Voice of voiceless DDS

Voice of voiceless  DDS waxaad Noogu soo hagaagaysaa warar xaqiiqada kusalaynsan oo dhexdhexaad ah

Warbixin: Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo Khudbad Adag Ka Jeediyey Baarlamaanka ItoobiyaAddis Ababa – 4 Luulyo 2025: Ra’i...
07/05/2025

Warbixin: Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo Khudbad Adag Ka Jeediyey Baarlamaanka Itoobiya

Addis Ababa – 4 Luulyo 2025: Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, ayaa shalay khudbad adag ka hor jeediyey baarlamaanka dalkiisa, isagoo ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafaadka gudaha, iyo arrinta marin-biyoodka ee Itoobiya.

Mudane Abiy ayaa sheegay in dowladdu ka fogaatay in ay qaaddo tallaabo militari, balse ay dooratay waddada wada-xaajoodka si loo xalliyo khilaafaadka taagan. Wuxuu xusay in muhiimad gaar ah la siinayo dhismaha hay’ado madax-bannaan oo kormeera maamulka, si loo xoojiyo isla xisaabtan iyo daahfurnaan.

Sidoo kale, khudbadda ra’iisul wasaaraha ayaa si gaar ah diiradda u saartay arrinta badda, isagoo si cad u sheegay in Itoobiya aysan ka tanaasuli doonin xaqeeda ah in ay hesho marin badeed. Wuxuu xusay in haddii ay suurtagal noqon weydo in waddo nabadeed lagu gaaro marin-biyood, “ay la wareegi doonaan” marin kale si ay u xaqiijiyaan danahooda istiraatijiyadeed.

Hadalkan ayaa yimid xilli gudaha Itoobiya ay ka jiraan culaysyo siyaasadeed iyo dhaqaale, halka dibaddana ay taagan tahay xiisadda la xiriirta damaca Itoobiya ee marin-biyoodka Badda Cas.

Voice of voiceless DDS

Taliska Ciidamada Dalka Ethiopia guud ahaan ayaa soo gudbiyay ajande ah in deegaannada laga noqdo, kadibna laga dhigo ni...
06/04/2025

Taliska Ciidamada Dalka Ethiopia guud ahaan ayaa soo gudbiyay ajande ah in deegaannada laga noqdo, kadibna laga dhigo nidaam ku dhisan juquraafi ahaan.

Macnaha: gobol walba deegaanka ay is qaadan karaan juquraafi ahaan in lagu daro.

Tusaale ahaan, gobollada galbeedka ee DDS sida Erar, Faafan, iyo Sitti waxay ku darman karaan Hararge (Oromia) ama iyaga ayaa nagu soo biiri kara macnaha Gobalka Hararge oromia ayaa kuso biiri kara gobolada galbeed ee DDS.

Halka kuwa koonfureed ee deegaanka Oromia iyo kuwa koonfureed ee deegaanka Soomaalida ay iyaguna noqon karaan deegaan gaar ah. Tusaale ahaan: Guji, Borena, Baale, Dawa, Libaan, iyo qayb kamid ah Afdheer.

Go’aankan waxaa soo jeediyay ciidamada Ethiopia guud ahaan, iyagoo u cuskaday in arrintaas ay xal waara ka keeni karto nabadgelyada dalka.

Go’aanku waa soo jeedin un, weli ma ahan go’aan ay dawladdu aqbashay.

Taliska ciidanka ayana hindisahan u gudbiyay Gydiga wada tashiga Qaran sida aan xogta ku hayno.

Khamiisyadiii ugu danbeeyey weeyaan oo quality leh horay ugaadhcarwo Geedi Dabaqa xalaal supermarketCarab khuriyeKala xi...
06/04/2025

Khamiisyadiii ugu danbeeyey weeyaan oo quality leh horay ugaadh

carwo Geedi Dabaqa xalaal supermarket

Carab khuriye

Kala xidhiidh whatsappkan ‪+966566150375‬

Bukaanada iyo qoysaskooda ayaa maanta mudaharaad ka dhigay Isbitaalka Black Lion ee magaalada Addis Ababa. Dadkan mudaha...
05/19/2025

Bukaanada iyo qoysaskooda ayaa maanta mudaharaad ka dhigay Isbitaalka Black Lion ee magaalada Addis Ababa. Dadkan mudaharaadaya ayaa cabasho ka muujinaya xaaladda adeegyada caafimaad ee isbitaalka, iyagoo sheegay in ay la kulmayaan daryeel la’aan, dib u dhacyo badan iyo adeegyo liita.

