08/04/2026
SAWIRO: Magaalada Columbus ee gobolka Ohio waxaa lagu qabtay kulan ballaaran oo ku saabsanaa wadatashiga iyo badbaadada bulshada, kaas oo ay ka soo qaybgaleen waalidiin, dhallinyaro, haween, odayaal, culimo iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan bulshada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa noqday madal muhiim ah oo lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wadajirka, is-aaminaadda iyo iskaashiga bulshada, loogana hortagi lahaa rabshadaha iyo caqabadaha kale ee saamaynta ku yeesha badbaadada qoysaska iyo dhallinyarada.
Mahad Ali Yusuf, Agaasimaha Guud ee Midaynta Community Services ee magaalada Toronto, ayaa kulanka ku soo bandhigay habka lagu magacaabo “Community Safety Model”, oo ah hannaan ku dhisan ka qaybgalka bulshada iyo xal u helidda dhibaatooyinka amniga.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay warbixinta “Mothers and Sons” iyo mashruuca “Mending a Crack in the Sky”, kuwaas oo muujinaya kaalinta hoggaamineed ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan ka hortagga rabshadaha, badbaadinta dhallinyarada iyo dhismaha bulsho nabdoon oo isku duuban.
Bandhigga ayaa si weyn u dhiirrigeliyay ka qaybgalayaashii, waxaana uu iftiimiyay in iskaashiga qoysaska, hoggaanka bulshada iyo hay’adaha adeegga bulshadu uu horseedi karo xalal waara iyo isbeddel muuqda.
Ka qaybgalayaashu waxay fursad u heleen inay wadaagaan aragtiyahooda, waayo-aragnimadooda iyo talooyinkooda ku saabsan sidii loo abuuri lahaa hannaan mideysan oo lagu xoojinayo badbaadada bulshada Soomaaliyeed ee Columbus.
Mahadnaq gaar ah waxaa loo jeediyay Roda, Sowda iyo Abukar Saney, kuwaas oo dadaalkooda, hoggaamintooda iyo abaabulkooda door weyn ka qaatay qabsoomidda iyo guusha kulanka.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah loogu mahadceliyay Muuse Abdulle Seed, Abdullahi Yasuf, Osman Adan, Roda Hassan, Naima Hassan, Ali Daud, Dr. Abukar Saney, Yasin iyo dhammaan asxaabtii iyo qaybihii kala duwanaa ee bulshada ee ka soo qaybgalay kulanka, kana qayb qaatay doodihii iyo talooyinkii lagu horumarinayay badbaadada bulshada.
Kulankan ayaa farriin cad ka diray muhiimadda ay leedahay in bulshadu ay si wadajir ah uga shaqayso xalinta caqabadaha horyaalla, iyadoo la xoojinayo wada-hadalka, kalsoonida iyo masuuliyadda wadajirka ah.
Marka bulshadu midoowdo, rajadu way kortaa, xalalkuna way muuqdaan, waxaana la dhisaa mustaqbal ammaan iyo horumar u horseeda jiilasha soo socda.