Somali DIaspora TV

Somali DIaspora TV This is the Official page of Somali Diaspora TV

09/22/2025

Qeybo Kamid Ah Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Reer Ohio Oo Kulan Qado Soo Dhaweyn Ah U Sameyey Canab Maslax Maxamed Siyaad Barre Oo booqasho ku timid magaaladda Columbus Ee Gobalka Ohio.

SAWIRO: Qeybo Kamid Ah Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Reer Ohio Oo Kulan Qado Soo Dhaweyn Ah U Sameyey Canab Maslax Maxamed ...
09/22/2025

SAWIRO: Qeybo Kamid Ah Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Reer Ohio Oo Kulan Qado Soo Dhaweyn Ah U Sameyey Canab Maslax Maxamed Siyaad Barre Oo booqasho ku timid magaaladda Columbus Ee Gobalka Ohio.

SAWIRO: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ayaa casho sharaf sagootin ah u sameysay Xildhibaan Yusuf Gama...
09/21/2025

SAWIRO: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ayaa casho sharaf sagootin ah u sameysay Xildhibaan Yusuf Gamaadiid, oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo safar shaqo ku joogay dalka Mareykanka maalmahan la soo dhaafay.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qeyb gashay Xildhibaanad Raysal Qorane, oo iyaduna safar ku joogta dalka Mareykanka, waxaana xafladda ka soo qeyb galay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee deegaanka.

Intii lagu guda jiray casho sharafta, hadallo kala duwan ayaa ka jeediyey masuuliyiin, odayaal iyo aqoonyahanno, kuwaas oo si weyn uga mahadceliyey shaqada iyo kaalinta uu Xildhibaan Yusuf Gamaadiid ugu jiro adeegga qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Yusuf Gamaadiid ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Ohio maamuuska iyo sharafta ay u muujiyeen muddadii kooban ee uu ku sugnaa gudaha Mareykanka.

Kulanka Culimadda iyo Haweenka Minnesota iyo Berri oo axad ah 5Pm illaa 9Pm muxaadaro iyo Sualo weydiin.xarunta Zawadi 1...
09/20/2025

Kulanka Culimadda iyo Haweenka Minnesota iyo Berri oo axad ah 5Pm illaa 9Pm muxaadaro iyo Sualo weydiin.
xarunta Zawadi 1701 American Blvd E
Minneapolis, MN 55425
United States
Fadlan iska diiwan geli linkiga hoose

https://forms.gle/2G8Mr7BFXs9s9qFfA

09/20/2025

Golaha Guurtida Odayaasha Beesha Sade Ee Columbus Ohio Ayaa Kulan Casho iyo Soo Dhaweyn Ah La Qaatey Musharax Madaxweyne Nuuradin Aadan Diiriye Oo Socdaal Ku Jooga Dalkan Mareykanka.

SAWIRO: Golaha Guurtida Odayaasha Beesha Sade Ee Columbus Ohio Ayaa Kulan Casho iyo Soo Dhaweyn Ah La Qaatey Musharax Ma...
09/19/2025

SAWIRO: Golaha Guurtida Odayaasha Beesha Sade Ee Columbus Ohio Ayaa Kulan Casho iyo Soo Dhaweyn Ah La Qaatey Musharax Madaxweyne Nuuradin Aadan Diiriye Oo Socdaal Ku Jooga Dalkan Mareykanka.

09/17/2025

Jaaliyadda Puntland Diaspora Association oo kulan Casho Iyo su’aalo weydiin ah u qabatay Musharax Madaxweyne Nuraadiin Aadan Diiriye

SAWIRO: Jaaliyadda Puntland Diaspora Association oo ka howlgasha gobollada Ohio, Indiana iyo Kentucky ayaa magaalada Col...
09/16/2025

SAWIRO: Jaaliyadda Puntland Diaspora Association oo ka howlgasha gobollada Ohio, Indiana iyo Kentucky ayaa magaalada Columbus ee gobolka Ohio ku qabatay kulan su’aal-weydiin ah oo lagu martiqaaday Musharax Madaxweyne Nuraadiin Aadan Diiriye.
Kulankan ayaa waxaa si ballaaran uga soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, oo ay ku jireen Salaadiin, Ugaasyo, Malaaqyo, Garaadyo, Ganacsato, Dhalinyaro iyo Haween ka kala yimid gobolka Ohio.

