Kunya Barrow Tv

Kunya Barrow Tv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Kunya Barrow Tv, TV Channel, Columbus, OH.

Kunya Barrow Tv is the world's most trusted international in the SouthWest Capital of Barawe news broadcaster — committed to providing accurate, impartial, and independent news to audiences across the SouthWest Capital of Barawe and around the world.

09/07/2026

Warbixin: Doorka Dhalinyarada ay ku Leeyihiin Dalka

Dhalinyaradu waa laf-dhabarta bulshada iyo mustaqbalka dalka. Waxay leeyihiin awood, aqoon, hal-abuur iyo firfircooni muhiim u ah horumarka iyo dhismaha qaranimada.

09/06/2026

Arsenal Vs Chelsea: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Kulanka Ugu Premier League Todobaadkan

09/06/2026

Warbixin: Doorka Odayaasha Dhaqanka ay ku Leeyihiin Dalka

09/05/2026

Tartanka Horyaalka SERIA- Degmada Baraawe Oo Meel Xiiso Leh Maraya

🏆 Kala Sarreynta Horyaalka Degmada BaraaweKaalintaKooxdaDhibcaha 🥇 1Al Nasar13🥈 2Elam11🥉 3Al Maftaax114️⃣Bulbaazi105️⃣SY...
09/04/2026

🏆 Kala Sarreynta Horyaalka Degmada Baraawe
Kaalinta
Kooxda
Dhibcaha
🥇 1
Al Nasar
13
🥈 2
Elam
11
🥉 3
Al Maftaax
11
4️⃣
Bulbaazi
10
5️⃣
SYL
7
6️⃣
Awlasiid
4
7️⃣
Aymaka
1
📊 Warbixin Kooban
Al Nasar ayaa hoggaanka horyaalka ku jirta iyadoo leh 13 dhibcood, waxayna 2 dhibcood ka sarreysaa Elam iyo Al Maftaax oo min 11 dhibcood haysta.

Bulbaazi ayaa ku jirta kaalinta 4-aad iyadoo leh 10 dhibcood, halka SYL ay leedahay 7 dhibcood.

Awlasiid waxay joogtaa 6-aad oo leh 4 dhibcood, halka Aymaka ay ku jirto kaalinta ugu dambeysa iyadoo leh 1 dhibic.

Tartanka sare aad ayuu u adag yahay, gaar ahaan Elam iyo Al Maftaax oo isku dhibco ah, halka Bulbaazi ay 1 dhibic oo keliya ka dambeyso.

Kunya Barrow Tv

  Mogdisho Ciidanka Asluubta oo gadoodey xoogna ku qabsadey xabsiga dhexe ayaa diiday in e furan wadada inta e ka helaya...
09/03/2026


Mogdisho Ciidanka Asluubta oo gadoodey xoogna ku qabsadey xabsiga dhexe ayaa diiday in e furan wadada inta e ka helayaan mushaarkoodi

Waxaa la xaqiijiyey in Dhame Daahir Macalin Hassan oo ka tirsanaa Ciidanka Taabacsan Hogaamiye Aadan Madoobe lagu dilay ...
09/03/2026

Waxaa la xaqiijiyey in Dhame Daahir Macalin Hassan oo ka tirsanaa Ciidanka Taabacsan Hogaamiye Aadan Madoobe lagu dilay Saaka dagaalkii ay Magaalada kusoo qaadeen Ciidamada Laftagareen.

Waxaa la sheegay in dib ay uga gurteen Ciidankii soo galay Magaalada islamarkaana ay jiraan Qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard!Maxamed Xuseen, Cabdi Qaadir Caato, Keerat Xassan, Shiine ...
08/29/2026

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard!

