Giraan Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Giraan, Social Media Agency, Columbus, OH.

Komishinka Doorashooyinka Somaliland ayaa go'aamiyay in Doorashada Ururrada la qabanayo 28 December, 2023 ee sannadkan. ...
07/17/2023

Komishinka Doorashooyinka Somaliland ayaa go'aamiyay in Doorashada Ururrada la qabanayo 28 December, 2023 ee sannadkan. Halka Doorashada Madaxweynaha oo aad loo sugayay ay go'aamiyeen in la qaban doono 13 November, 2024, taas oo ka dhigan in murankii Somaliland ka jiray uu cirka isku shareerayo kadib markii komishinku qaatay aragtidii Ururka Xisbul xaakimka Kulmiye & ee ahaa in doorashada Ururrada la hormariyo.

Labada Xisbi ee Waddani & Ucid oo horey ugasoo horjeeestay in doorashada Ururrada lasoo hormariyo ayaa la filayaa inay shaaciyaan mawqifkooda saacadaha soo socda.

Wasiir Fiqi Oo Qaabilay Wafdi  Ka Socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Finland.Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaal...
05/31/2023

Wasiir Fiqi Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Finland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa kulan la qaatay Eero Koskenniemi oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Finland.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Finland, gaar ahaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha labada dal iyo sida loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada Wasaaradood. Sidoo kale kulanka waxaa qayb ka ahayd Marwo Tuula Svinhufud oo ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland iyo Xubno kale oo ka socday Safaaradda Finland ay ku leedahay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Finland taagerada joogtada oo ay la garab taaganyihiin guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda ay ka taageeraan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS. Wasiir Fiqi ayaa hoosta ka xarriiqay Ahmiyadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada ee muddada soo jiray.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoor Qoor oo xalay Marti qaad u fidiyey isimada SSC.Waxana kasoo qayb galay in badan...
05/31/2023

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoor Qoor oo xalay Marti qaad u fidiyey isimada SSC.

Waxana kasoo qayb galay in badan oo kamid ah xildhibanada federalka ee kasoo gala Galmudug

Urururka dhalinyarada ee DARWISH YUOTH REVOLUTION *(DAYR)* ayaa maanta magaalada laascaanood ka furay tababar tababarkaa...
05/31/2023

Urururka dhalinyarada ee DARWISH YUOTH REVOLUTION *(DAYR)* ayaa maanta magaalada laascaanood ka furay tababar tababarkaasoo ah gargaarka degdega ee Caafimadka.

Tababarkan ayaa ah qorshe la doonayo in ciidamada SSC lagu baro “gargaarka deg-dega ah” kasoo ah mid ay baahiwayn u- qabeen ciidamada difaaca ssc

Ururka dhalinyarada Ee *DAYR* Wuxuu uga mahad celinyaa bahada Caafimadka ee SSC gaar ahaan bahda cusbitaalka wayn sida ay uga gacan siiyeen qorshaha tababarka ee lagu caawinayo ciidamada Xaq-Udirirka SSC.

Wasiirka arimaha dibada Soomalia Abshir Cumar Huruuse ayaa kulan qada sharaf ah la qaatay Isimada dhaqanka SSC ee ku sug...
05/31/2023

Wasiirka arimaha dibada Soomalia Abshir Cumar Huruuse ayaa kulan qada sharaf ah la qaatay Isimada dhaqanka SSC ee ku sugan magaaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed  Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta d...
05/31/2023

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay'adda ku sodhaweeyey Qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag oo maalmahaan Muqdisho ku sugnaa.

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay'adda Dr Axmed Cabdi Aadan,waxaana looga hadlay Xaalada Laascaanood,ugurmashada shacabka dhibtaada ka soo gartay colaadaas,iyo ka shaqeynta Nabadda , wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Dhankooda, Isimada Dhaqanka ayaa Hay'adda Maareynta uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaana ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka ee ka dhashay dagaalka.

Address

Columbus, OH

Telephone

+16145721527

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Giraan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share