday dawooyin iyo agab caafimaad oo lagu waday Degmada Qansax dheere ee Gobolka bay.

Warbixntan waxaa Qoray rug cadaa Saxafadeed  Yusuf Garaad Cumar.Allah ha u naxariistee laba mas'uul oo wax gal ah ayaa S...
05/25/2020

Warbixntan waxaa Qoray rug cadaa Saxafadeed Yusuf Garaad Cumar.

Allah ha u naxariistee laba mas'uul oo wax gal ah ayaa Soomaali ka baxay.

Ismaaciil Gama’diid wuxuu ku geeriyooday Muqdisho. Ismaaciil wuxuu ahaa Wasiir ka tirsan Puntland. Ilaaheey naxariista Janno ha ka waraabiyo.

Qoyskiisa, ehelka saaxiibbadiisa shaqo iyo kuwa kaleba samir Allah ha ka siiyo.

Gama’diid wuxuu ahaa aqoon yahan muddo dheer soo shaqeeyay. Xog ogaal u ah dhacdooyin xanuun badan oo dadkeenna soo maray. Haddana aamminsan in xisaab sax ah dadka la isugu keeno si aan asaaggeen u tiigsanno.

Waxaan in badan iska wareysannay, ka tashannay, mararka qaarna aan ka wada shaqeynay siyaasado iyo tallaabooyin kale oo horumarin kara isdhexgalka iyo is aamminaadda Soomaalida.

Garowe socdaalkii iigu dambeeyay waxaan ku qaadannay laba kulan oo midkood uu ahaa qado uu igu casuumay. Socdaalkeygii Gaalkacyo ee Maarso 2020 wuxuu igu casuumay in aan Garowe ugu tago si aan isaga kaashanno howl aan markaa u socday.

Si gaar ah ayuu u daneynayay iskaashi iyo isu soo dhowaasho hor leh oo dhex marta bulshada iyo Madaxda labada Dowlad Goboleed ee deriska ah, Puntland iyo Galmudug.

Waxaa uu xog badan ka hayay kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna oo leh xoolo, kalluun, beero, xabag duureed, macaadin iyo shidaal.

Waxaan xusuustaa isla bisha Maarso in uu ii soo gudbiyay farriin uu helay oo ah wacyi gelin ku saabsan saabsan Coronavirus.

Allah ha u naxariisto Ismaaciil Gama'diid.

*****
Sidoo kale ayaan ka tacsiyeynayaa geerida Macallin Xasan Faarax oo ku geeriyooday London.

Xasan oo loo yiqiin Macallin John wuxuu ahaa Macallin caan ah, in badan soo tababbaray kooxaha heerka Koowaad ee Kubbadda Koleyga Soomaaliya.

Sidoo kale, London wuxuu ka sii waday macallinnimada iyo tababbarrada Sportiga.

Macallin ayuu ahaa bulshada Soomaaliyeed meel weyn uga jira, xushmad badan, dabeecad wanaagsan oo ah akhyaar, reer magaal ah.

Rabbi Jannada ha ugu bishaareeyo. Qoyska iyo saaxiibbadiisa tirada badan Allah sabir ha ka siiyo.

Macallin John waa ninka sita faylka cas iyo qalmaanta ee la sawiran dhallinyarada ah iyo Mo Farah.

Waxaa Qoray Senator Ilyas Ali Hassan Xaley saqdii dhexe 2:50 daqiiqo ayaa waxaan furey fariin aad ii taabatey oo uu iiso...
05/23/2020

Waxaa Qoray Senator Ilyas Ali Hassan

Xaley saqdii dhexe 2:50 daqiiqo ayaa waxaan furey fariin aad ii taabatey oo uu iisoo direy nin aan sxbo nahay waxayna uqorneed nuxurkeeda sidaan hoose:

ASC Salaan kadib Hambalyo marka kowaad guusha Degmada Buurhakaba, Marka labaadna Hambalyo wiilasha hormuudka u ahaa Tartamayaasha Buur sida Mohamed Jeele, Aadan, Ibraahim Mohamed Hassan, Aadan Mursal, Aadan Taleeso Iyo kuwa kale oo badan waxay kasoo Aflaxeen Iskuukii 2004tii aad Sababta u aheed, Sharaf ayeey kuutahay anagana nootahay Mahadsanid Mudane Senator wax wanaagsan uun sameey miraheedi maalin uun ayaad guraneeysaa adoon ogeeyn taas oo ugu horeyso Guusha aduunka Iyo Ajirka Aaqiro Guul.

