MADER MEDIA

MADER MEDIA "MADER MEDIA is a digital platform dedicated to delivering reliable news, insightful analysis, and engaging content. Your trusted source

We focus on informing, educating, and inspiring our audience through accurate and up-to-date media coverage. Your trusted source for stories that matter.

29/08/2026

Kulaha qol ayaa laylaa galay Qaniis show

Caydaruus ayaa Deegaanka Soomaalida Keenay Buurigi Al Fakher aha ee Ku Xayirnayd Hargeysa SomalilandXogta tii ugu dambay...
19/08/2026

Caydaruus ayaa Deegaanka Soomaalida Keenay Buurigi Al Fakher aha ee Ku Xayirnayd Hargeysa Somaliland

Xogta tii ugu dambaysay ee la helayo ayaa sheegaysa in ganacsade Caydaruus uu magaalada Jigjiga ee xarunta Deegaanka Soomaalida soo geliyay buuriga Shishada ee noociisu yahay Al Fakher, kaas oo muddo ku xayirnaa dhanka Somaliland.

Magaalada Jigjiga waxaa mar h**eba soo gaadhay laba gaadhi oo sida alaabtan Shishada ah, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku dhow arintan.

Caydaruus ayaa lagu tiriyaa shakhsiyaadka kaa ag dhow Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, iyadoo sidoo kalena ay ka dhaxayso xidhiidh qaraabonimo

Sharciga Itoobiya ee Ku Saabsan Buuriga iyo Shishada Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dalka Itoobiya ay ka jiraan xeerar hiro gal ah oo mamnuucaya isticmaalka buuriga:

Dalka Itoobiya waxaa ka mamnuuc ah ka shaqaysiga iyo isticmaalka buuriga noociisa kala duwan.

Magaalada Addis Ababa: Caasimadda dalka ee Addis Ababa ayaa si gaar ah looga mamnuucay isticmaalka iyo iibinta buuriga Shishada.

🔴 Su’aasha taagan:ayaa ah Haddii buuriga Al Fakher uu ku yimid hab sharci ah, maxay tahay rukhsadda ama sharciga lagu soo geliyay, laguna iibinayo gudaha Itoobiya?

Warbaahinta Deegaanka iyo Is-indho-tirka Runta ka Jirta GurigoodaAad bay u wanaagsan tahay in warbaahintu qabato doorkee...
30/07/2026

Warbaahinta Deegaanka iyo Is-indho-tirka Runta ka Jirta Gurigooda

Aad bay u wanaagsan tahay in warbaahintu qabato doorkeedii saxda ahaa, oo ay soo bandhigto dhaliilaha iyo baahiyaha jira. Laakiin, waxaa ayaan-darro ah marka ay indhaha ka laabato dhibaatooyinka taagan ee bulshada agtooda ah, kuna mashquusho arrimo ka baxsan deegaankooda.

Xaqiiqada dhabta ah ee Jigjiga ka jirta:
🎈Biyo-la'aan Baahsan: Qiimaha foostada biyaha ee magaalada Jigjiga waxay maraysaa 500 Birr.
🎈Nolosha oo Qaaliyoobay: Qiimaha hal iskarogo oo ciidda niista ah wuxuu marayaa 20,000 Birr.
Inkastoo ay dhibaatooyinkaas baaxadda leh ka jiraan gudaha Jigjiga, haddana warbaahinta deegaanku ma awoodo inay soo duubto xataa hal muuqaal oo muujinaya qof shacab ah oo ka cabanaya caafimaad-darro, biyo-la'aan, ama baahiyaha kale ee aasaasiga ah ee ka jira magaalada dhexdeeda.

Su'aasha Isweydiinta Mudan: Sidee bay macquul u tahay in warbaahintii ka aamustay baahida dadkii dhex fadhiyay, ee aan hal muuqaal oo cabasho ah ka soo duubi karin gudaha Jigjiga, ay maanta inaga dhaadhiciso inay ka hadlayso baahiyaha ka jira Somaliland?

