12/15/2025
XOG-XASAASI AH:-DOWLADA TALYAANIGA gaar ahaan Wasaradda Arrimaha Guddaha & Socdaalka (Ministry of Interior and immigration) ayaa si dadban GAROOWE uga bilowday in ay Shacabka Xaafadaha ka qaado INDHAHA, FARAHA iyo Xogta kale oo taabanaya Noloshadooda kuwaas oo la rabo in xogtood ladhigo Xuduudaha TALYAANIGA & MIDOWGA YURUB si hadhaw qofkasta oo faraha iyo indhaha laga qaaday dib-loogu Soo Celiyo Meeshii ay ka diwaan galiyeen, waana Barnaamij Caalami ah oo ay rabaan in ay ka hirgaliyaan Soomaliya kaas oo 2017- kii ka fashilmay kadib markii labo Sarkaal oo u dhashay Dowlada Talyaaniga iyo nin kasoo jeeda Somaliland oo ahaa fududeeyaha barnaamijkaas laga tarxiilay Magaalada HARGAYSA oo ay Xiligaas ka bilaabeen barnaamijkaan iyagoo iska-dhigaya hay’adda dhanka Maping-ka ka caawisa Magaalada HARGAYSA balse Wasiirkii Arrimaha Guddaha ee Xiligaas Maxamed Kaahin oo mardambe ogaaday khatarta barnaamijkaas ayaa u tarxiilay Waddanka ITALY.
Bilowgii 2018 ayey markale soogaareen Magaaladda Garoowe iyagoo siqarsoodi ah barnaamijkaas uga bilaabay Xaafadda Hantiwadaag balse Shacabka Garoowe ayaa ogaaday iyagoo Mudaharaad kala horyimi, waxaana mar kale PUNTLAND ka eryay Madaxwayne Gaas oo goordambe Ogaaday Xogtooda balse markii h**e ay u sheegeen in ay u socdaan Barnaamij ay dhanka Dowlada hoose ka caawinayaan PUNTLAND, Markaasna waxaa iska soo hormariyeen Maamo layiraahdo Khadiijo oo lasheegay in ay kasoo jeedo PUNTLAND.
Ugu dambayn Kooxdii MAAFIYADA ahayd ayaa markale Garoowe ka daahfuray isla-Barnaamijkii oo ay qaab-kale dadka ugu dhigayaan.
DUNIDA ONLINE oo Xiriiro la samaysay Wasaradda Arrimaha Guddaha & Saraakiil katirsan Madaxtooyada DPL ayaa labadaas Xafiisba waxay u Xaqiijiyeen in aysan Barnaaminkaas waxba kala socon.
Khadiijo oo ah, Maamo Kasoo jeeda PUNTLAND ayaa Xiriiriye u ah HAY’ADAAN hoos tagta Waaxda Socdaalka ee W/Arrimaha Guddaha Talyaaniga, taas oo xataa Waqti badan galisay in Xil looga Magacaabo PUNTLAND si ay Barnaamijkaas lacagta faraha-badan ay ku qaadatay u dhexmarsato iyadoo huwan Shaatiga Dowlada.
Barnaamijkaan ayaa qaar kamid Xeel-dheerayaasha la socda arrimaha Socdaalka iyo Tahriibka waxay sheegeen in qof kasta oo Xogtiisa ay kooxdaan gacanta ku dhigaan ay hadhaw u sahlanaan doonto in haddii ay isku dayaab TAHRIIB sheegtaana qaxooti in si sahlan loogu soo Celiyo meeshii Xogtooda looga qaaday, taas oo sharciyada la dagalanka Tahriibka u noqon doonta XOG ay isticmaalaan.
LASOCO Q/2aad Berri oo aan kusoo bandhigi doono Cadaymo Muujinaya mudagaradyadii iyo dadkii ka hadlay HARGAYSA & GAROOWE markii laga eryay sanadihi 2017 & 2018.