Asad Gaaciye

Asad Gaaciye Dhaqaalaha, technology-ga iyo daldhisid.
(1)

Founder of beta academy,Author of books: Duurxul iyo Dareen Hadal, 33da Qodob Ee Furaha Guusha Ardayga And Aasaasiga Forex.

09/01/2026

Dunida oo dhan English waxaa ku hadla 1.5 bilyan oo qof, waa 19% dadka dunida ku nool laakiin qiyaastii 400 milyan ayaa dhalad ugu hadla. 1.1 bilyan soo haray waxay u tahay luuqada 2aad. Yacni 4-tii qof ee english ku hadla 3 ayaa baratay midna waa dhalad.
Ilaa 70 wadan ayaa qofkii english ku hadlaa uu yahay mid dadka wax dheer oo qadarin leh.

Website-yada internetka in kabadan kala bar waxay ku qoran yihiin English. Buugaagta, wararka iyo aflaantuna waa la mid. Taas waxay ka dhigan tahay qofkii aan English garanayn in uusan ka faaidaysan karin macluumaad badan.
Jaamacadaha aduunku intooda badan waxay ardayga caalamiga ah uga baahan yihiin in uu wax ku fahmi karo English. Suuqa shaqaduna waa la mid.
Taas waxay kaliftay in dadku ay ku bartaan sidii ay ku qabsataba, ama iskuul ha u galeen ama aflaan haka barteen ama sidii Quraankii ha uga baxeen e.

08/29/2026

2014 wadanka Afgaanistaan, weriyaha BBC ee lagu magacaabo Quentin Sommerville ayaa waxaa uu soo tabinayey meel lagu gubayey 8.5 ton oo daroogo ah. Daroogooyinka la gubayey waxaa ka mid ahaa he**in, o***m, hashish iyo daroogooyin kale.
Cabaar ka dib waxaa la arkay weriyihii oo uu koontaroolkii ka lumay, wuxuu bilaabay in uu qosol joojin waayo, hadalka jiidjiido, uuna isku aadin waayo warkii uu sheegi lahaa. Ileen qiiqii badnaa ee daroogada ka soo baxayey ayuu jiidey oo jirkiisa waxaa gashay daroogadii ilaa uu ‘high’ noqday laftiisii.
Goor dambe oo la weydiiyey waxa uu dareemayey xiligaas wuxuu ku jawaabay “ha tagin meelaha daroogada lagu gubo”.
Dhaqaatiirtu waxay sheegaan in hadii balwad lagugu ag isticmaalo sida in sigaar lagugu ag cabbo oo uu qiiqii ku soo gaaro aad laftaadu tahay cabbe dadban (passive smoker).

08/28/2026

Shirkadaha Ai waxay iibsadaan buugaagta, kadib scan ayey saaraan wayna jeexjeexaan buugga asalka ah.
17/Aug/2026 warbaahinta Forbes ayaa qortay arinkan.

Shirkadaha AI waxay si aad ah u iibsadeen buugaagta la daabacay ka hor 2022. Shirkadaha buugaagta iibiya waxay dareemeen kor u kac ku yimid iibsiga buugaagta.
Shirkadaha AI-gu marka ay buugta iibsadaan waxay ka jaraan dhabarka isku haya waxayna saaraan scan xogtiina waa ay ka koobiyeystaan, kadib waxay jarjaraan oo tuuraan buuggii asalka ahaa.
Eedaha shirkadaha Ai-ga loo haysto ayaa la isla dhex marayaa heer maxk**ado la isla aaday.
Shirkadda Anthropic ee leh Claude waxay qandaraas siisay shirkad kale oo la dhaho DISC si ay 6 bilood gudahood ugu scan garaysa 500,000 ilaa 2M oo buug. Buugtaas waxaa wada sugaysa in xogta laga reebto lana burburiyo.

Sababta ugu weyn ee keenaysa in hadda si xowli ah ay buug u iibsadaan, waa in shirkadaha Ai ay ku dhacday xog yaraan ayna doonayaan in ay xog badan soo uruuriyaan gaar ahaan mid tifaaftiran oo buug asal ah laga soo qaatay.

Laakiin waxaa jirta baqdin ay dadweynuhu ka qabaan arinkan, waxaa laga baqayaa in maadaama isha macluumaadka ay maanta noqotay Ai, ay shirkadahaasi saaraan fasiraadii ay doonaan ayna wax ka badalaan xogta runta ah (monopoly of information).
Qiyaas 2050 qof dhashay Ai-ga oo jira xogta kaliya ee uu heli karana ay tahay mid Ai laga keenay! Yacni hadii lagu yiraahdo Axmed Gurey wuxuu ahaa American ma jirto sabab uu u diido waayo meel ka horraysayba k**a uu maqal.

