11/29/2025
Kulan lagu qabtay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayna kasoo qayb galeen ,Xildhibaano,Saraakiil, Odayaal,Dhalinyarro iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan ee Beesha Celi Mareexaan ee Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay isku xirka, horumarinta, iyo wacyigelinta bulshada Deegaanadda Galmudug, Jubbaland, Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Waqooyi bari (Ceerigaabo).
Dhinaca kale Dhalinyaradda ku nool Gobolka Banaadir ayaa doortay hoggaan cusub oo dhalinyarada hoggaamin doona sanadaha soo socda.
Hogaanka Cusub ee La Doortay:
Guddoomiye: Mowlid Ahmed Ali (Macruuf)
Guddoomiye Ku-xigeen: Abdiwali Farey Diriye
Xoghaye: Dhayib Farah Abdullahi
Intii ay socotay doorashada ayaa waxaa si rasmi ah uga soo qayb galay Xildhibaan Abdi Ali Abdullahi (Dhuluture) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caabudwaaq, Xildhibaanka ayaa bogaadiyey dadaalka dhalinyarada, kuna dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan midnimada, iskaashiga, iyo ka shaqaynta arrimaha bulshada.
— DHAMMAAD —