14/09/2026
WASIIRKA WASAARADA TAMARTA IYO KHEYRAADKA BIYAHA OO NAIROBI KULAN KULA QAATAY SAFAARADA JARMALKA IYO HAY’ADDA GIZ
Nairobi, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mohamed hassan idriss (Ganey), ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay Gelinkii Danbe ee maanta Safaaradda Jarmalka ee Nairobi German Embassy Nairobi iyo Hay’adda GIZ, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada biyaha adkeysiga cimilada iyo horumarinta kheyraadka biyaha.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Katrin Josten, (Deputy Ambassador) ka Jarmalka; Mudane Simon Hagemann, (Head of Development Cooperation) Somalia; Marwo Janne Kaiser Tedesco, (Head of Project – Climate Resilient Water Resources Management Project); iyo Mudane Christian Kuehnl, (Portfolio Director) ee GIZ.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga wada hadlay mashruuca Baidoa Multipurpose Dam & Strategic Water Security Reservoir, oo ah hindise loogu talagalay xoojinta sugnaanta biyaha ee Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran, iyadoo ay ka mid yihiin kaydinta biyaha, ilaalinta aagga biyuhu kasoo qulqulaan, biyo gelinta bulshada, waraabka iyo horumarinta beeraha, iyo adeegyo ku shaqeeya tamarta qoraxda.
Sidoo kale, Wasiirka iyo GIZ waxay isla meel dhigeen muhiimadda ay leedahay in la sii wado wadashaqeyntii h**e ee u dhexeeysey Wasaaradda iyo GIZ, si loo horumariyo mashaariic waara oo wax ka qabanaya baahiyaha biyaha iyo saameynta isbeddelka cimilada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.