Intii uu socday kulanka, Musharax Nuraadiin Aadan Diiriye ayaa lagu waydiiyey su’aalo la xiriira aragtidiisa siyaasadeed, qorshihiisa mustaqbalka iyo sida uu ugu adeegayo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa muujiyey heerka ka qaybgalka iyo xiisaha ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolladaasi u qabaan arrimaha siyaasadda dalkooda hooyo.

SAWIRO: Magaalada Columbus, Ohio ayaa lagu qabtay qado sharaf ballaaran oo ay soo agaasimeen qaar kamid ah ganacsatada S...
09/16/2025

SAWIRO: Magaalada Columbus, Ohio ayaa lagu qabtay qado sharaf ballaaran oo ay soo agaasimeen qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada, taas oo lagu maamuusayey xildhibaanada Soomaaliyeed ee kala ah Mursal Khaliif, Raysal Qorane, Yusuf Gamadiid, Dahir Amin Jeesow iyo Duniya Sheekh Axmed.

Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo diyaariyey ayaa sidoo kale lagu soo dhaweynayey Wasiirkii h**e ee Gaashaandhigga Soomaaliya, General Abdiqadir Sheekh Cali Diini. Waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah qabanqaabiyeyaasha iyo martida sharafta ah, iyaga oo xusay muhiimadda kulankan iyo doorka ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus ka qaadato soo dhaweynta iyo maamuuska hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee soo booqda.

09/15/2025

Maamuus Qurux Badan: Golaha Guurtida Beesha Sade Ee Columbus oo Soo Dhaweeyey Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Mareykanka ku Sugan.

SAWIRO: Golaha Guurtida Beesha Sade ee magaalada Columbus ayaa kulan casho sharaf ah ku soo dhaweeyey Xildhibaanada kala...
09/14/2025

SAWIRO: Golaha Guurtida Beesha Sade ee magaalada Columbus ayaa kulan casho sharaf ah ku soo dhaweeyey Xildhibaanada kala ah Mursal Khaalif iyo Reysal Qoraane, kuwaas oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka. Sidoo kale, munaasabaddan ayaa lagu sagootiyey Xildhibaanad Duniya Sheekh Axmed, oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugneyd magaalada Columbus.

Casha sharafta waxaa si ballaaran uga soo qeyb galay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Columbus, oo ay ka mid ahaayeen culumo, dhalinyaro, haween iyo odayaal.

Dhamaan dadkii goobta ka hadlay ayaa si isku mid ah u muujiyey farxadda iyo
qadarka ay u hayaan soo dhaweynta xildhibaanada, iyagoo uga mahadceliyey shaqada iyo dadaalka ay bulshada u hayaan.

Ugu dambeyn, xildhibaanada martida ahaa ayaa dhankooda uga mahadceliyey Golaha Guurtida Beesha Sade sharafta iyo maamuuska loo sameeyey. Waxay si gaar ah u bogaadiyeen kaalinta goluhu ku leeyahay taageeridda iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Columbus, Ohio.

Casuumad Rasmi ah:21ka September 2025 galabka Axadda ah waxaa Dhici doono Kulanka Culimadda iyo Haweenka minisota, kulan...
09/14/2025

Casuumad Rasmi ah:
21ka September 2025 galabka Axadda ah waxaa Dhici doono Kulanka Culimadda iyo Haweenka minisota, kulanka waxa uu noqon doona muxaadaro iyo suaalo weydiin
Si aad uga mid noqoto fadlan Linkiga hoose iska diiwan geli

https://forms.gle/2G8Mr7BFXs9s9qFfA

Address

Haig Point
Columbus, OH
43219

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali DIaspora TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share