09/09/2026
Ruushka iyo Ukraine oo Qaarada Africa ku dhex dagaalamaya
Agaasimaha Sirdoonka Millatryga ahna madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine, Kyrylo Budanov, Macluumaadka Sirdoonka Militariga ku daabacay bayaan dadweyne oo ay weheliyaan sawirro muujinaya hawlwadeennada GUR oo ku kala sugan qaarado kala duwan. Wuxuu sheegay in Sirdoonka Ukrain Ruushka ay kula dagaalamayaan ilaa Afrika, si ay u ilaaliyaan danaha Ukraine “si kasta oo lagama maarmaan ah.”
Qoraalkaas waxaa sidoo kale la socday sawirro laga qaaday hawlwadeennada Sirdoonka GUR oo Ukraine h**e uga fogaan jirtay inay si rasmi ah u aqoonsato.
Sawirradu ma lahayn faallooyin ama sharaxaad gaar ah. Balse Hawlwadeennada GUR waxaa lagu arkay dhul saxare ah, deegaanno magaalooyin ah iyo meel u muuqata dhul baraf leh
Qaar ka mid ah sawirrada Budanov uu daabacay ayaa si faahfaahsan ugu eg sawirro ay **Kyiv Post** daabacday 2024, kuwaas oo xilligaas sababay xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay gobolka Saaxilka.
Howlgalka Weerarkii Gaadmada ahaa
Bishii Luulyo 2024, dagaalyahanno Tuareg ah ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo ay la socdeen Calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ah oo maraysay saxaraha Tinzaouaten ee dalka Mali.
Ugu yaraan **84 dagaalyahan oo Wagner ah iyo 47 askari oo Mali ah** ayaa lagu dilay weerarka. Muddo dhowr maalmood ah cidina si rasmi ah uma sheegan mas'uuliyadda.
Kadib ayuu afhayeenka Sirdoonka GUR, Andrii Yusov, hadlay. Wuxuu yiri:
“Fallaagadu waxay heleen xogtii lagama maarmaanka ahayd, mana ahayn xog oo keliya, taas oo u suuragelisay inay si guul leh u fuliyaan hawlgal militari oo ka dhan ah dambiilayaasha dagaalka ee Ruushka.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in faahfaahin dheeraad ah la shaacin doono.
Taasi waxaa ay shaaca ka qaaday in dagaalka Ukraine iyo Ruushka uu Soo gaaray Qaarada Africa
Fallaagada Tuareg ayaa weerarka ku qaaday kolonyo ay wada socdeen ciidamada Mali iyo kooxda Wagner ee Ruushka, meel u dhow xadka Algeria. Weerarkaas wuxuu noqday mid ka mid ah jababkii ugu cuslaa ee Wagner kala kulantay Afrika muddo sanado ah.
Dhibaatadu si degdeg ah ayay u sii fiday. **Mali iyo Niger waxay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen Ukraine.** Safiirka Ukraine ee Senegal ayaa loo yeeray kadib markii uu baraha bulshada ku faafiyay hadalkii Yusov.
Iyadoo Kyiv ay wajahday xiisad diblomaasiyadeed oo aysan u muuqan inay diyaar u ahayd, waxay dib uga laabatay hadalkii h**e waxayna si rasmi ah u beenisay inay ku lug lahayd weerarka.
Laakiin waqtigaas hadalku horay ayuu u faafay, waxyeelladiina waxay gaartay xiriirka Ukraine iyo dalalka Saxaraha iyo sidoo kale awoodda Wagner ee gobolka.
Saamaynta Ukraine ee Suudaan
Sanad ka hor weerarkii Mali, hawlgal ka qarsoon ayaa ka socday Khartoum.
Bishii Agoosto 2023, Kyiv waxay u dirtay caasimadda Suudaan ku dhowaad 100 askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah xilli uu dagaalka sokeeye ka qarxay dalka, kaas oo u dhexeeyay ciidanka qaranka iyo (RSF) oo xiriir la leh Wagner-ta Ruushka
Hawlgalku wuxuu markii h**e ahaa mid loogu talagalay daad-gureyn, laakiin markii dambe wuxuu isu beddelay hawlgal toos ah oo militari.
CNN ayaa markii dambe diiwaangelisay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo Ukraine ay ku qaaday fariisimo RSF ah, iyadoo ugu yaraan siddeed weerar Laga diiwaan geliyay agagaarka Khartoum.
Qalabka ay isticmaaleen dadka hagayay drones-ka ayaa lahaa qoraallo ku qoran afka Ukraine. Habka weerarka—oo drones-ku si toos ah ugu dhaceen bartilmaameedyada—ayaa lagu tilmaamay mid aan horay looga arag qaaradda Afrika.
Hal sawir oo xilligaas la qaaday haraadiga diyaaradaha ayaa keenay shaki xoogan,Kyiv weligeed si rasmi ah uma xaqiijin mana beenin sawirkaas. Waxaa ka muuqday nin maqaarkiisu caddaan yahay oo jooga dhul oomane ah, isagoo sita qori dhuuban oo loo malaynayo inuu yahay **Barrett MRAD**. Iyo calaamada Ukraine
Maxay Ukraine Ruushka Afrika Ugu La Dagaallamaysaa?
Hawlaha Wagner ee Afrika waligood kuma koobnayn dagaal oo keliya.
Kooxdu waxay ka qayb qaadataa soo saarista **dahabka, dheemanka iyo shidaalka** dalalka ay ka hawlgasho. Dakhliga ka yimaada hawlahaas wuxuu qayb ahaan ku noqdaa Ruushka, waxaana loo arkaa inuu taageero dhaqaalaha dagaalka Ruushka ee Ukraine.
Sidaas darteed, carqaladaynta hawlgalladaas Afrika waxay cadaadis ku saari kartaa isla nidaamka dhaqaale ee taageeraya dagaalka Ukraine.
Waxaa sidoo kale jira sabab kale oo toos ah. Dagaalyahanno badan oo Wagner ah oo Afrika ka hawlgala waxay khibrad dagaal ka heleen gudaha Ukraine, waxaana Kyiv ay ku eedaysaa qaar ka mid ah inay ku lug lahaayeen xadgudubyo iyo dambiyo dagaal oo halkaas ka dhacay.
Sida uu sheegay mid ka mid ah falanqeeyayaasha amniga Ukraine:
“Dambiilayaasha dagaalka ee Ruushka waa inay ogaadaan inaanay meel kasta oo adduunka ah ku nabadgeli doonin.”
Qoraalka Budanov wuxuu muujinayaa in mowqifkaas Ukraine uusan isbeddelin, isla markaana ay u badan tahay inuusan isbeddel ku imaan doonin mustaqbalka dhow.
W/Q: Ali Xildoon Falanqeeye arimaha amniga iyo Siyaasada