05/20/2026
Qof kasta oo Somali ah,
waxa ku abuuran cabsi' uu ka cabsanaayo dalalka jaarku inay la wareegi doonaan Somalia.
Waa sababta ugu weyn ee ay ku diidan yihiin inay Somaliland dal noqoto,
Cabsidaas waxa ku abuurey'
1- Somalida oo ay isaga qaldan tahay Nationality iyo Ethnicity.
2- Nidaamkii Kacaanka.
3-Carabta oo culumada iyo Arsenal soo dhex marisa fikirkaas iyo dhaqaaleba
Ma ogtahay carabtu inay waligeed Ethiopia ka hor taagnayd inay bad yeelato, si aanay isra11l u fadhiisan gacanka iyo badda cas,
Sidoo kale Carabta ayaa dalka Eritrea ka jartey Ethiopia,
Carabtu kalsooni buuxda ayay ka haysteen oo ay ka qabeen Somali-da iyo Sudan-ta
Waad maqlayseen inuu Trump kulahaa Bin Salmaan dalka Sudan adiga ayaa u xil saaran ee arintooda xali,
Maxaa yeelay carabtoo dhan ma rabto inay isra11l halkaa usoo fadhiisato,
Awood kasta waa isugu geynayaan Sudan-ta iyo Somali-daba
Aqoonsiga isra11l ee Somalilabd wuxuu toban jibaarey cabsidii iyo tuhunkii ay h**e u qabeen,
Isla sida Somalida oo kale carabtuna waxa ku abuuran cabsi weyn oo ay ka qabaan inay isra11l la wareegayso dhulkooda.
Carabtu waxay heshiis ku gaadhay,
Siday isra11l u gadoomisey Palestine inay iyaguna Somaliland u gadoomiyaan,
Dal kasta oo isku daya aqoonsiga Somaliland, lacag ayay dul dhigayaan,
Haduu diidana, cunaqabayn ayay saarayaan,
Somaliland howl adag baa kusoo fool leh 30ka sano ee soo socda'
Howl adag baa u taala Somaliland
Si ay uga dabaalan lama saadaalin karo,
Shacabka Somaliland uma dhisna sida shacabka Isra11l, waxay ka dambeeyaan ugu yaraan 130 sano,
Hadda Somaliland waxa laga dhex arkayaa isra11l,
Cabsida ay Carabtu qabto ayay diin ahaan uga dhigtey dalalka kale ee islaamka ah,
Shacabka Somaliland inay dhinaca Aqoonta laga dhiso wakhti badan bay qaadanaysaa