Qaar ka mid ah bukaanada iyo eheladooda ayaa warbaahinta u sheegay in muddada ay sugayeen adeeg caafimaad ay gaartay heer aan la aqbali karin, taasoo keentay in bukaanno badan xaaladoodu kasii darto. Waxay sidoo kale sheegeen in isbitaalka uu wajahayo qalab la’aan iyo hoos u dhac dhanka shaqaalaha ah.

Mas’uuliyiinta isbitaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin mudaharaadka, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dadaallo socdaan si loo xalliyo cabashooyinka dadka mudaharaadaya.

Waxaa la filayaa in dowladda dhexe iyo wasaaradda caafimaadku ay arrintan si dhow ula socdaan, iyadoo loo baahan yahay tallaabooyin degdeg ah si loo yareeyo culeyska dadka bukaanka ah iyo qoysaskooda.

Dr. Yonathan Dagnachew, oo ah Madaxweynaha Ururka Dhakhaatiirta Itoobiya, ay xireen ciidammada ammaanka. Falkan lagu bee...
05/11/2025

Dr. Yonathan Dagnachew, oo ah Madaxweynaha Ururka Dhakhaatiirta Itoobiya, ay xireen ciidammada ammaanka. Falkan lagu beegsanayo ayaa ujeedkiisu yahay cabsi gelinta xirfadlayaasha caafimaadka si ay uga baaqsadaan fulinta hanjabaadooda shaqo-joojin ee Talaadada.

War degdeg ah ___________________________Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya oo Sheegay in Baaritaa...
05/05/2025

War degdeg ah
___________________________

Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya oo Sheegay in Baaritaan Lagu Bilaabay Askareynta Qasabka ah

Addis Ababa – Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC), Mudane Brehanu Adelo, ayaa ku dhawaaqay in guddigu bilaabay baaritaan rasmi ah oo ku saabsan askareynta qasabka ah ee dadka rayidka ah, taas oo la rumeysan yahay in ay si joogto ah uga socoto dalka.

“Waxaan bilaawnay baaritaanno la xiriira wararka sheegaya askareyn qasab ah, waxaana rajeyneynaa in natiijooyinka ay soo saarto warbixin rasmi ah oo la wadaago bulshada,” ayuu yiri Brehanu.

Wararka iyo caddeymaha sii kordhaya ayaa muujinaya in ciidamada Itoobiya (ENDF) ay si sharci-darro ah u askareeyaan dhalinyaro, xitaa carruur, iyadoo aysan jirin wax oggolaansho ah oo waalid ama ilaalin sharci ah. Mid ka mid ah sawirrada si weyn loogu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinaya askari yar, oo la rumeysan yahay inuu yahay ilmo, oo dhaawac culus ka soo gaaray goob dagaal, islamarkaana lagu daweynayo isbitaal ciidan.

Arrintan ayaa hoosta ka xariiqaysa walaaca sii kordhaya ee la xiriira ku lug lahaanshaha carruurta dagaallada, taas oo jabinaysa xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyada ay Itoobiya saxiixday ee mamnuucaya askareynta carruurta.

Su’aasha ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah: Madaxda ciidamada ENDF ma joojin doonaan beeninta ay weli ku difaacayaan tallaabadan xun, mise waxay u hoggaansami doonaan cadaaladda oo ay si degdeg ah u joojin doonaan askareynta carruurta

04/30/2025
Hantidii deegaanku Kenya ayey talaa
04/27/2025

Hantidii deegaanku Kenya ayey talaa

04/24/2025

Address

Los Angeles, CA

Telephone

+251915119771

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Voice of voiceless DDS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share