Weriyayaasha u dhashay deegaannada Jigjiga, Wardheer, iyo Garissa waxaa waqti badan ka lumiyay ka-hadalka arrimaha Somaliland. Xaaladaha adag ee ka jira deegaannadooda xataa "Juuq" k**a odhan karaan, balse waxaad mar walba arki kartaa iyagoo is-hor-fadhiisiyay laba qof oo ku mashquulsan cayda iyo dhaleeceynta Somaliland.

Tusaale Nool (Case Study):

Mohamed Sigad Xirfadda/Halkuu ka shaqeeyo: Qoraaga Mareegta Vosse TV (oo ka mid ah warbaahinta ka hawlgasha Deegaanka oo Hayb ahaan kasoo jeedaa beesha /Darood.

Ujeeddada loo adeegsado: Waxaa si dadban u isticmaalaya shakhsiyaad iyo kooxo mucaarad ku ah Xukuumadda Somaliland, si ay ugu fuliyaan danahooda siyaasadeed halkii uu ka turjumi lahaa baahida dhabta ah ee deegaanka ka jirta.

MADER MEDIA

🚨 DEG DEG), Eedaysane Lagu Toogtay Degmada Daroor Muddo Yar Kadib Markii Laga Soo Wareejiyay SomalilandDAROOR Wararka ma...
28/07/2026

🚨 DEG DEG), Eedaysane Lagu Toogtay Degmada Daroor Muddo Yar Kadib Markii Laga Soo Wareejiyay Somaliland

DAROOR Wararka madax-bannaan ee naga soo gaaraya Degmada Daroor ayaa sheegaya in Degmada Daroor lagu toogtay Najax Xasan Muuse, oo ahaa eedaysane loo haysto fal dambiyeed ka dhacay Degmada Daroor kaas oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka Somaliland.

Eedaysanaha ayaa la sheegay inuu dil ka geystay Degmada Daroor, ka dibna uu u baxsaday dhanka Gobolka Daadmadjeedh ee Somaliland, halkaas oo ay ciidamada ammaanka ee Somaliland ka soo qabteen. Si kastaba ha ahaatee, markii lagu wareejiyay

Ciidanka maleeshiyada ee Degmada Daroor, ayaa la sheegay in isla goobtii ay ku toogteen

Xogaha laga helayo aaggaas ayaa tilmaamaya in amarka toogashada ay bixiyeen mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda DDS, iyadoo aan eedaysanaha la horgayn wax maxk**ad ah. Wararka ayaa intaas ku daraya in toogashada uu fuliyay taliye magiciisa lagu soo gaabiyay "Ina Guuxa" ka dib markii lagu wareejiyay maxbuuska—dhacdadaas oo lagu tilmaamay mid ugub ku ah hannaanka caddaaladda ee Deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale, illo wareedyo maxalli ah ayaa xaqiijiyay in rasaastii lagu fuliyayt toogashada ay maqleen ciidamadii Somaliland ee daqiiqado ka hor eedaysanaha ku wareejiyay dhigooda DDS.
Inkasta oo bulshadu soo dhoweysay iskaashiga ciidanka Somaliland iyo DDS ee lagu soo qabtay eedaysanaha, haddana qaabka loo aarguday iyadoo aan sharciga la marin ayaa dhalisay hadal-heyn badan, iyadoo dadka qaar ay u arkaan arrin salka ku haysa arrimo siyaasadeed. Allaha u naxariisto marxuunka.

MADER MEDIA

Maamulka Deegaanka Soomaalida, Garaaddo, Madax dhaqameed, Siyaasiyiin iyo haldoor kale ayaa habeennimadii xalay si weyn ...
20/07/2026

Maamulka Deegaanka Soomaalida, Garaaddo, Madax dhaqameed, Siyaasiyiin iyo haldoor kale ayaa habeennimadii xalay si weyn uga shaqeeyey isku day ahaa in Marwo Fihiima Yuusuf Quuje ay kaga laabato Go’aanka ay gaadhay ee ahaa in ay Dalkeegi Somaliland dib ugu laabato, Arrintan ayaan u suuro galin kadib markii ay si cad Fihiimi uga soo hor jeedsatay hawsha ay waddaan.

