08/15/2026
Naagta Ii Fur 😮😬
Dalka Turkey-ga waxa ka taagan sheeko yaab leh, waxa jira nin dalkaas u dhashay oo laga kari la'yahay xaaska Lucas Torriera oo Galatasaraay ka tirsan.
Dhawr bilood kahor ayay ahayd markii ninkaasi weerar gacan-ka-hadal ah ku qaaday Torriera isagoo ku mutay XABSI uu mudo ku jiray.
Maalmo kahor ayaa laga sii daayay xabsigii balse isla markiiba waxa uu farriin deg-deg ah u diray Lucas isaga oo yidhi "Waxaan dhammaystirayaa wixii aan bilaabay"
Sida ay sheegayso warbaahinta Turkey, Torreira ayaa ka codsaday wakiilkiisa inuu dalkaas deg-deg uga kaxeeyo kaddib farriintan hanjabaad ah.