Xamar Cadeey

Xamar Cadeey Kobcinta Maskaxda,ka hor taga Xumaanta,Wacyi galinta Bulshada, iyo bandhiga ganacsiga

Xisaabta Qaldan ee Itoobiya, Xulufada Imaaraatka Iyo Xaqiiqada Soomaaliya✍️Elmi Osman Farah Boodhari👇✔️Riyada Itoobiya e...
02/26/2026

Xisaabta Qaldan ee Itoobiya, Xulufada Imaaraatka Iyo Xaqiiqada Soomaaliya✍️Elmi Osman Farah Boodhari👇

✔️Riyada Itoobiya ee ku aaddan galitaanka badda Soomaaliya oo soo noolaata

✔️Raadinta gooni u goosadoon badan oo sii xoogaysta Iyo Soo rogaalcelinta kooxaha Argagixisada

✔️Intaba waxay noqon karaan rajooyinka aan mala,awaal aheyn oo rumeynteedu ay ku xiran tahay Isbadel ku yimaada hogaanka Soomaaliya.

Raadinta Itoobiya ee helitaanka badda waxay ahayd safar dheer oo buuq badan taasoo lagu suntay kakanaanta xaaladihii uu wajahay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Iyo xeeladaha istaraatiijiyadeed ee uu kaga dabaashay

Talaabooyinkiisa geesinimada leh ee Isu-dheelitirka awoodda Geeska Afrika ee Madaxweyne Xasan - Laga bilaabo kor u qaadista militariga ilaa marinnada ganacsiga ee waaweyn Iyo dagaalka kaabayaasha dhaqaalaha qarsoon oo dhacaya waqtiga dhabta ah, Ilaa dhammaadka meesha aad u malaynayso in ciyaartan juqraafiyeed ee chess-ka ay ku socoto ayaa qeyb ka ah Sababaha qasbaya sii joogitaanka talada Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamud, Iyadoo dhinaca kale ay jirto hubanti la,aanta laga qabo siyaasiinta xulufada dhow la ah Imaaraatka carabta kuwaas hadaba bilaabay inay ka sii deyriyaan wax walba oo horumar Amni,siyaaysad iyo dhaqaale ee dalku ku talaabsaday kadib ku soo laabashadii xukunka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee 4 sano ka hor.

📌Xulufada Imaaraatka" Dabin Siyaasadeed oo Soomaaliya loo daadiyay !!

Waxaa laga yaabaa in siday oo kale aad Isweeydiineysid nooca caddaaladdeed ee u oggolaanaya 80 milyan oo Itoobiyaan kala luuqado, diimo, iyo dhaqamo ah inay midoobaan oo kala qaybinaysa 20 milyan oo Soomaali ah oo isku Af, diin, iyo dhaqan ah.

Jawaabtu waa mid fudud Isku dayada wax ka badel lagu sameeyo joqoraafiga siyaasadeed ee Soomaaliya si loo dhaawaco midnimada iyo wadajirkooda dhuleed waxaa horkacaya siyaasiin fulinaya ajandayaal shisheeye oo laga quudiyo dariishada dhaqaale ee Imaaraatka Carabta, kuwaas ooy ugu horeeyaan hogaamiyaasha maamulada Putland Iyo Somaliland, Inkastoo Diidamada ugu weeyn ee hortaagan ay tahay Ummad horey u socod ah oo dooneysa inay ka soo kabato haarihii burburka.

Qoto-dheerida khilaafyada taariikhiga ah iyo kuwa dublamaasiyaddeed ee Gobolka geeska Afrika ooy ka jiraan xafiiltan ay ku lug leeyihiin khuwado shisheeye ayaa sii wada dareen kobcinaya Soomaaliyada dagalka ugu jirta difaaca Istaraatijaddeeda joqoraafi bad ,dhul iyo siyaasad kaas oo inaba aan ogoleeyn in ay howl u dirsato hogaamiye daris damac badan ugu yeera "Big Brother"ama siyaasada ugu jira dano shisheeye.

Kuwa hada ay la foolxun tahay horumarka amni dhaqaale iyo siyaasadeed, ee dalku gaaray, Islamarkaasna uu huguri uga jiro xukunka isweydii waxa hadhow laga filan karo oo aan aheyn in ay noqdaan xujooyinka ugu adag ee bari u baahan in uu dalku la lagatamo sidii looga gudbi lahaa.