1998, Wadanka Costa Rica ayaa sameeyey tijaabo soo saartay natiijo lagu farxay. Shirkad cabitaanada samaysa ayaa 12 ton ...
08/25/2026

1998, Wadanka Costa Rica ayaa sameeyey tijaabo soo saartay natiijo lagu farxay. Shirkad cabitaanada samaysa ayaa 12 ton oo qashinka qolofta iyo miiqa liinta ah ku daadisay dhul xaalufay oo dhirtii ka yaraatay.
Dhulka waxaa ku yaallay geedo kooban iyo cows qallalay, wuxuuna ahaa mid ciiddiisu sii dhimanayso nabaadkuna guuray.
Dhowr sano kadib dhulkii waxaa uu noqday kayn cagaaran. Kala duwanaanshaha geeduhu waa uu 3 laabmay biomasska dhirtuna waxaa uu noqday 176% mid ka badan dhulkii kale. Isbedelka intaas le’eg waxaa keenay nafaqada liintii qashin ahaanta loo tuuri lahaa.
Inagoo wadadaas raacayna wasaarada deegaanku waxay heshiis la geli kartaa maqaayadaha iyo shirkadaha sharaabka sameeya si ay qolofta khudaarta ugu nafaqayso deegaanka. Ganacsiyadaas laftoodu waa u guul oo qashinkii ayaa laga meeleeyey.

Ma Kula tahay in fikirkan ka shaqayn karo deegaanadeena?

Dadka Amerikaanka ah ee guryo la’aanta ah waa 746,000+ sanadkan, sida ay sheegtay wasaaradda guryeynta iyo horumarinta m...
08/23/2026

Dadka Amerikaanka ah ee guryo la’aanta ah waa 746,000+ sanadkan, sida ay sheegtay wasaaradda guryeynta iyo horumarinta magaalooyinka Maraykanka.
Dadkaas 64% dowlada ayaa dajisay meelo kumeel gaar ah (emergency shelters) halka 36% ay dariiqyada seexdaan.
Celcelis ahaan dadka reer Maraykan 10kii kun ee qofba 22 kamida waa hoy la’aan. Magaalada ugu badan waa Newyork oo ay ku nool yihiin 90kun oo qof oo guri la’aan ah.

Qodobka ugu weyn ee sababta u ah in dad sidaas u badan ay hoy la’aan ku yihiin wadankii 1aad ee ugu dhaqaalaha badnaa aduunka, waa kirada guryaha oo aan la goyn karin iyo kharashka maciishada oo tiro-beel ah. Waxaa soo raaca in dabeecada deegaankaas ka jirta aysan ku jirin midda qoysnimo oo hadii qofka ay wax ka halaabaan aysan jirin ehel caawinaya kaligiisna ay u taallo. Haddii qofku xanuusado, hadii uu dambi galo iyo hadii shil ku dhacaba waa ku naftiisa iyo caymiska uu awal ku jiray.

June 2019, dowladda Bahrain waxay gunta hoose ee badda meel 20-22m hoos u jirta dhex dhigtay diyaarada Boeing 747 oo ka ...
08/21/2026

June 2019, dowladda Bahrain waxay gunta hoose ee badda meel 20-22m hoos u jirta dhex dhigtay diyaarada Boeing 747 oo ka mid ahayd shirkada diyaaradaha dalkaas ee Gulf air. Waa diyaarad rakaab oo 70M dhererkeedu yahay.
Diyaaradan ayaa shaqo gabtay, halkii laga tuuri lahaa ayaa waxay dowladu dhigtay badda hoosteeda waxayna u qorshaysay aag balaaran oo ku fadhiya 100,000 sqm. Diyaaradii waxay saldhig u noqotay mashruuca ‘Dive Bahrain’ oo ah mid dalxiisayaal badan soo jiitay. Dadku waa ay quusan si ay u soo arkaan qaabka ay u ekaan karto diyaarad biyaha ku hoos jirta.
Dhanka kale diyaaradii waxay noqotay hoy ay gabbaad ka dhigtaan noolayaasha badda.

Bahrain waqti dheer ayey diyaaradani u shaqaynaysay goortii ay shaqadii duulista dhamaysayna intaas ugama aysan harine dhanka dalxiiska ayey shaqo kale ka bilowday.