Jiritaanka xogtan ee Arrinta Fihiima Quuje waxa xaqiijiyey mid kamid ah Wariyeyaasha ka hawl-galla deegaanka.

Jigjiga iyo Hargeysa ayaa Sannadihii u dambeeyey si wada jir ah iskaga kaashanayey dhinacyada Amniga isu socodka bulshadda iyo ganacsiga.

Najax Aadan Cunaaye

Magaalo Qaran waa bar-koontarool ciidan oo lagu dhibaateeyo dadka kaa yimaada Somaliland Magaalo Qaran Waxay ku taallaa ...
13/07/2026

Magaalo Qaran waa bar-koontarool ciidan oo lagu dhibaateeyo dadka kaa yimaada Somaliland

Magaalo Qaran Waxay ku taallaa jidka isku xira magaalooyinka Jigjiga iyo Tog Wajaale ee DDS iyadoo qiyaastii 25 ilaa 30 km oo kaliya u jirta magaalada Jigjiga.masaafadaas u dhow waxay muujinaysaa in wax kasta oo ka dhaca goobtan ay hubaal tahay inay la socdaan madaxda ugu sarreysa deegaanku.

Magaalo Qaran waxaa aasaasay madaxweynihii h**e Cabdi Ilay,.Aasaaska,goobtan looma abuurin arrimo amni, nuxurkeeda koowaad wuxuu ahaa arrimo siyaasadeed oo si gaar ah loogu dhibaateeyo, laguna beegsado dadka socotada ah ee ka yimaada Somaliland.Waxay ahayd marin lagu handado muwaadiniinta nabadoon ee isu gudbaya labada dhinac.
•
Isbeddelkii kadib shacabka waxa soo galay rajo weyn oo ahayd in la baabi'in doono bar-baadhistan madow.

Xaqiiqda dhabta ah: Tani ma dhicin. Beddelkii la baabi'in lahaa, goobtu waxay isku beddesha goob ka sii darata tii h**e,.Tacadigii, dhibaatadii, iyo baadhistii aan loo meel dayin ee lagula kici jiray dadka Somaliland ka yimaada halkeedii bay ka sii socotaa, xaaladuhuna hadda way ka sii adag yihiin sidii h**e.

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida waxay mar kasta ku dooddaa in Magaalo Qaran ay u taagan tahay arrimaha amniga iyo xasiloonida gobolka.

Xaqiiqdu waxay tahay in bar-baadhistan loo beddelay goob lagu fuliyo Ajandayaal Siyaasadeed iyo Aargoosi Qabiil. Waxay noqotay goob si bareer ah loogu beegsado dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan xiliyada ay jiraan xiisado gobolka ah.

Magaalo Qaran maaha koontarool amni, ee meel
lagu dhibaateeyo muwaadiniinta ka yimaada Somaliland. Sii sugnaanta goobtan iyo tacaddiyada joogtada ah ee dhibaatada ku ah socotada waxay caqabad ku tahay is dhex-galka, ganacsiga, iyo walaalnimada ka dhaxaysa labada shacab.

Xaaladda Tog-Wajaale: Xumad dila ah, Adeeg-iyo Maamul ku Mashquulay B**bMagaalada xuduudka ah ee Tog-Wajaale waxa ka taa...
13/07/2026

Xaaladda Tog-Wajaale: Xumad dila ah, Adeeg-
iyo Maamul ku Mashquulay B**b

Magaalada xuduudka ah ee Tog-Wajaale waxa ka taagan xaalad bini'aadanimo oo aad u daran, ka dib markii ay magaalada ku baahday xumad dilaal ah (Dengue Fever) oo fara baas ku haysa shacabka. Waa markii ugu horreysay ee taariikhda magaalada ay dhimashadu heerkan gaadho, iyadoo ay taasi u dheer tahay xilkasnimo-guri iyo danayn la'aan baahsan oo ka timid dhanka maamulka magaalada.

