01/13/2026
UAE oo taageero Ciidan siiyay Israel iyo Adeegsiga Garoomada Somalia iyo Yemen
Dukumenti sir ah oo la dusiyay, oo ay shaacisay mareegta EmirateLeaks, ayaa muujinaya in dowladda Imaaraadka Carabta ay soo jeedisay qorshe ay ku adeegsanayso saldhigyada milatari ee ay ku leedahay Badda Cas si ay Israa’iil ugu fidiso taageero milatari, sirdoon, iyo mid saadka ah inta uu socdo dagaalka ay ka waddo Gaza.
Dukumentigu wuxuu dib ugu laabanayaa Oktoobar 2023, waxaana loo diray Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Ciidamada Qalabka Sida ee Imaaraadka. Waxaana Amarka bixiyay Hamdan bin Zayed Al-Nahyan, oo ah Wakiilka Gobolka Al-Dhafra iyo Guddoomiyaha Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka.
“Kadib weerarradii [7 Oktoobar] ee argagaxiso ee lagu qaaday walaalaha Israa’iil, iyo iyadoo lagu saleynayo heshiiska taariikhiga ah ee dhigaya iskaashi u dhexeeya labada dal … iyo fulinta amarka ka soo baxay Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Imaaraadka si loo taageero Dowladda Israa’iil iyadoo loo marayo saldhigyada milatari ee ku yaalla koonfurta Badda Cas – Al-Mokha oo ku taalla xeebta galbeed ee Yemen, iyo sidoo kale Massawa iyo Assab ee Eritrea iyo Soomaaliya – waxaa si degdeg ah loo qaaday diyaargarow iyo heegan si saldhigyadeenna milatari ee koonfurta Badda Cas, gaar ahaan kuwa Yemen, loogu qalabeeyo wax kasta oo lagama maarmaan u ah taageeridda Dowladda Israa’iil,” ayuu dukumentigu ku bilaabmaa.
Dukumentiga la dusiyay wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in la sii wado “hindisayaasha bulsho” si loo xoojiyo “isku-xirnaanta bulshada” ee u dhexeysa Israel iyo UAE
Xogta waxaa kale oo ay sheegtay iskaashi “dhow, isku dhafan, oo wada shaqeyn buuxda leh” oo ku saabsan “la-dagaallanka argagixisada, wadaagista sirdoonka, iyo tignoolajiyada milatariga,” wuxuuna “xaqiijinayaa bixinta qalab iyo aalado sirdoon oo lagu taageerayo Israa’iil, kuwaas oo qiimahoodu gaarayo hal bilyan oo doollar.”
Dukumentigu wuxuu dhaleeceynayaa taageerada Qatar ay siiso Xamaas, wuxuuna ku eedeeyaa Kuwait inay “la safatay Qatar” iyagoo “bixinaya taageero maaliyadeed oo ballaaran oo la siinayo kooxaha dagaalka kula jira Falastiin,” isagoo ku tilmaamaya arrintaas “mid si cad uga hor imaanaysa siyaasadaha dowladdeenna iyo heshiisyada naga dhexeeya annaga iyo Kuwait.”
“Waxaa jira fursad ballaaran oo lagu xusi karo xiriirradii h**e ee naga dhexeeyay Dowladda Israa’iil, kuwaas oo nagu waajibinaya inaan la shaqeyno oo aan gargaar u fidinno, isla markaana aan garab istaagno xilliyada dhibka iyo barwaaqada labadaba. Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Israa’iil waxaa ka dhexeeya xiriirro dhow oo dhaqan, diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo amni, kuwaas oo sii xoogaystay tan iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee 2020,” ayuu dukumentigu leeyahay.
Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah ula caadiyeeyay xiriirka Israa’iil sanadkii 2020, markaas oo la saxiixay Heshiisyada Abraham ee uu Mareykanku dhexdhexaadiyay. Washington iyo Tel Aviv ayaa ku cadaadinaya Sacuudi Carabiya iyo dalal kale oo Carbeed inay ku biiraan Heshiisyada Abraham.
Sannadihii xigay bilowgii dagaalkii Sacuudigu hoggaaminayay ee Yemen 2015, milatariga Imaaraadka ayaa sameeyay gumeysi ballaaran oo ku saabsan dekedaha, jasiiradaha, iyo marin-biyoodyada Yemen – taas oo lagu fuliyay iskaashi lala yeeshay Israa’iil.
Imaaraadku sidoo kale wuxuu dhisay saldhigyo milatari oo ku yaalla xeebaha Soomaaliya, Sida Boosaaso, Berbera iyo Mogadishu kuwaa oo Dhamaantood lagu xiray Qalab laga keenay Israel
Tan iyo markii uu billowday xasuuqa Gaza, Abu Dhabi – oo hadda ah saaxiibka ganacsi ee Carbeed ee ugu weyn Israa’iil – waxay sii waday inay horumariso xiriir istiraatiiji ah oo milatari oo ay la leedahay Tel Aviv.
Sanadkii 2024, Balkan Insight ayaa shaacisay in shirkad xiriir la leh Imaaraadka, Yugoimport-SDPR, ay Israa’iil u dhoofisay hub qiimihiisu gaarayo $17.1 milyan, iyadoo loo marayo diyaarado milatari. Hubkan ayaa si toos ah loogu adeegsaday dagaalka xasuuqa ah ee Gaza.
Shirkado Imaaraad ah ayaa sidoo kale heshiisyo la saxiixday XM Cyber – oo ay wada aasaaseen taliyihii h**e ee Mossad – si loo sugo kaabayaasha tamarta qaranka. XM Cyber waxay si wadajir ah ula shaqeysaa Rafael iyo shirkado kale oo milatari oo heer sare ah oo Israa’iili ah, iyagoo ka mid ah isbahaysi bartilmaameedsanaya suuqyada xasaasiga ah ee Khaliijka, oo ay ku jiraan saliidda, tamarta, iyo xogta.
Intaa waxaa dheer, shirkadda difaaca ee ay dowladdu leedahay ee EDGE ee Imaaraadka ayaa saamiyo ku leh warshadaha hubka ee ugu waaweyn Israa’iil, oo ay ku jiraan Rafael iyo Israel Aerospace Industries (IAI).
FG: UAE waa Wakiilka Israel ee Gobolka Joogitaanka UAE ee Somalia waxaa ay kumatashaa Israel waxaana si toos ah saldhigyada Imaaraadka ee Boosaaso, berbera iyo jasiirada suqadara uga Howlgalka Hay”ado amni oo gaar loo lee yahay iyo Imaaraadka Carabta si loo wiiqo Xuutiyiinta Sido kale waxaa Dhamaan Saldhiga lagu xiray qalab wax lagu dhageysto,
Lawadaag saaxibadaa