08/18/2026
Markii aad ku hadashid application-da lagu wada hadlo, tusaale ahaan Messenger, markii wicitaanku dhamaado waxay ku weydiinayaan “na qiimee” rate us. Yacni kawaran adeegeena sidee ahaa, wax cilad ah hadii ay jiraana noo sheeg.
Sababta ay sidan u yeelayaan waa in ay rabaan in ay ogaadaan hadii ay jiraan meelo ay ku liitaan si ay u hagaajiyaan, sidaas darteed waligaa k**a tagi doontid suuqoodana waa ay haysan doonaan.
Shirkadaha adeega wicitaanka leh waa kuwo aad u waaweyn oo shaqsiyaadka iska leh aysan qabin baahi lacageed.
Shirkada Meta ee Facebook iska leh qiimaheeda 2026 waxaa lagu qiyaasaa $1.45T.
Ka imow. Mar walba oo aan ku hadlo messenger ama app kale oo uu dhaho ‘rate us’ uuna doonayo inaan siiyo xidigo u dhaxeeya 1 ilaa 5, waxaan soo xusuustaa sheeko hadda ka hor iga raacday degmo ku taalla gobolka mudug.
Habeen ayaa inagoo 3 ah soo gaarnay degmadaas, goortii aan xoogaa warwareegnay ayaan ku fekernay inaan cashayno. Mid kooxda ka mid ah ayaa yiri waxaan aadaynaa meherad halkaas ku taal oo habeenkii hilib laga helo.
Meheradii ayaan tagnay waxaana dalbanay hilib iyo bariis (dadka reer magaalka ah habeenkii hilibka ma cunaan baa la yiri).
Goortii cashadii nala soo hordhigay ayaa kooxdii u bogi weyday, hilibka oo qabow ahaa iyo bariiska oo isku dhagdhaganaa awgeed. Cuntadii ayaan taataabanay oo inta dufankii iska dhaqnay iska xaadirinay miiskii lacagta lagu bixinayey. Markii aan lacagtii bixinay ayaan hoos ula hadlay odaygii meherada lahaa oo isla isagu maqalhaye isku ahaa.
Waxaan iri,”adeer cashadu xoogaa in la hagaajiyo ayey u baahnayd. Bahashu waa qaboobayd hilibkuna malaha waa kii maanta”. Dareenba isma galine inta findhicil isla taagay baan kooxdii ku iri “war ma tagnaa”. Ileen odaygii wuxuu ka xumaaday hadalkii aan hoosta ugu sheegay. Shalay maahane dorraad bay ka tagtay, hadalkii aan ku iri ayaa gubay wuxuuna u qaatay daandaansi iyo gardaro aan meheradiisa ku caayayo!
Wuxuu kor u yiri “adeer waad na caydeen waana khaldan tihiin, waxaasna looma baahnayn…..” iyo hadalo kale oo difaac iyo rag iska dhicin ka ahaa.
Inagii waa naxnay, wiilasha kalana ma aysan ogayn odayga wixii hoos noo dhexmaray oo cabashadiisa ayey ku baraarugeen. Warka oo kooban waxaan ka baqnay in gogol naloo dhigto oo xaal nalaku xukumo. Taas si aan uga baaqanana raali gelin ayaan bixiyey waana nala fasaxay.
Waxaad isbarbardhigtaa shirkada ku fadhida balaayiinta dollar sida ay u doonayso in aad wax u sheegto iyo sida odayga maqaaxida ku haysta degmada yar uusan u doonayn in dhaliishiisa loo sheego. Taas waa xaalka ganacsiyada Soomaalida badankood.
Buugga Furaha Ganacsiga ee uu qoray Saciid Cali Shire oo ah aqoonyahan dhaqaalaha ku taqasusay, wuxuu leeyahay Soomaalidu 3 ujeedo ayey u furataa ganacsiga:
1. In uusan heli karin wax kale oo uu ka shaqeeyo: wiil baa shaqo waayaya kadib baa la dhahayaa ‘meel ha loo furo’ hadde waa meel ee maaha ganacsi la qorsheeyey.
2. Wuxuu arkayaa ganacsi qof kale u shaqeeyey: Jaamac Quulle ayaa bajaaj iibsanaya oo maalinkii $15 ka helaya. Waaba taas magaaladii meel bajaaj laga maro ayaa la la’ yahay.
3. Ganacsi qorshaysan, lagu fikiray, han laga leeyahay oo ujeeddo ay ka dambayso: waa ganacsiyada badanaa guuleysta.
2-da h**e waa khaldan yihiin inta badana ma guuleystaan, halka kan dambe uu yahay midka wadada saxda ah ku abuurma waana uu guuleystaa.
Akhriste wali sheeko ma kaa raacday ganacsiyadeen?