AI iyo waxbarashadaWaxbarashada mustaqbalka dhow waxaa door weyn ka qaadan doona AI. Meesha hadda 30 qof ay isku fasal f...
08/20/2026

AI iyo waxbarashada

Waxbarashada mustaqbalka dhow waxaa door weyn ka qaadan doona AI. Meesha hadda 30 qof ay isku fasal fadhiyaan isku waxna loo dhigo, badalkeeda qof walba waxaa uu yeelan doonaa qaabwaxbarid oo u gaar ah (personalized learning path).
Hadii 2 arday oo isku fasal ah uu mid 2 asbuuc ku barto Algebra midna uu u baahan yahay 5 asbuuc si uu u barto, labadaas arday iskuma sii xanibnaan doonaan!
Ai-gu mid walba gaarkiisa ayuu u barayaa isagoo u maraya wadada u fudud ee uu ku fahamsiin karo.

Ardaygu wuxuu yeelan doonaa akoon u gaar ah oo uu iskuulka ku leeyahay halkaas oo waxbarashadiisa laga maamulo si khaas ahna AI-gu wax ku baro. Waxaa imanaysa xitaa ardayda baahiyaha gaarka ah qabta in wax loo baro sida ku haboon halka ay hadda ku qasban yihiin inay la qabsadaan kuwa aan biyahaas qabin.
Tusaale; arday ayaa xanuun uu qabo darteed fahamku ku adag yahay ilaa sawiro la tuso, halka arday kale uu qoraalku ku filan yahay.

Qaabka waxbarasho ee noocan ah wuxuu keenayaa in qof walba uu waxbarashada ku fiicnaado maadaama si ku haboon loo wajahay.

Hay’adda tacliinta u qaabilsan Qaramada midoobay ee UNESCO waxay tilmaantay in AI-gu uu waxbarashada door ka qaadan doono. Waxay ku dartay in AI-gu uusan badali doonin macalinka ee uu kaaliye u noqon doono.

Ai: personalization+waxbarid+qiimayn+feedback ku haboon ardayga.
Macalin: hagid+dhiirigelin+ka shaqaysiinta ardayga+la xisaabtan iyo in uu baro dad la dhaqanka.

Marka AI-gu macalinka ma badalayo ee waa uu caawin doonaa wuxuuna u fududayn doonaa shaqadiisa.

Hadda xiligan la joogo waxaa jira shirkado bilaabay inay furaan iskuulo noocan ah oo ardayga AI wax lagu barayo!

Haddii hadda jaamacadaha iyo iskuuladu ay ka cabanayaan in ardaydu AI kaga soo shaqeeyaan layliga(assignment) waxaa la gaari doonaa in goobta waxbarashaduba ay isku badasho AI.

Markii aad ku hadashid application-da lagu wada hadlo, tusaale ahaan Messenger, markii wicitaanku dhamaado waxay ku weyd...
08/18/2026

Markii aad ku hadashid application-da lagu wada hadlo, tusaale ahaan Messenger, markii wicitaanku dhamaado waxay ku weydiinayaan “na qiimee” rate us. Yacni kawaran adeegeena sidee ahaa, wax cilad ah hadii ay jiraana noo sheeg.
Sababta ay sidan u yeelayaan waa in ay rabaan in ay ogaadaan hadii ay jiraan meelo ay ku liitaan si ay u hagaajiyaan, sidaas darteed waligaa k**a tagi doontid suuqoodana waa ay haysan doonaan.

Shirkadaha adeega wicitaanka leh waa kuwo aad u waaweyn oo shaqsiyaadka iska leh aysan qabin baahi lacageed.
Shirkada Meta ee Facebook iska leh qiimaheeda 2026 waxaa lagu qiyaasaa $1.45T.

Ka imow. Mar walba oo aan ku hadlo messenger ama app kale oo uu dhaho ‘rate us’ uuna doonayo inaan siiyo xidigo u dhaxeeya 1 ilaa 5, waxaan soo xusuustaa sheeko hadda ka hor iga raacday degmo ku taalla gobolka mudug.
Habeen ayaa inagoo 3 ah soo gaarnay degmadaas, goortii aan xoogaa warwareegnay ayaan ku fekernay inaan cashayno. Mid kooxda ka mid ah ayaa yiri waxaan aadaynaa meherad halkaas ku taal oo habeenkii hilib laga helo.
Meheradii ayaan tagnay waxaana dalbanay hilib iyo bariis (dadka reer magaalka ah habeenkii hilibka ma cunaan baa la yiri).
Goortii cashadii nala soo hordhigay ayaa kooxdii u bogi weyday, hilibka oo qabow ahaa iyo bariiska oo isku dhagdhaganaa awgeed. Cuntadii ayaan taataabanay oo inta dufankii iska dhaqnay iska xaadirinay miiskii lacagta lagu bixinayey. Markii aan lacagtii bixinay ayaan hoos ula hadlay odaygii meherada lahaa oo isla isagu maqalhaye isku ahaa.