Ka Ilaalinta Soomaaliya in aysan ku Iman Isbadel Joqoraafiyadeed ayaa dhexmartay sheeko ku calaamadeysan hoos u dhigista awoodda dibolmaasiyadeed ee Itoobiya oo dhiirigalineysay mudo dheer aragtida Gooni-u-goosadoonka gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya ee Somaliland.
📌Xeeladaha Xasan Shiikh Iyo Xisabaata Qaldan ee Itoobiya

Xasan Sheekh waxa uu Ilka la,aan dhigay Itoobiya oo isku haleynteeda raadinta bada Soomaaliya iin mudo ahba ka dhiganeysay aqoonsi ay Adis-ababa siiso gooni u goosadka gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya ee Somaliland

Hada Adis-ababa waxay ogsoon tahay in Tallaabo kasta ooy ku taageereyso kala qaybinta deriskeeda Soomaaliya in ay tahay mid si dhakhso ah looga dalaban karo gudaha oo dhiirigalineysa halganada Madaxbannaani doonka ah ee Qowmiyadaha Tigray iyo Amxaarada, oo dagaal wadajir ah kula jira maamulka Abiy.

Sidaas aawgeed taaageerada kala goynta meel kale ooy ku lug leedahay Adis-ababa k**a badbaadi karto Itoobiya inay u horseedo kala go,id xaqiiqo ah

Adeyga duruufaha qalafsan ee maanta ku hareereysan dalkeena oo lagu daray tilmaamaha xaqiiqooyin sheegeysa in xeyndaabka siyaasada Soomaaliya uusan ku jirin hogaamiye sida Xasan Shiikh fahamsan soo afjarista Xisabaata Qaldan ee Itoobiya ayaa ah arin tixgalinteeda leh oo dib ugu noqoneysa 2024-tii iyo sida Madaxweyne Xasan uga hortagay xadgudubkii MOU-ga.

Soomaaliya ayaa Albaabada ka soo xirtay Rajadii badraadinta toobiya Iyo Riyadii gooni-u-goosadka Iyadoo rucla orodka badeed ee Itoobiya ee ku aadan biyaheena uu ahaa mid xoogeeystay intii lagu jiray 2018-kii markaas oo Abiy axmed uu Farmaajo ka sixiiday maalgashi Adisababa ay ku sameeysato 4 dakadood.

Fudeeydka helitaanka Dakadahaas oo ay riixeeysay Imaaraatka Carabta ayaa Itoobiya ku dhiiragalisay dhismaha Ciidan badeed oo Faransiisku ka caawiyay, laakiin Isbadelkii Soomaaliya ee Talada dalka ku soo celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dagaal adag la gashay sidii ay meesha uga saari laheyd damaca galintii Farmaajo ee Itoobiya ku soo jeediyay bada Soomaaliya

📌Maxaa Nala Gudboon ?

Soomaaliya oo hoos u dhigitay rabshadihii Argagixisada ee dilalka Iyo qaraxyada ayaa lskaashi difaac iyo mid dhaqaale ooy ku jirto ilaalinta bada la gashayTurkiga taas oo abuurtay fursad uu dalku sii fiiriyo yoolalka horumar Mustaqbal oo 230-ka ah oo qeyb ka ah qodosita shidaalka, xili Itoobiya ay dhexda uga jirto Colaado salka ku haya halgano ay gooni-isu-taagg ku raadinayaan qowmiyadaha Tigray-ka Iyo Amxaarada.

Imaaraatka carabta Iyo Itoobiya ayaa ku soo daray Israel loolanka geeska Afrika Iyadoo Soomaaliya oo Isu diyaarineysa inay gasho xili kala guur ah aysan u baahneyn Isbadel ma dhaleys ah

Dib u soo kicinta khilaaf cusub oo badeed oo uu baryahan hadalhayo reysilwasaaraha Itoobiya kadib aqoonsigii xadgubka ahaa ee Israel ayaa soo muuqday Iyadoo Xeebaha Soomaaliya ay noqotay xarunta isku dhacyada siyaasadeed ee aadka u sareeya

Isku soo duub Soomaaliya waxaa la gudboon ku sii socoshada wadadeeda horumarka inay ka wareejiso qodxaha daadsan, xili ay jiraan dad ka digaya suurtagalnimada waxa walba Inay u laabaan karaan meel ka sii fog halkii laga keenay hadii uusan dalku ku guuleeysan in uu sii heysto Madaxweyne Xasan Shiikh oo aan talada loo deyn.