Muhiimada aan idinla wadaagay fariintaan ayaa kusoo koobaayaa 3 qodob kuwaas kala ah.

1. Markii aan sameyneyney Iskoolkaas aniga iyo sxbo kaleed lafteyda waxaan kamid ahaa Ardeyda sanadkaas dhameysey Dugsiga Sare kadibna go'aansatey iney doorkooda ka qaataan samata bixinta dalka qeebta nooga aadaneed waxaana kasoo baxay kumanaan qaar ay maanta Dr yihiin, qaar Dhaqaalyahano halka qaar kale siyaasiyiin ah.

2. Tartamayaasha Buurhakaba shaqsiyaadka aqoon gaar ah uma laheyn marka laga reebo dhowr qof halka inta kaleedna aan waalidkooda aqaano mana ogeyn qeeb kamid ah iney kasoo faracmeen mirihii aan abuurkiisa lahaa, laakiin waxaan u arkaayey iney garab iyo dhiiro gelin iiga baahnaayeen maadama aan anigu kamid ahay dadka siyaasada kumatala.

3. Marka aad wanaagsan sameyso waqti kasta hakasoo wareegtee hadaad nooshahay waxaad uun arkeysaa wixii aad sameysey oo kufarxad geliya halka hadaad dhimatana Ajir Aakhiro uu kaaga horeeyo.

#HambalyoBuurHakaba
#CiidWanaagsan

05/23/2020
Maay maay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Lahjada Maayga ugu Hambalayeyey Shacab weynaha reer Koonfur Galbeed

05/23/2020

War deg deg ah
Guddoomiyihii Uururka Haweenka Degmada Diinsoor Marwo Baarliin Haaji oo goor dhow Bamp gacmeed lagu dilay Hooygeeda Diinsoor. Sidoo kale waxaa kaloo ku dhaawacmay sedex caruur oo Guriga joogtay

Laamaha Amaanka Diinsoor ayaa Xaqiijiyay Iney dhimatay Guddoomiyihii Uururka Haweenka Degmada Diinsoor Baarliin Xaaji.

05/23/2020

Maamulka iyo Howl wadeenada Warbaahinta Arlaadi News oo idin leh Ciid Wanagsan

Senator Ilyas Ali Hassan
05/21/2020

Senator Ilyas Ali Hassan

Buurhakaba 8 dhibcood | Dharkeenley 4 dhibcood.

#Guuleeysta

Goordhow waxaa bilaabanaayo tartankii udhaxeeyey Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir iyo Degmada Buurhakaba ee Gobol...
05/21/2020

Goordhow waxaa bilaabanaayo tartankii udhaxeeyey Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir iyo Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay maxaad fileysaan?

#Buurhakaba vs #Dharkeenley

05/20/2020
Hassan Sheikh Maxamuud

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya ayaa yiri arinta Badda 4-sanno ka hor meeshii joogtay ayey joogtaa

Dowlad Gobolled Puntland ayaa ‪waxay mudeeysay wakhtiga la qaadayo imtaxaanka Shahaadiga ah ee Puntland.
05/20/2020

Dowlad Gobolled Puntland ayaa ‪waxay mudeeysay wakhtiga la qaadayo imtaxaanka Shahaadiga ah ee Puntland.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee World Health Organization (WHO) Ayaa Qalab Caafimaad iyo DAWO Keeney Magaalada Baydhabo ...
05/20/2020

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee World Health Organization (WHO) Ayaa Qalab Caafimaad iyo DAWO Keeney Magaalada Baydhabo Waxaana Ka gudoomey Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Waxaana Garoonka diyaaradaha baydhabo oo Diyaaradii sidey dawadaasi ee Cagadhigatey Goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr Husein Mohamed Dahir.
#WasaaraddaCaafimaadkaKGS

Kulan dhex marey Madasha Xisbiyada Qaran iyo Odiyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa laga soo saarey go'aamo ku aadan xaala...
05/20/2020

Kulan dhex marey Madasha Xisbiyada Qaran iyo Odiyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa laga soo saarey go'aamo ku aadan xaaladaha, Caafimaadka, Siyaasada, Amniga, Dhaqaalaha iyo Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta #COVID19 oo caawa looga Saameynta...
05/19/2020

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta #COVID19 oo caawa looga Saameynta dhaqaale ee safmarka feyruska karoona iyo tillaabooyinka lagu xakameynayo ay ku yeesheen shirkadaha ka shaqeeya duullimaadyadka dalka.

