ERAR TV Somali Journalist |based in Nairobi|
(1)

10/05/2026

Jabhadii TPLF oo lagu arkay meel aan laga filanin iyo Amhara dhaxdeeda.

Wasiirkii h**e ee Maaliyadda ee Xilka laga qaaday Dayib Ahmed Nuur ayaa qoraalkan Dowladda ki macasalaameeyay.Sanado bad...
10/05/2026

Wasiirkii h**e ee Maaliyadda ee Xilka laga qaaday Dayib Ahmed Nuur ayaa qoraalkan Dowladda ki macasalaameeyay.

Sanado badan oo aan bulshada u adeegayay kadib, waxaan ku faanayaa kuna mahadnaqayaa inaan taariikh xusuus mudan u keeno.

Waxa uu ahaa safar dheer oo macno leh, oo ay ka buuxaan khibrado qiimo badan, caqabado, guulo, iyo fursado aan ugu adeego bulshadayda.

Markaan arko shaqadayda bulshada, waxaan sidaas u sameeyaa dareen qoto dheer oo farxad, mahadnaq, iyo fulin.

Hadda waxaan rajaynayaa inaan galo bog cusub oo noloshayda ah, wakhti nasasho ah, tixraac, iyo inaan wakhti badan la qaato qoyskayga iyo kuwa aan jeclahay.

Waxaan aad ugu mahadnaqayaa qof kasta oo i taageeray iyo safarkan ila wadaagay. Sharaf iyo mudnaan ayay ii ahayd inaan u adeego.

10/04/2026

Aritrea oo Gobolka Tigray ku rakibtay Lidka diyaaradda iyo Xaaladda oo cakiran

Hadalhayntii ka dhalatay odaygii qurbajoogta ahaa hadalkii uu yidhi, ayuu faallo kaga bixiyay Siyaad Heersare, isagoo u ...
10/04/2026

Hadalhayntii ka dhalatay odaygii qurbajoogta ahaa hadalkii uu yidhi, ayuu faallo kaga bixiyay Siyaad Heersare, isagoo u garaabaya odayga waxa uu yidhi:

"Inta badan khudbadaha Jimcuhu si toos ah uma taabtaan xaaladda degaankaas ka jirta. Waana mid ka mid ah sababaha dhallinyaro badani fadhikudirirka ugu raagaan, si ay ugu beegaan xilliga salaadda oo qudha, iyagoo falanqaynaya arrimaha taagan. Dabadeed marka ay isdhahaan qudbaddii way dhammaatay ayay masaajidka galaan."

Adigu sideed u aragtaa?

10/04/2026

Caqabado Cusub oo horyaala Abiye Ahmed iyo Eritrea ka dib qabashadii Maqale.

 1. Xoogagga TPLF oo u wareegay dagaal dhuumaalaysi ah ka dib markii laga saaray magaalada Makele: TPLF iyo madaxdeedii ...
10/03/2026



1. Xoogagga TPLF oo u wareegay dagaal dhuumaalaysi ah ka dib markii laga saaray magaalada Makele: TPLF iyo madaxdeedii ayaa la sheegay inay u dhaqaaqeen xadka Eritrea si ay dib isugu soo abaabulaan.

2. Caqabadda uu wajahayo Isaias Afwerki: Haddii uu TPLF u oggolaado inay gudaha dalkiisaa gasho, waxay Itoobiya siin kartaa sabab ay ciidankeeda u galiso gudaha Eritrea.

3. Caqabadda Abiy Axmed: Abiy wuxuu wajahayaa laba doorasho oo adag: inuu ciidanka TPLF kaga daba tago gudaha Eritrea halkaasna uu ka billawdo dagaal labada dawladood ah ama uu sugo soo laabashadooda, taas oo siin karta TPLF waqti ay dib isugu abaabusho.

4. Saameynta gobolka: Suudaan iyo Masar ayaa iyaguna qayb ka ah xisaabta oo Itoobiya ku eedaysay inay taageerayaan isbahaysiga TPLF.

5. Ciidamo dheeraad ah oo aad u qalabaysan ayaa loo dhaqaajiyay dhinaca waqooyiga, taasoo aan la hubin inay u gudbayaan Eritrea.

Gunaanad:

Waxaa muuqata in dagaalku galay marxaladdii ugu khatarta badnayd. Haddii Eritrea ay TPLF siiso meel ay kaga soo duusho Itoobiya, waxaa kordhaya suurtagalnimada dagaal toos ah oo dhex mara Itoobiya iyo Eritrea.

Sida muuqatana dagaalkaas waxaa laga hortagi karaa haddii Isaias uu diido in TPLF saldhig ka samaysato gudaha Eritrea.

ERAR TV

10/03/2026

Ciidankii Getachow Reda oo is dagaalay iyo Uganda oo ethiopia garab istaagtay.

10/03/2026

Komishinka cusub ee Boliska DDS.

10/03/2026

Ciidamada Ethiopia oo la wareegay Madaxtooyadii Maqale oo Haawanaysa iyo Jabhadihii Meesha ay aadeen

Soo noqoshada Wasiirka Waxbarashada Mohamed Sheekh Aden waxaa sababay Isbadalkan Muuqda ee Natiijada Imtixaanka Ardayda,...
10/03/2026

Soo noqoshada Wasiirka Waxbarashada Mohamed Sheekh Aden waxaa sababay Isbadalkan Muuqda ee Natiijada Imtixaanka Ardayda, wasiirkee soo noqday oo wax qabadkiisu sababay.

Address

14605 34th Avenue N
Minneapolis, MN
55447

Telephone

+251915559955

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ERAR TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to ERAR TV:

Shortcuts

Share