24/09/2026
🚨War Cusub:
Taageerayaal ka tirsan Gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, oo ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo xubno ka tirsan maamulka, ayaa maanta isu-soo-bax ka dhigay afaafka h**e ee Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, iyagoo ka hadlayay arrinta aqoonsiga iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka.
Hase yeeshee, waxaa muhiim ah in bulshada Soomaaliyeed ay qalbiga ku hayso in khilaafka siyaasadeed uusan noqon sabab lagu kala fogeeyo ummadda Soomaaliyeed. Kala aragti duwanaansho waa la yeelan karaa, balse midnimada Soomaaliya iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed waa qaranimo jiil walba looga baahan yahay inuu ilaaliyo.
🇸🇴 Soomaaliya waa dal iyo ummad leh taariikh, dhaqan iyo xiriir bulsho oo mideeya dadkeeda. Mustaqbalka waxaa lagu dhisaa wada-hadal, isfaham iyo ilaalinta midnimada dalka ee laguma dhiso kala-qaybin.
Global Intel Somali | Fahamka Dunida. Falanqeeya Dhacdooyinka.