02/14/2026

marka aad qaaday talaabo kasta oo aad dalkaaga iyo dadkaaga ku curyaamin karto, adigoo la saftay cadow kasta oo ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin, habeen iyo maalin ka shaqaynayay kala-qaybin iyo abuurista naceyb qabiil, oo aan qarsanayn? Qofkaas baa doonaya inuu dalka madaxweyne ka noqdo.

02/12/2026

Caawa iyo Saciid Deni, Rabitaankiisa kursiga dalka iyo Aflagaadeynta Caasimadda Muqdisho! Warbixin aan caadi ahayn. Daawo oo Xog badan.

02/04/2026

Ereyadu u horseeday inay noqdeen Hiil iyo Awood: Khudbaddii Guusha Keentay ee Dr. Maryan Qaasim

09/16/2025

Qosol iguma harin 😂😂😂

Gabadhaan ayaa tidhi "Ninkaaga haddii aad ka dambaysid waxaad noqoneysaa boqorad, Ninkaaga oo aad ka dambaysid amarkiisa...
08/22/2025

Gabadhaan ayaa tidhi "Ninkaaga haddii aad ka dambaysid waxaad noqoneysaa boqorad, Ninkaaga oo aad ka dambaysid amarkiisana aad qaadatid dulli laguma noqdo lagumana karaamo seego ee taa baddalkeeda waxaad ka helaysaa sharaf, wanaag, qurux iyo faa'iidooyin tiro beel ah.

Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa waxay aaminsanyihiin gabadhii ninkeeda ka dambaysa ee karaameysa in ay nin Caabud tahay, maya wallaahi, Ninka adiga ku qaba oo aad ixtiraamto waxaad ku gaareysaa darajo sare, sidoo kale gabdhaha caayaya kuwa Ninkooda ka dambeeya, waxay khilaafayaan ama ay la imaanayaan wax diinteena lid ku ah, Ninka in la wanaajiyo oo amarkiisana la adeeco Nabiga (scw) ayaa tilmaamay."

Gabadhaa maxaa tiraahdeen?

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay ma...
04/24/2025

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.

1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".

2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa".

3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".

4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".

5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?

6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".

7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".

9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen ".

10- " Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ".

11- " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13- " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka horeeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan ".

14- " Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin ".

15- " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya ah kuwa ugu hurdada yar ".

16- " Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo ".

17- " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo ".

18- " Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka ".

19- "In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon ".

20- "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib ".

WQ: Daarul Maqaam.

Sheekh Cali Suufi Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ahaa Aabihii Baraaruga aqoonta qotada dheer ee Quraanka geeska Africa. ...
04/07/2025

Sheekh Cali Suufi Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ahaa Aabihii Baraaruga aqoonta qotada dheer ee Quraanka geeska Africa. maanta mirihiisii iyo tacabkii uu geliyey diinta waxaa kafaa’iiday kumanaan arday ah.

Sheekh Cali Suufi wuxuu caan ku ahaa Dadaalka iyo Hirgalinta dhaqanka Diinka Alle inta uu awoodayo,

Sheekhu waxuu ahaa Nin cibaado badan qur’aanka iyo Sunnada ku adag. sida uu sheegay wiilkiisa Cabdirashiid Cali Suufi.

Sheekh Cali Suufi wuxuu ahaa ruux Ducadiisa la aqbalo waxaana tusaale nool u ah inuu ugu duceeyay Sheikh Cabdirashiid oo markaasi aad u da’ yaraa inuu Codkiisu Caalamka gaadho. Waana laga aqbalay oo maanta Cabdirashiid Cali Suufi waxuu kujiraa culimada dunida islaamka lagadhagaysto.

01/15/2025

SICIR BARARKA DALKA KA JIRA:WUXUU DHALINYARADA MAALIN CADEEY KU DHIIRADEEN INAY NEEF ARI BAJAAJ KULA CARARAAN.

Hilibka Idaha vs. Hilibka Riyaha=========================Dad badan oo laga yaabo in ay ku jiraan qaar sheeganaya in ay d...
11/10/2024

Hilibka Idaha vs. Hilibka Riyaha
=========================

Dad badan oo laga yaabo in ay ku jiraan qaar sheeganaya in ay dhakhaatiir yihiin waxay isugu sheekeeyaan in hilibka idaha iyo baruurtooda ay ka caafimaad badan tahay hilibka riyaha iyo baruurtooda.