Shacabka Wajaale waxa iskugu biiray xanuunka dillaacay iyo dayacaad baahsan oo ka jirta xarumihii caafimaadka ee dowladda. Xaruntii caafimaadka ee magaalada ayaa gabi ahaanba joojisay adeegyadii guud, waxaanay hadda ku koobantahay oo kaliya adeegga dhalmada.
Maadaama ay xarumihii rasmiga ahaa shaqayn waayeen, goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay iyo farmasiyada ayaa buux dhaafay. Shacabka danyarta ah ee aan awoodin kharashka daawaynta ayaa la ildaran, qaarkoodna ay ku dhimanayaan gidaarada farmasiyada, iyadoo aysan jirin cid u gurmanaysa ama ka warhaysa.

Muddo laga joogo dhowr bilood, shacabka magaalada laga guray lacago loogu sheegay "Caymiska Caafimaadka". Lacagtaas oo aan waxba loogu qaban, xataa hal xaafad oo magaalada ka mid ahna aanay dib ugu soo laaban adeeg ahaan.

Maanta, maadaama uu gurmadkii dowladda meesha ka baxay, muwaadiniintii dhaqaalaha yar haystay waxay ku qasbanaadeen inay u talaabaan dhanka xadka Somaliland si ay halkaas uga raadsadaan daryeel caafimaad iyo badbaado nafasi.

Shacabku waxay farta ku fiiqayaan in dhibaatada ugu weyn ee magaalada haysataa ay tahay hoggaan-xumada maamulka, gaar ahaan Maayarka Magaalada Wajaale, Maxamed Waaberi.
Muuqaalka guud ee magaalada laga dhex akhrisan karo ayaa ah:

Danayn La'aan: Maamulku k**a warhayo xaaladda dhabta ah ee magaalada, mana jiro qorshe lagula tacaalayo xanuunka kordhay.
Musuqmaasuq iyo B**b: Maayarka iyo inta
ku hareeraysan waxay ku mashquulsan yihiin boobka dhulka danta guud iyo lunsashada dhaqaalaha ka soo xarooda koontarabaanka iyo xadka.

Xaaladda Tog-Wajaale waxay maraysaa meel faraha ka baxday, haddii aan si degdeg ah loogu soo gurmanna, dhimashada iyo dhibaatada shacabka hadda ragaadisay waxay isu beddeli kartaa masiibo intan ka weyn.

Maamul-Xumada iyo Adeeg-La'aanta ka Taagan Tog-Wajaale: Mashruucii 500 Milyan ee Bir iyo Baaq ku Socda Dawladda Deegaank...
09/07/2026

Maamul-Xumada iyo Adeeg-La'aanta ka Taagan Tog-Wajaale: Mashruucii 500 Milyan ee Bir iyo Baaq ku Socda Dawladda Deegaanka

Magaalada ganacsiga ee Tog-Wajaale, oo ah mid ka mid ah halbawlayaasha dhaqaalaha ee deegaanka iyo dalkaba, waxay maanta haysaa dhabaddii maamul-xumo tii ugu darnayd iyo adeeg-bixintii xafiisyada dawladda oo gaadhay heerkii ugu hooseeyay abid.

Arrimaha tixraaca mudan iyo caqabadaha hortaagan bulshada magaaladaas waxa ka mid ah:

1. Fashilka Mashruuca Biyaha ee 500 Milyan ee Bir
Sida la wada ogyahay, Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Somalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa xadhigga ka jaray mashruuc weyn oo biyo-galin ah, kaas oo ay ku baxday lacag lagu qiyaasay 500 oo Milyan oo Bir. Mashruucaas oo loo qorsheeyay inuu dabar-gooyo haraadka magaalada, ayaan maanta shaqaynayn. Magaaladii Tog-Wajaale waxay maanta tahay mid ooman, iyadoo lacagtas baaxadda lehna aysan muuqan faa'iido ay u soo hoysay shacabka.