Maxamed Xuseen, Cabdi Qaadir Caato, Keerat Xassan, Shiine Dhoore, Cismaan Maxamed, Daahir Qaniimo, Yurub Salaad Kadiye, Maka Cumar, Umulkheyr Mohamed, Axmed Xersi, Mohamed Abdi, Fathi Ahmed Riyate, حامدمحمد الجحيشي, Cabdicade Mursal, Mahad Cali Afrax, Abdisalan Mohamed, Xasan Cabdi Baadi, Yaasiin Aadan, بكري البليل, Maxamed Umar Xidiga Nur, Hassan Hussien, Badan Farax Shirwac, Xasan Cabdule Muude, Hayat Geelkad, Sahal Sahal, Mohamed Kamaal, Cabdiraxmaan Culuuq, Liban Mohamud Yusuf, Abdirisak Hussain, Khadro Xasan, Ace Tower, Ibraahim Isxaaq Cabdi, Youngin Noor, Abukar Osman, Yuusuf Tata, Ismaciil Cabdi Nuur, Claahi Qaadiro, Galad Cali Xashi, Moussa Kissima Sissako, Maraawaay Maxamed, Abdullahi Amhed, Yakub Ali, Maxamed Sheekh Ibraahim, Somali Mere Xusen, Cali Nuur, Cabdifitaax Amiiko, Abdirahman Timacade, Shekh Ali Liban, Umu Sihaam Caasho Cuud, Ahmed Farah

💍 HAMBALYO MEHERKA BAKAR & AAMINA 💍Waxaa hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah diraya Bahda Kunya Barrow TV munaasabadda...
08/25/2026

💍 HAMBALYO MEHERKA BAKAR & AAMINA 💍

Waxaa hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah diraya Bahda Kunya Barrow TV munaasabadda meherka qiimaha badan ee lamaanaha cusub:

❤️ Bakar Mohamed Abdukadir & Aamina Jeylaani Mohamed ❤️

Magaalada taariikhiga ah ee Baraawe waxaa ka dhacay xaflad meher oo qurux badan, farxad iyo sharaf badan xambaarsan.

Bahda Kunya Barrow TV waxay hambalyo iyo duco aan dhammaad lahayn u dirayaan Bakar iyo marwadiisa Aamina, iyagoo Alle uga baryaya in meherkooda uu noqdo bilowga nolol wadaag ku dhisan jacayl, ixtiraam, is-faham, kalsooni iyo garab istaag.

🤲 Alle ha ka dhigo gurigiinna guri ay ka buuxaan:
❤️ Jacayl
🌿 Degganaan
✨ Farxad
🤍 Raxmad
🌸 Barako
🙏 Kheyr iyo barwaaqo

Alle ha idiinka dhigo kuwa is jecel xilliyada farxadda, is garab istaaga xilliyada adag, kuna wada noolaada nolol dheer oo kheyr iyo barwaaqo leh.

بارك الله لكما وبارك عليكما وجمع بينكما في خير

Alle ha idin barakeeyo, ha idiinku barakeeyo, hana idinku mideeyo khayr. 🤲❤️

💍 HAMBALYO BAKAR & AAMINA 💍

Meherkiinnu ha noqdo bilowga nolol qurux badan, barwaaqo leh, oo waarta.

📺 Bahda Kunya Barrow TV
🇸🇴 Waxaan idin leenahay: Hambalyo iyo boqor wanaagsan! ❤️

Kunya Barrow Tv

HOGGAAMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE AYAA ISBITAALADA KU BOOQDAY HALYEEYADII KU SOO DHAAWACMAY WEERARKII KHAWAARIJTA KU SOO Q...
08/19/2026

HOGGAAMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE AYAA ISBITAALADA KU BOOQDAY HALYEEYADII KU SOO DHAAWACMAY WEERARKII KHAWAARIJTA KU SOO QAADAY MAGAALADA BAYDHABO.

Muqdisho - 19 Agoosto, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Isbitaalkada la dhigay ku booqday qaar ka mid ah halyeeyadii ciidamada ee ku dhaawacmay weerarkii ay Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen Magaalada Baydhabo.

Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalada xaaladda caafimaad ee ciidamada, isagoo u kuurgalay xaaladdooda iyo daryeelka caafimaad ee ay helayaan ciidamada usoo dhaawacmay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ciidamada ku ammaanay geesinimada, naf-hurnimada iyo dadaalka ay u muujiyeen difaaca shacabka iyo sugidda amniga Magaalada Baydhabo.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale Alle uga baryay ciidamada dhaawaca ah caafimaad degdeg ah iyo in uu u fududeeyo soo kabashadooda, isagoo adkeeyay in Dowladda Koonfur Galbeed ay garab taagan tahay ciidamada naftooda u huraya amniga iyo nabadda dalka.

Booqashada Hogaamiyaha waxaa ku wehlinayey Wasiirka Maaliyada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

DHAMAAD

Address

Columbus, OH

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kunya Barrow Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kunya Barrow Tv:

Shortcuts

Featured

Share

Category