12/26/2024
DAGAAL SOKEEYE DIIDA
————————————-
Nacabkeed dab uu shiday iyana digo ku nooleyso
Dorraad weyl la dhacay iyo weligeed diyo ka sheekeyso
Daandaansi reer k**a kortoo dirir u xiisooto
Dabcigeennu Soomaaliyey waa ka sii daraye
Diredire haddaan u heellannahay gacal ku duulkiisa
Waxaan cadowga naga daahay aan daba rucleyneyno
Diiftuna xarrago noogu tahay dammani sow ma aha?