
16/07/2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ku dhawaaqay in uu gogol nabadeed dhigay magaalada Ceerigaabo taas oo loo fidiyey dhammaanba bulshada degta gobolka Sanaag.
Gogoshan ayuu Madaxweynuhu sheegay in lagu soo afjari doono colaadda, tabashada iyo wax kasta oo gobolkaas ka taagnaa muddooyinkii la soo dhaafay, isaga oo madax dhaqmeedka, culimada, haweeenka iyo dhallinyaradaba ugu baaqay in la taageero dedaalladan nabadda loogu raadinayo gobolka Sanaag.
Gallaydh TV