12/02/2025
Magaalada B**a ee Dalka Turkiga
Nin Oday ah oo 50 sano jir Turki ah oo wiil uu dhalay oo maskaxiyan xanuunsan dhowr mar gabar uu u doonay laga diiday, ayaa u tagay qolooyin dadka u keena xaasas ajaanib ah oo ku dara.
Odayga qolooyinkaasi xaasaska dadka u keena ayuu siiyay lacag gaaraysa 500,000 oo Liirada Turkiga ah, taasoo Toban kun oo Yuuro u dhiganta.
Gabar Hadil Ayad la dhaho oo Aljeeriyaan ah ayaa wiilka sidaas lagu baray, taasoo September dhexdeeda timid Turkiga, Oktober 27 markii ay maraysayne lagu daray Muammer Gümüşsoy oo ah wiilka. Lacago iyo dahab badanna gabadha waa lagu bixiyay oo aroosad ahaan la siiyay.
Naagtii Aljeeriyaanka ahayd, ee aroosadda ahayd halmar ayay maalmo kaddib arooskooda waxay la gooysay lana baxsatay wixii dahab iyo lacago ahaa ee arooskooda loo keenay.
Odaygii dhalay wiilka markii uu arrinka maqlay wuu naxay, daymo badanna horay ayuu u galay wiilka dartiis, wuxuu go'aansaday inuu is dilo, sidaas ayuuna isku dilay.
Aroosaddiina faro laguma hayo hadda, inay Turkiga dhan ka baxday ayaa la sheegayaa.
Sawirkan hoose waa aroosadda, arooska iyo waalidkiisa.
Waa waali caadi ah.
Maxaad ka tiri arrinkaas?
W/Q - Ahmed Kadiye