02/21/2026
Somaliland: Berbera oo noqonaysa Xarunta Tamarta la Cusboonaysiiyo ee Geeska Afrika.
Shirkadda Global South Utilities oo fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta, xubinna ka ah dalladda Resources Investment ee Abu Dhabi, ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u shaqo gelisay wershad tamarta qorraxda dhalisa oo ku xidhan xidhiidhka guud ee laydhka, taas oo leh awood dhan 5 Megawatt, kuna taal magaalada Berbera.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah daah-furka aragtida Berberada Cagaaran, oo ah hindise istiraatiiji ah oo ujeedkiisu yahay in nidaamka laydhka ee magaalada lagaga beddelo ku tiirsanaanta shidaalka naaftada loona wareejiyo tamata la cusboonaysiin karo oo ay taageerayaan hababka kaydinta tamarta ee baytariyada. Hindisahan ayaa xoojinaya maqaamka magaalada Berbera ay ku leedahay Gobolka Geeska Afrika oo ah xarun tusaale u ah isbeddelka dhinaca tamarta cagaaran.
Wershadan cusub ee tamarta qorraxda, oo ay weheliyaan khadadka gudbinta korontada oo dhererkoodu dhan yahay 11.2 kiiloomitir iyo saldhigyo kale oo farsamo, waxay laf-dhabar u tahay aragtida Berbera Green. Mashruucan ayaa si toos ah u taageeraya istiraatiijiyadda qaranka ee Somaliland ee qaybta laydhka iyo tamarta, isaga oo hiigsanaya ballaadhinta helitaanka koronto sugan oo la isku halayn karo, hoos u dhigista ku tiirsanaanta shidaalka laga soo dhoofiyo dibadda, iyo u guurista nidaam tamar nadiif ah oo waara, isla markaana qiimaheedu jaban yahay.
Waxaa la qiyaasayaa in wershadu ay sannadkii laga dhalin doono qiyaastii 10,000 Megawatt-saacadiiba oo tamar nadiif ah, taas oo ku filan baahida koronto ee ku dhow 28,000 oo guri, iyada oo kor u qaadaysa adeegga korontada ee dadka deegaanka, ganacsiyada, iyo hay’adaha magaalada.
Saamaynta deegaanka ee mashruucan ayaa ah mid muhiim ah, maadaama uu gacan ka gaysan doono dhimista qiyaastii 6,890 tan oo ah qiiqa kaarboon labo-oksaydhka sannad kasta, taas oo faa'iido weyn u leh cimilada iyo amniga tamarta.
Cali Al-Shammaari, oo ah Agaasimaha Maamulka iyo Madaxa Fulinta ee shirkadda Global South Utilities, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda laydhka ee Berbera, ayaa xaqiijiyay in aragtida Berbera Cagaaran ay tahay qaab-dhismeed habaysan oo Berbera looga dhigayo magaalada ugu horraysa ee adeegsata tamarta qorraxda oo leh kayd baytariyo ah, halka tamarta naaftada loo deyn doono oo keliya xaaladaha gurmadka ah ee degdegga ah.
Shirkadda Global South Utilities, oo leh 45% saamiyada Shirkadda Korontada Berbera, ayaa horseedaysa isbeddelkan iyada oo kaashanaysa dhinacyada ay khusayso ee deegaanka. Waqti xaadirkan, Shirkadda Korontada Berbera waxay maamushaa wershado tamar qorraxda ah oo awoodoodu gaadhayso 20.38 Megawatt iyo kayd baytari oo dhan 2 Megawatt-saacadiiba, iyada oo la rajeynayo in awoodda tamarta la cusboonaysiin karo ay labanlaabanto marka la gaadho sannadka 2027.
Maadaama ay Berbera tahay deked istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga iyo saadka ee Somaliland, kobaca tamarta nadiifka ah ayaa gacan ka gaysan doona in magaaladu noqoto xarun dhaqaale oo ku tartami karta heer gobol, iyadoo bixinaysa tamar raqiis ah oo joogto ah oo dhiirrigelisa maalgashiga iyo warshadaynta.
Mohamed DEEQ