Himilo TV

Himilo TV Himilo Tv Waa Telefishin Madaxbanan Waxaad ka hali kartaa Warar Sugan iyo Barnaamijyo Tayo leh .

Alah unaxriisto boqorka bartamaha oo lagu dilay dalka jarmalka.Himilo TV
09/18/2026

Alah unaxriisto boqorka bartamaha oo lagu dilay dalka jarmalka.

Himilo TV

Qoys dhan oo Masaari ah (oo ka kooban aabbaha, hooyada, wiilkooda iyo gabadhooda oo ka qalin-jabisay cilmiga saxaafadda)...
08/31/2026

Qoys dhan oo Masaari ah (oo ka kooban aabbaha, hooyada, wiilkooda iyo gabadhooda oo ka qalin-jabisay cilmiga saxaafadda) ayaa ku dhex geeriyooday gaarigooda, ka dib markii uu gaaska dilaaaga ah oo loo yaqaan Carbon Monoxide u soo dhaxmaray qaboojiyaha xilli gaarigooda ku dhax jireen.

Himilo Tv  ayaa baaris ku sameeysay sawirkan waxeyna xaqiijinay in sawirkan lagu sameeyey caqliga macmalka ah (AI), waxa...
08/24/2026

Himilo Tv ayaa baaris ku sameeysay sawirkan waxeyna xaqiijinay in sawirkan lagu sameeyey caqliga macmalka ah (AI), waxaana ka muuqda khaladaad dhowr ah oo cadaynaya:

1. Faraha Gacmaha: Carruurta hortaagan farahoodu si dabiici ah uma kala caddaan, waxayna u muuqdaan kuwo isku dhex milmay.

2. Faraha Lugaha: Carruurta qaarkood faraha lugahooda iyo kabihiisu qaab sax ah ma laha, dhulkana si toos ah uguma fadhiyaan.

3. Wajiyada Dadka Fog: Carruurta ka dambaysa iyo dadka fog wajiyadoodu waa kuwo khasan, indhaha iyo sankuna ma kala caddaan.

4. Baabuurta iyo Askarta: Gaadiidka booliska iyo askarta gadaal taagan ma laha faahfaahin dhab ah, jidhkooduna qiiqa ayuu dhex galay.

Himilo TV

Madaxweynihii h**e Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.“Dhul boobka xargaha goostay iyo barakicinta joogtada ah ee lagu hayo bu...
08/23/2026

Madaxweynihii h**e Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Dhul boobka xargaha goostay iyo barakicinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada caasimadda waa masiibo halis ah. In saq dhexe guryohooda lagu kor dumiyo muwaadiniin isugu jira carruur, haween, waayeel iyo qoysas danyar ah waa fal bahalnimo ah oo ka fog damiirka bani’aadannimo iyo dareenka Muslimnimo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waxaan ugu baaqaynaa in uu si degdeg ah u joojiyo dhul boobka, barakicinta shacabka iyo adeegsiga sharcidarrada ah ee ciidamada iyo hay’adihii dowladda oo uu ka dhigay aalad uu ku barakiciyo, marna ku cabburiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu dulmiyey.

Ma jiro qiil iyo marmarsiinyo uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu u heli karo in uu muwaadiniin Soomaaliyeed habeen madow guryahooda xoog uga saaro, hantidoodana uu hortooda ku burburiyo, isaga oo ciidamadii qaranka u adeegsanaya.

Ugu dambayn, waxaan garab taagannahay qoysaska guryahooda laga dumiyey, kuwa la barakiciyey iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Muqdisho ee la dulmiyey, kuwaas oo u taagan difaaca xaqooda iyo karaamadooda”.

Xaafadda Tookyo ee degmada Yaaqshiid, waqtigaan ciidamo aad u tiro badan ayaa la dul-dhigay shacabka, waxaana lagu qasba...
08/23/2026

Xaafadda Tookyo ee degmada Yaaqshiid, waqtigaan ciidamo aad u tiro badan ayaa la dul-dhigay shacabka, waxaana lagu qasbayaa inay guryahooda ka guuraan ama haddii kale Cagafta ayaa la galinayaa. Saacaddu waa 3:50 habeenimo

Dadka xaafadda ayaa ii xaqiijinaya in aysan garaneyn meel ay waqtigaan aadaan. Waxaana qoysaska ay wataan caruur, waayeel iyo Hooyooyin ilinta cesha kari la'.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco

Himilo TV

08/21/2026

Somaaliya xaalkeeda Halkaan Ayu Marahaa Ninkaan Waxuu sheegtay in yahay Dhaqtar Been Abuur ah waliba Asiga ayaa iska soo duubay Video.

WAR DEG DEG AH Xaakim Maraykan ah oo u oggolaaday Maamulka Trump tarxiilo kumanaan u dhalatay Dalka ItoobiyaGarsoore Bos...
08/19/2026

WAR DEG DEG AH

Xaakim Maraykan ah oo u oggolaaday Maamulka Trump tarxiilo kumanaan u dhalatay Dalka Itoobiya

Garsoore Boston jooga ayaa maanta si rasmi ah u soo af jaray sharcigii TPS ee Ethiopia.

sharcigaanayaa horr loo la siiyay in ka badan 5,000 oo u dhalatay Itoobiya kuwaas oo u oggolaaday inay ku noolaadaan oo ay ka shaqeeyaan dalka Maraykanka.

Himilo TV

Warbahinta BBC Soomaaliya ayaa ciwaan aad loola yaabo ku soo qortay bogeeda Facebook .Sanadihii ugu danbeeyey ayaa bbc l...
08/12/2026

Warbahinta BBC Soomaaliya ayaa ciwaan aad loola yaabo ku soo qortay bogeeda Facebook .

Sanadihii ugu danbeeyey ayaa bbc laanteeda afsoomaaliga waxaa laga dareemayaa hoos u dhacay wey ku yimid .

Himilo TV

Labo darawal soomaali ah oo lugu kala magacaabo Maxamed cartan iyo axmed tajir oo reer Columbus, Ohio ahaa ayaa ku geeri...
08/07/2026

Labo darawal soomaali ah oo lugu kala magacaabo Maxamed cartan iyo axmed tajir oo reer Columbus, Ohio ahaa ayaa ku geeriyooday shil gaadhi kadib markii truck ay wateen uu wadada 65 ku qalibmay.

Maxamed cartan waxa uu iimaam ka ahaa masaajid ku yaala xaafada capital park ilahay labadaba.

Himilo TV

Alle ha u naxariistee, Salma Cabdirisaaq ayaa maanta u geeriyootay dhaawicii dabka ka soo gaadhay.Alle ha u naxariisto S...
08/06/2026

Alle ha u naxariistee, Salma Cabdirisaaq ayaa maanta u geeriyootay dhaawicii dabka ka soo gaadhay.

Alle ha u naxariisto Salma, samir iyo iimaan hana ka siiyo qoyskeeda iyo dhammaan ehelkeeda. Aamiin.

Himilo TV

Address

Columbus, OH
12345

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Himilo TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Himilo TV:

Shortcuts

Featured

Share

Category