Vos Somali Tv

Vos Somali Tv VOS SOMALI TV - TELEFISHINKA CODKA SOMALIDA AMA SOMALIYA. Vos Somali TV is a non Governmental broadcasting media group.

Dhammaan Asxaabta, Like & Share Igu Caawiya Mahadsanidin Lamaane VOS TV waa page kamid ah Baraha Bulshada ee Telefishanka Codka Soomaalida ee VOS TV, Waxaan idiinku soo gudbinaa Wararkii ugu dambeeyey ee Caalamaka iyo Mandaqada Geeska Afrika.

Laascaanood:- 25.July.2026 Cabdixakiin Nuur Maxamed (Caaqil Fiigo) Oo Ku Guuleystay Matalaadda Beesha Jaamac Siyaad Ee B...
07/25/2026

Laascaanood:- 25.July.2026 Cabdixakiin Nuur Maxamed (Caaqil Fiigo) Oo Ku Guuleystay Matalaadda Beesha Jaamac Siyaad Ee Baarlamaanka Waqooyi Bari.

Xildhibaan Cabdixakiin Nuur Maxamed (-Fiigo-) ayaa loo xushay inuu buuxiyo kursiga Xildhibaannimo ee beesha Jaamac Siyaad, kaddib markii uu bannaanaaday kursigii ay h**e u haysay Fahiima Yuusuf Quuje.

Go'aankan ayay si wadajir ah u gaadheen cuqaasha, culimada, waxgaradka, aqoon-yahanka, dhalinyarada iyo labeenta beesha Jaamac Siyaad, kuwaas oo gudoonsaday iskuna raacay in Caaqil Cabdixakiin Nuur Maxamed uu noqdo wakiilka cusub ee beesha.

Xildhibaankan cusub ayaa beesha Jaamac Siyaad ku matali doona Golaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Waqooyi Bari State of Somalia, iyadoo bulshada ay u rajaynayaan inuu si hufan oo daacadnimo leh u guto waajibaadka loo igmaday.

Tacsi Tiiraanyo Leh, Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun.Waxaa caawa geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Suusl...
02/15/2026

Tacsi Tiiraanyo Leh, Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun.

Waxaa caawa geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Suusle, oo ahaa nin weyn oo qadiyad adag u taagnaa, geesi aan la gaban hal-adaygiisa, kana mid ahaa haldoorka u istaagay difaaca iyo sharafka reer Woqooyi Bari.

Abwaanku wuxuu ahaa nin geed walba u galay sidii wax la iskaga celin lahaa, dadkiisana uu u horseedi lahaa midnimo, karaamo iyo jiritaan muuqda.

Taariikhdiisa waxaa lagu xusuusan doonaa go’aan adag, garasho fog iyo gabayo dhiirrigelin iyo damiir wadaniyadeed xanbaarsan.

Waxaa la weriyaa in mar niman ehel u ahaa ay ku yidhaahdeen “Abti ayaannu kuu nahay, maad land-ta soo raacdid, guubaabada aad tolkaa ku waddana joojisid, ileen inantayadaa ku dhashaye.”

Hase yeeshee, Abwaanku arrintaas wuu ka gabyay, wuxuuna ku jawaabay tuducyo taariikh galay.

“Nin waliba dadkiisuu noqdaa maalin dirireede,
Maxaa aniga deeqaa dhashiyo, dumarna ii keenay.”

Ereyadaasi waxay muujinayaan mowqifkiisa adag, jacaylka uu u qabay dadkiisa iyo sida uu ugu go’naa inuu la garab istaago mar kasta oo loo baahdo.

Raxmaanku ha u naxariisto Abwaan Suusle, hana ka waraabiyo jannooyinkiisa.

Ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan bulshada uu ka baxay waxaan uga tacsiyeynaynaa geerida ku timid haldoorkan qaran.

Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun.