05/19/2020
Buurhakaba

Maamulka Degmada Buurhakaba oo soo saaray awaamiir cusub

05/18/2020
Maxkamada Racfaanka

Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdilaahi oo maanta Xilka Wareejiyay ayaa ka hadlay Waxyaabihii U qabsoomay Mudadii Uu Xafiiska Joogay.

05/18/2020
Cali ilyaas Cabdullahi

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Wasiirka Waxbarshada Koonfur Galbeed ayaa xala ka Qeybgalay Kormeerka Dhiiragelinta Ciidamada Daraawiishta iyo Police-ka oo ku Sugan Bar kantrolada laga so Galo Magaalada Baydhabo Iyo Xaruunta Banqiyaamo Oo Fadhiisamo u ah Ciidanka Daraawishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

05/18/2020
Siciid Deni

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka hadlay Amniga Guud ee Puntland, Qorsheeyaasha dhinaca Amniga ee socda, wuxuuna ka tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo maanta arxan laawayaasha ah cadowga ummada Soomaaliyeed ay ku dileen Gaalkacayo.

Dhalinyarada degmada Buurhakaba ayaa caawa wacdaro kadhigey kulankii tartan aqooneedka SNTV oo ay kula tartameysey caasi...
05/17/2020

Dhalinyarada degmada Buurhakaba ayaa caawa wacdaro kadhigey kulankii tartan aqooneedka SNTV oo ay kula tartameysey caasimada D. Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb wayna kugaraaceen 10 halka Buurhakaba heshey 14 dhibcood.

Dhinaca kaleed dhalinyarada ayaa caawa kulan Afurin ah oo dhiira gelin ah waxaa usameeyey Senator Ilyas Ali Hassan oo degmada kasoo jeeda.

Qarax is miidaamin ah oo ka dhacay Xarunta Gobolka ee Galkacyo waxa ku geeriyooday Axmed Muuse Nuur'yare Guddoomiyahii  ...
05/17/2020

Qarax is miidaamin ah oo ka dhacay Xarunta Gobolka ee Galkacyo waxa ku geeriyooday Axmed Muuse Nuur'yare Guddoomiyahii Gobolka Mudug ee Puntland ,
Sido kale weerarkaasi waxaa ku dhintay sadax askari iyo qofkii ismiidaamiyay.

Waxaa maanta gelinkii danbe Dalka dib ugu soo laabtay Wafdi Xildhibaanno ah uu hogaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaa...
05/15/2020

Waxaa maanta gelinkii danbe Dalka dib ugu soo laabtay Wafdi Xildhibaanno ah uu hogaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Labada guddoon ee BFS.

Madaxweynaha Galmudug ayaa magacaabay Xildhibaan Mahad Sheekh Cali Cibaar ayaa loo Magacaabay Wasiir Ku xigeenka Dhaliny...
05/15/2020

Madaxweynaha Galmudug ayaa magacaabay Xildhibaan Mahad Sheekh Cali Cibaar ayaa loo Magacaabay Wasiir Ku xigeenka Dhalinyaradda iyo Ispoortiga ee Galmudug halka Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada loo magacaabay Cumar Axmed Shido

05/15/2020
Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo oo u Hambalyeeyey Maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed

Address

14205
Buffalo, NY
14205

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Arlaadi News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Arlaadi News:

Videos

ARLAADI MEDIA NETWORK

Arlaadi News is a Somali-based Media organization that covers Breaking news on political and security issues in East Africa, Somalia in particular

Nearby media companies


Other Broadcasting & media production in Buffalo

Show All

Comments

Muslim
Reer arlaadi hadalkaas koley waad fahmi doontan aniga runtii hadalkaas wa itaabtay waana sababta igu kaliftay inan so dajiyo soona gudbiyo qofkasta oo reer arlaadi maskaxdiisa ha galsho iney wax ka maqan yhn
Arlaadi Media Network -AMN- A Somali Local Broadcasting Network