Waxaan iri,”adeer cashadu xoogaa in la hagaajiyo ayey u baahnayd. Bahashu waa qaboobayd hilibkuna malaha waa kii maanta”. Dareenba isma galine inta findhicil isla taagay baan kooxdii ku iri “war ma tagnaa”. Ileen odaygii wuxuu ka xumaaday hadalkii aan hoosta ugu sheegay. Shalay maahane dorraad bay ka tagtay, hadalkii aan ku iri ayaa gubay wuxuuna u qaatay daandaansi iyo gardaro aan meheradiisa ku caayayo!
Wuxuu kor u yiri “adeer waad na caydeen waana khaldan tihiin, waxaasna looma baahnayn…..” iyo hadalo kale oo difaac iyo rag iska dhicin ka ahaa.
Inagii waa naxnay, wiilasha kalana ma aysan ogayn odayga wixii hoos noo dhexmaray oo cabashadiisa ayey ku baraarugeen. Warka oo kooban waxaan ka baqnay in gogol naloo dhigto oo xaal nalaku xukumo. Taas si aan uga baaqanana raali gelin ayaan bixiyey waana nala fasaxay.

Waxaad isbarbardhigtaa shirkada ku fadhida balaayiinta dollar sida ay u doonayso in aad wax u sheegto iyo sida odayga maqaaxida ku haysta degmada yar uusan u doonayn in dhaliishiisa loo sheego. Taas waa xaalka ganacsiyada Soomaalida badankood.

Buugga Furaha Ganacsiga ee uu qoray Saciid Cali Shire oo ah aqoonyahan dhaqaalaha ku taqasusay, wuxuu leeyahay Soomaalidu 3 ujeedo ayey u furataa ganacsiga:
1. In uusan heli karin wax kale oo uu ka shaqeeyo: wiil baa shaqo waayaya kadib baa la dhahayaa ‘meel ha loo furo’ hadde waa meel ee maaha ganacsi la qorsheeyey.
2. Wuxuu arkayaa ganacsi qof kale u shaqeeyey: Jaamac Quulle ayaa bajaaj iibsanaya oo maalinkii $15 ka helaya. Waaba taas magaaladii meel bajaaj laga maro ayaa la la’ yahay.
3. Ganacsi qorshaysan, lagu fikiray, han laga leeyahay oo ujeeddo ay ka dambayso: waa ganacsiyada badanaa guuleysta.

2-da h**e waa khaldan yihiin inta badana ma guuleystaan, halka kan dambe uu yahay midka wadada saxda ah ku abuurma waana uu guuleystaa.

Akhriste wali sheeko ma kaa raacday ganacsiyadeen?

Sawirka dhanka bidix xiga waa god weyn oo laga qoday dhuxul dhagax. Sawirka midig xigana waa isagii oo biyo laga buuxiye...
08/16/2026

Sawirka dhanka bidix xiga waa god weyn oo laga qoday dhuxul dhagax. Sawirka midig xigana waa isagii oo biyo laga buuxiyey.

1940, dalka Spain shirkad ay dowladu leedahaya ayaa bilowday qodaalka aag laga helay dhuxul dhagax kaasoo noqday god hoos u qadan 300M. Wuxuu noqday bohol weyn oo deegaanka foolxumaysay taasoo noqotay dakhar meel fog laga arki karo oo deegaanka dhaawacay.

2008 Spain waxay bilowday in ay godka biyo ku shubto. Mudo afar sano ah oo biyo lagu shubayey godkii waa la buuxiyey. 547 Bilyan oo litir oo biyo ah ayaa lagu shubay, wuxuuna noqday mid ka mida harooyinka dad-sameega ah ee dalkaas.

Shaqadiisu haba badnaato laakiin labo jeer ayey faaideen. Mar dhuxul ayey kala baxeen marna haro ayey heleen.

Address

Burnsville, MN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Asad Gaaciye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Asad Gaaciye:

Shortcuts

Share