06/14/2024
Maalinka 9aad ee bisha Carafo ( يوم عرفة ) Waa maalin aad u Qiimo badan, Waa maalinki Rabbi dhamaystiray Nicmadiisa iyo diinka islaamka, Waa Maalinkii Rabbi ku dhaartay:
( وشاهد ومشهود )
Shaahidka Waxaa lagu fasiray Maalinka jumcaha, Mash-huudkana Waxaa Lagu fasiray Maalinka Carafo
( والشفع والوتر )
Shafciga Waxaa Lagu fasiray Maalinka Naxriga ( يوم الأضحى),Watrigana Waxaa lagu fasiray Maalinka carafo.
Soomka Maalinkaas La soomo rabbi wuxuu ku dhaafaa 2 sano danbigeeda, danbigaas Oo loola jeedo ( صغائر الذنوب ), ammaa dunuubta Waawayn Taasi Waxay kaaga baahantahay Toobad keen gooni ah.
Duco La ducaysto Tan ugu khayrka badan Waa ducada maalinka Carafo sida uu Nabigu ﷺ
Tilmaamay:
( خير الدعاء دعاء يوم عرفة )
Maalinka Carafo Waa maalin ilaahay adoomada u danbi dhaafo, Naartana uu ka Xoreeyo, dadka banka Carfo taagana uu ku faano.
( ما من يوم أكثر من أن يعتق الله فيه عبدا من النار من يوم عرفة، وإنه ليدنو ثم يباهي بهم الملائكة فيقول: ما أراد هؤلا؟ انظروا إلى عبادي أتوني شعثا غبرا.)
Maxaan uga faaidaysan karnaa Maalinkaas qiimaha badan ?!
1- in aan Soomno
2- Xuska Alle Oo aan afka laga qaadin
3- istiqfaarta Oo la daldalo
4- ducada Oo Lagu dadaalo
5- Nabiga ﷺ Oo Lagu Salliyo
6- Xubnaha Oo Laga ilaaliyo Macaasida
7- Khatmo Qur,aan ah
1- Maalinka carafo Waxa uu dhex dhacaa bil Xormad leh Oo ah Bisha carafo( ذي الحجة ), Waxaana ka Horreeya Bil Xormad leh Oo ah Sidataal( ذي القعدة )Waxaana Ka danbeeya Bil Xormad leh Oo ah Sako ( شهر الله المحرم ) , Lkn maalinka Caashuuraa bil Xormad leh k**a danbayso.
2- Soomka Maalinka Carafo Wuxu ka mid yahay Khasaaista sharcigeenna Lkns Soomka Maalinka caashuura Wuxuu ka mid ahaa Sharcigii Lagu soo dajiyay Nabi Muuse - عليه السلام - Sidaas darteeda waxaa Laba jubaarmay Soomka maalinka carafo Barakada nabi muxammad ﷺ darteed.
Walal Sii Gaarsii Asxaabtaada👉