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Mayor-ka Cusub ee Buuhoodle! Hambalyo iyo bogaadin aan kala go’ lahayn waxaan u diraynaa Mayo...
02/15/2026

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Mayor-ka Cusub ee Buuhoodle!

Hambalyo iyo bogaadin aan kala go’ lahayn waxaan u diraynaa Mayor-ka cusub ee Caasimadda Buuhoodle, kaasoo maanta si rasmi ah loogu doortay inuu hogaamiyo 5-ta sano ee soo socota Qorshe-yaasha iyo Ajande-yaasha caasimada Gobolka Cayn.

Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu ufududeeyo masuuliyadda culus ee uu qaaday, hana ka dhigo mid si sharfoon uga soo baxa waajibaadkaas.

Mayor-kan cusub wuxuu horseedi doonaa horumar, ajandeyaal wax ku ool ah, iyo qorshayaal dhameystiran oo lagu horumarinayo Caasimadda Buuhoodle iyo bulshada ku nool.

Bulshada Buuhoodle waxay ku faraxsan tahay inay nasiib u yeelatay inay heshay hoggaan cusub oo hufan, daacad ah, isla markaana u taagan horumar waara.

02/06/2026

Jaaliyadda Waqooyi-Bari Soomaaliya ee Australia oo muujisay masuuliyad bulsho iyo damiir waddaniyadeed

Jaaliyadda Waqooyi-Bari Soomaaliya ee ku dhaqan dalka Australia, gaar ahaan magaalada Melbourne, ayaa qaaday tallaabo lagu amaani karo oo ka tarjumaysa damiir, midnimo iyo u damqasho dhab ah oo ay u qabaan dadkooda ay abaartu saameysay.

Jaaliyaddu waxay si iskaa ah uga tanaasushay munaasabado ay qorsheynayeen in ay ku qabtaan Melbourne, kaddib markii ay qiimeeyeen duruufaha adag ee ka taagan deegaannada Waqooyi-Bari Soomaaliya, halkaas oo abaaro ba’an ay saameyn ku yeesheen nolosha kumannaan qoys.

Lacagtii loogu talagalay munaasabaddaas iyo lacago kale ayaa si degdeg ah loogu wareejiyay taakulo bani’aadamnimo oo lagu garab istaagayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, taas oo muujinaysa in jaaliyaddu mudnaan siiso badbaadinta nolosha dadka Soomaaliyeed halkii ay ka hormarin lahaayeen xaflado iyo dabaaldegyo.

Go’aankan geesinimada leh waxaa hormuud u ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Waqooyi-Bari ee Australia, Mudane Maxamed Siyaasi, oo si weyn loogu ammaanay hoggaamintiisa hufan, aragtidiisa fog iyo sida uu mar walba uga hormariyo danaha guud kuwa gaarka ah.

Maxamed Siyaasi ayaa noqday astaan muujinaysa hoggaamiye jaaliyadeed oo leh damiir, masuuliyad iyo waddaniyad dhab ah.

Bulshada Waqooyi-Bari iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ayaa si diirran u soo dhaweeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid mudan in lagu daydo, kuna boorriyay jaaliyadaha kale ee qurbaha in ay qaataan doorka noocan ah xilliyada adag.

Ugu dambeyn, Jaaliyadda Waqooyi-Bari ee Australia iyo guddoomiyahooda Maxamed Siyaasi waxay mar kale caddeeyeen in Soomaalinimadu aysan ku xirnayn juqraafi, balse ay tahay dareen, damqasho iyo ficil wax ku ool ah.

01/28/2026

waxaa maanta xadhiga laga jaray xafiiska guud ee jaaliyada Waqooyi Bari Somalia ee dalka Australia xili ay socoto qaban qaabada munaasibada Taageerada maamulka iyo madaxda la caleemo saaray.

Address

Eagan, MN
55044

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Vos Somali Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Vos Somali Tv:

Shortcuts

Share

Category