Aan isu barbar dhigno haddaba:

Protein - 100 g oo hilib ah:
Riyaha: 27 g
Idaha: 24 g

Fat - 100 g oo hilib ah:
Riyaha: 3 g
Idaha: 16 to 20 g

Cholesterol - 100 g oo hilib ah:
Riyaha ~ 75 mg
Idaha ~ 90 mg

Minerals content - 100 g oo hilib ah:
Riyaha: iron (3.7 mg), zinc (5.27 mg), potassium (400 mg), calcium (17 mg), phosphorus (201 mg)

Idaha: iron (1.6 mg), zinc (4.0 mg), potassium (370 mg), calcium (12 mg), phosphorus (200 mg)

Marka aad isu eegtid cabbiradaas oo dhan waxaad arkaysaa in hilibka riyaha uu ka caafimaad badan yahay kan idaha.

Dadka qaba wadna xanuunka, dhiigoodana subagu ku badan yahay yaan la lugoyn haddii aan wax la tarayn ...

Do no harm ...Xigasho Dr-Mohamoud A Mohamoud

SHEEKADA GABAR AAD U QIIMA BADAN SHARAF IYO KARAAMO KORKAAGA HA AHAATO EE H**E U SOCODhaqankaaba waxaay tiri"Qoraalka wa...
10/31/2024

SHEEKADA GABAR AAD U QIIMA BADAN SHARAF IYO KARAAMO KORKAAGA HA AHAATO EE H**E U SOCO

Dhaqankaaba waxaay tiri"Qoraalka waa dardaaran geeridayda la itusay waliba anigoo qolo xabad igu dhufaneyso dhawr mar caawa waan iskiin barayey kolay geerida waa xaq waana waajib in lagu tashado rabbi jannooyinkiisa hanagu kulmiyo.

Waxaay kaloo tiri "Qofkaan ahay iyo halka aan nolasha kasoo bilaabay
2013 wariye
2014 wariye
2015 ganacsato gobal kunool
2016 ganacsato gobal kunool
2017 ganacsato muqdisho kunool
2018 ganacsato muqdisho kunool
2019 ganacsato muqdisho kunool
2020 waxaa iga qasaaray ganacsigaygii oo dhan dayman bangi iyo badeecadii oo socon wayday darteed🥺
2021 YouTuber baadiyaha kunool
2022 YouTuber baadiyaha kunool
2023 YouTuber baadiyaha kunool
2024 ganacsato gaartay
heerka ay 2015 kufakirtay

Waxaa intaas ii dheer xirfadaha aan bartay iyo ganacsigaba majirin cid ugu garab qabatay oo aan kahelay wax bilaash ah midkasta anigaa bilaabanayey madaama aan ahaa rajo iyo agoon lamood markay hooyaday dhimatay ayaan go aan saday ehel kayga inaan aniga wax taro maahane inaan baahidayda usheegan oo isku filnaado daruuf iyo caqabado badan kadib alxamdulilaah maanta waan noqday
qof iskufilan ehelkeedana waxtari karta
waxaan idinkugu sheegayaa nolashayda in dhalinyaro badan tusaale iga dhigtaan
ugu danbayn ilahay talo saaro cidna hakutashan oo waqtiga yuusan kaaga lumin yaa icaawinaya sidookale haquusan oo marba irid garaac markay mid kaa xirmato aaqirka mid ayaa kufurmaya sidookale diintaada ilaasho waxa aad tabcayso iska hubi xalaal miyaa

Intaas waxaa iidheer soomaali jacayl majiro qabiil aan necbahay iyo mid aan u arko inuu laandheere yahay way iisiman yihiin soomaalida iyo deegaamadoodaba
ugu danbayn hadaan dhinto isooduceeya markaan qalbigiina kusoodhaco sidookale hadaan aduunka heer kagaaro oo soomaali magac usoojiido reer gaara yeysan igu faanin sababtoo ah heerkaan soomaalinimo ayaan kusoogaray🥰🥰

Waa Gabar Wanagsan Allah Ha Guuleyo

10/26/2024

SIYAASADA ARIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA:CASHIRKA 1AAD PROFESSOR BURSALIID

Address

Minneapolis, MN

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xamar Cadeey posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share