Cajab Media

Cajab Media HOYGA ARIMAHA BULSHADA

07/26/2025

Qaar kamid ah cidamadi Maamulka jubland oo ku soo biiray kuwa DFS

07/26/2025

Cidamo cusub oo ku soo biray Cidamada DFS Ee Ku sugan Dagmada Balad Xawo.

WAR-SAXAAFADEED Jubbaland ka soobaxay ayaa sidaan u qornaa."Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka h...
07/25/2025

WAR-SAXAAFADEED Jubbaland ka soobaxay ayaa sidaan u qornaa.

"Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka hoobiyeyaasha ah
ee maanta lagu qaaday magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaana falkan
fuliyay ciidamo ku sugan Xerada UK ee duleedka Magaalada, kuwaas oo uu
eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud u adeegsanayo xasuuqa iyo barakicinta dadka
shacabka ah.

Weerarku oo loo adeegsaday hoobiyayaal laga soo tuuray xerada Uk, wuxuu si
toos ah ugu dhacay shacabka aan waxba galabsan, taas oo caddeyn u ah qorshe
gardarro ah oo si ula kac ah loogu beegsanayo dadka rayidka ah.

Weerarkan bahalnimada ah waxaa ku geeriyooday laba qof oo shacab ah, kuwaas
oo hoobiyayaashu ugu tageen iyagoo guryahooda jooga, iyadoo sidoo kale ay jiraan
dad kale oo dhaawacyo soo gaaray.

Ficillada noocan ah waa kuwo aan la aqbali karin isla markaana tariikhda u galay
eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud, waana mas’uuliyad dastuuri ah in Dowladda
Jubaland ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda.

Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Gobolka Gedo in ay gacmaha is qabsadaan,
midnimo muujiyaan, isla markaana ka hortagaan ficillada bahalnimada ah ee uu
wado eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud.

DHAMMAAD

07/25/2025

Dagmada balad xaawo waxa hada ka socdo dagaalkii u dhaxeyay Ciidamadii DFS iyo kuwa Jubaland.
Sida aan ka soo xiganay dadka deganka waxay noo shegen in uu digaalka bilowday xili ay dadka isku diyaarinayeen Salada Jicmada.
Intii dagaalka uu socday ayana isgaarsinta loo furay.

DEG DEG: Guddoomiye Ku-xigeenkii 1-aad ee h**e ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa lagu xayir...
07/24/2025

DEG DEG: Guddoomiye Ku-xigeenkii 1-aad ee h**e ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa lagu xayiray mudo 3-saacadood ah Garoonka diyaaraha Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Xildhibaan h**e Dalxa oo mudo dheer kusoo jiray Siyaasadda Soomaaliya mudo sedex bilood ahna Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf noqday Kusimaha Madaxweynaha ayaa u sheegay Shabelle in isagoo sii gelaya Nairobi ay Hey’adda Socdaalka Kenya ku xayirtay Garoonka sababo la xiriira Go’aano ka dhan ah Qadiyadii Badda oo uu soo saaray xiligii uu ka tirsanaa Baarlamaanada Jaamacada Carabta.

Hey’adda Socdaalka Kenya ayaa Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa hor dhigtay Liiska Madax iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo uu isagu ku jiro kuwaas oo Kenya ay xanibaad ka dhigtay Garoonka Joma Kenyatta.

Xildhibaan Dalxa ayaa Shabelle u sheegay Sidoo kale in Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Jibriil Cabdulle uu ugu yimid garoonka islamarkaana uu si adag ula dooday Hey’adda Socdaalka Kenya isagoo markii danbe ku guuleystay in uu kasii daayo Xildhibaan Dalxa.

Xildhibaan Dalxa Waa Siyaasi Soomaaliyeed oo midnimada iyo Qaranimadda kaalin mugleh kasoo qaatay islamarkaana ah aqoonyahan aad looga dhex qadariyo bulshadda Soomaaliyeed Dhexdeeda.

07/24/2025

Wasiir h**e Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in ciidanka ku sugan Baladxaawo oo bilaa xuquuqda ah uu dowladda oga keenaayo xuquuqda kamaqan iyo darajooyin.

07/24/2025

𝐃𝐄𝐆 𝐃𝐄𝐆 Xaaladda Markabka MV Sea World Hada Madaxtooyada Puntland ay war ka soo saartay

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta ...
07/23/2025

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada caddaaladda, dastuurka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Wasiir Xasan Macalin ayaa warbixin ka siiyay Mr. Swan howlaha uqabsoomay Gogosha Wada-tashiga Qaranka iyo qorsheyaasha socda ee la xiriira dhameystirka dastuurka iyo doorashooyinka dalka.

Update: Ciidamada Itoobiyo ayaa ka bilaabay kontaroolada laga soo galo magaalada Dolow  baritaano iyo hubin amni  oo dhe...
07/23/2025

Update: Ciidamada Itoobiyo ayaa ka bilaabay kontaroolada laga soo galo magaalada Dolow baritaano iyo hubin amni oo dheeri, waxayna ciidama dheeri ah geeyeen goobaha magaalada loga baxo. Iyago dabojoogo gadiid shalay ka baxay magaalada. ciidamada goobaha baritaan ujoogo ayaa heegan gaar ah lagaliyay Ciidamalo ka tirsan iyaga ayaa lagu arkayaya saaka oo ku sii qul-qulayo wadadda aaddo magaalada Baladxaawo.

07/23/2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa degmada Heliwaa ka dhagax-dhigay toddobo waddo, halka uu xarigga ka jaray toddobo kale.

Sida aan ka soo xiganeyno dadka deegaan Cidama jubaland aya xalay abar 8:00 jaray is gaarsiinta dagmada ayaga oo wali ay...
07/23/2025

Sida aan ka soo xiganeyno dadka deegaan Cidama jubaland aya xalay abar 8:00 jaray is gaarsiinta dagmada ayaga oo wali ay is hor fadhiyaan cidanka DFS sida wararka ay shegayan waxa lagu Hareereyay Cidamada DFS Xerada Uk oo ay ku sugnaayeen.
Walina wax isgaarsiin ah ma jiro dadka Deganka qaarkood waxa ay isticmalayaan Safaricom.
Xalada Dagmaduna waa ay dagan tahay hada.

07/22/2025

Wasiir h**e Cabdirashiid Janan ayaa shir jaraa'id ku qabtay magaalada Beled-Xaawo.

Address

Minneapolis, MN

Telephone

+252610559556

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cajab Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cajab Media:

Share