2. Baadhista Shacabka iyo Amni-Darro Magaca Dawladda Lagu Sifaynayo
Adeegga caadiga ah ee xafiisyada dawladda ka sakow, waxa magaalada ka jira dhibaato weyn oo lagula kaco shacabka maalin cad. Kooxo ku shaqaysanaya magaca hay’adda Socdaalka (Immigrationka) ayaa si aan sharciga waafaqsanayn u baadha dadweynaha, taas oo meel ka dhac ku ah nidaamka dawladnimo iyo badbaadada muwaidinka.

3. Mas'uuliyadda Maayarka Magaalada (Mr. Baltazar)
Sababta ugu weyn ee loo aanaynayo burburka maamul iyo midka adeeg ee ka jira Wajaale ayaa ah mid dusha laga saarayo Maayarka magaalada, Mr. Baltazar. Waxa lagu eedaynayaa inuu gabi ahaanba ka gaabiyay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, isagoo ku mashquulay arrimo ka baxsan hoggaaminta iyo u-adeegidda shacabka, taas oo horseedday in nidaamkii dawladnimo uu meesha ka baxo.

Sidaas darteed, waxaan baaq xooggan u diraynaa Xukuumadda Sare ee Dawladda Deegaanka Somalida in si degdeg ah loo soo gaadho magaalada, baadhitaan dhab ahna lagu sameeyo masiirka mashruuca biyaha iyo musuqmaasuqa ragaadiyay maamulka degmada, si loo soo celiyo adeegga iyo sharafta shacabka reer Wajaale.

Muwaadin reer somaliland ah, Ayaa lagaso Afduubtay Magaalada WajaaleMudo laga joogo bil waxaa Magaalada Wajaale laga soo...
01/07/2026

Muwaadin reer somaliland ah, Ayaa lagaso Afduubtay Magaalada Wajaale

Mudo laga joogo bil waxaa Magaalada Wajaale laga soo afduubtay muwaadin reer somaliland ah, kaasi oo ka tirsanaa shaqaalaha dakada berbera , muwaadinkaasi waxa laga soo afduubtay daanta itoobiya isagoo meherad ku taala jooga waxana uu habeeno ku xidhnaa saldhiga booliska maamulka magaalada wajaale ka dibna waxa. Loosoo qaaday jigjiga .Hadaba waxa cajiiba in markii muwaadinkaa ay dawlada soomaaliland arinka maqashay lasoo xidhiidhay in loo sheegay in aan wax danbi ah loo haysan laakiin ay u haystaan nin dhulbahante ah oo hada ka hor somaliland xidhay , arintaas oo fajac ku noqotay somaliland in masuuliyiinta deegaanaka soomaalidu .xubno dagaalka laascaanood qayb ka ahaa ay u afduubtaan dad shacab somaliland ah .Hadaba is waydiintu waxay tahay sida maxaabiis dhulbahante, oo hargaysa ku xidhan . ay xukuumada deegaanku ugu afduuban karto shicib somaliland ah . dhacdadan waa dhacdo uguba waxana qayb libaaxle ka qaatay maamulka magaalada wajaale waayo sidee ayay ku dhici kartaa in qof shiciba oo magaalda tog wajaale ku sugan oo dambi aan gaysan jigjiga loogu soo qaadi karaa

26/06/2026

Wararka laga helayo deegaanka Bagaase ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday goobtii laga bixin jiray kaarka aqoonsiga Itoobiya. Weerarka ayaa lagu qaatay qalabkii lagu diiwaangelin jir

Address

Togwajale
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MADER MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category