Abdirahman Isse

Abdirahman Isse Fadlan Follow dheh

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelada, qaraabada, bahda fanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Sooma...
07/31/2026

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelada, qaraabada, bahda fanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee fanaankii weynaa Axmed Cali Cigaal.

Waxa uu ahaa hal-abuur iyo fanaan raad weyn ku reebay fanka Soomaaliyeed, heesihiisii iyo hibadiisiina waxay ku sii noolaan doontaa quluubta dadka.

Si gaar ah waxaan ugu tacsiyaynayaa eheladi marxuumka ilaahay samir iyo imaan ha idinka siiyo hana u naxariisto.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Innaa lilaahi wa innaa ilahayhi Raajicuun.Shil ka dhacay Inta u Dhaxaysa Qabri-bayax iyo Gilo ayaa sababay Dhimasho iyo ...
07/19/2026

Innaa lilaahi wa innaa ilahayhi Raajicuun.

Shil ka dhacay Inta u Dhaxaysa Qabri-bayax iyo Gilo ayaa sababay Dhimasho iyo Dhawac .iyadoo tirada Dhimashada la sheegay inay gaadhayso 12 qof.

Shilkan ayaa Dhacay kadib markay isku Dhaceen Gaadhi Azuuzi oo jaadle ah iyo Bajaaj nooca loo yaqaano Forsida.

Innaa lilaahi wa innaa ilahayhi Raajicuun Rabbi ha u naxariisto Dadka ku dhintay inta Dhawaca ahna Rabbi ha u boogo Dhayo.

Alle ha u naxariistee, halgamaa Xaaji Cali Cabdille Fiixiye (Cali Shucaac) ayaa galabta lagu aasay xabaalaha ku yaalla d...
07/12/2026

Alle ha u naxariistee, halgamaa Xaaji Cali Cabdille Fiixiye (Cali Shucaac) ayaa galabta lagu aasay xabaalaha ku yaalla duleedka magaalada Jigjiga.

Aaska marxuumka waxaa ka qayb galay Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda deegaanka, iyo dadweyne tiro badan.

Marxuum Xaaji Cali Cabdille Fiixiye wuxuu taariikh mug leh ku lahaa bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa halgamaa, suugaan-yahan iyo aftahan caan ah oo si weyn uga shaqeeyey nabadda, midnimada iyo isu soo dhawaynta bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, oo tacsi u diray ehelka, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in marxuumku inta badan noloshiisa u huray waddaniyad, u adeegidda bulshada iyo ka shaqaynta danta guud.

Alle ha u naxariisto marxuumka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Naxariistii jano alle hakaa waraabiyo adeer Cali shoocaac😭Wuxuu lahaa taariikh iyo sumcad wayn iyo halgan dheer oo usoo ...
07/10/2026

Naxariistii jano alle hakaa waraabiyo adeer Cali shoocaac😭

Wuxuu lahaa taariikh iyo sumcad wayn iyo halgan dheer oo usoo galay shacabka Soomali Galbeed iyo guud ahaanba Soomali. Wuxuu ahaa helyeey hadal cad oo xaqiiqada ku adima oo ehelu salaat ah.

Adeer naxariistii jano alle hakaa waraabiyo.😭🤲

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa soo Gaadhay magaalada Jigjiga oo Galabta ay ka dhacayso ciyaarita ...
07/10/2026

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa soo Gaadhay magaalada Jigjiga oo Galabta ay ka dhacayso ciyaarita Final-ka ee ee Goballada Siti iyo shabeelle ee DDS.

Waxaana Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu horeeyo wasiir ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha DDS Mudane Cabdirisaaq Sayid, iyo duqa caasimadda Inj. shaafi Axmed.

Garsooraha Soomaaliyeed Ee Cumar Abdikadir Artan ayaa la filaya inuu dhex-dhexaadiyo ciyaarta k**a dambaysta ah ee Gobol...
07/08/2026

Garsooraha Soomaaliyeed Ee Cumar Abdikadir Artan ayaa la filaya inuu dhex-dhexaadiyo ciyaarta k**a dambaysta ah ee Gobolka Sitti iyo Gobolka Shabelle oo ka dhici doonta maalinka Jimcaha garoonka kubada cagta ee magaalada Jigjiga .

WAR DEGDEG AH: Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay natiijada kasoo baxday doorashada Deegaanka, sidan ayayna xisbiyadii ku l...
06/21/2026

WAR DEGDEG AH: Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay natiijada kasoo baxday doorashada Deegaanka, sidan ayayna xisbiyadii ku loolamayay doorashada Deegaanku ay u kala heleen Xildhibaanada cusub ee Deegaanka Soomaalida.

Xisbiga barwaaqo. 214 xildhibaan.

Xisbiga ONLF 20 xildhibaan.

Xisbiga FEP. 12 xildhibaan.

Somali Federalist Party. 2 xildhibaan.

Fiiro gaara Tirada guud ee xildhibaanada Deegaanku waa 274 xildhibaan, weli waxaa jira xildhibaano dhiman oo aan la shaacin iyo goobo dib loogu celinayo doorashada.

Xisbiga Barwaaqo ayaa ku guuleystay 438 kursi oo Golaha Wakiillada Shacabka ah Doorashadii Guud ee 7-aadGuddiga Doorasho...
06/21/2026

Xisbiga Barwaaqo ayaa ku guuleystay 438 kursi oo Golaha Wakiillada Shacabka ah Doorashadii Guud ee 7-aad

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa shaaciyey natiijada guud ee Doorashadii Guud ee 7-aad ee dalka, taas oo la qabtay 24-ka Ginbot.

Sheekh C/risaaq Xaashi oo kamid ah Culimada Maraykanka gaar ahaan Minneapolis ahna iimaamka Masjidka Abubakar As-Saddiqu...
06/12/2026

Sheekh C/risaaq Xaashi oo kamid ah Culimada Maraykanka gaar ahaan Minneapolis ahna iimaamka Masjidka Abubakar As-Saddique Islamic Center ee Minneapolis oo booqday Xarunta Dalxiiska Shabeeley ayaa yidhi Shabeeley waa lagu doogsaday oo waa goob Dalxiis oo qurux badan.
Sheekha oo kusugan Xarunta DDS ee Jigjiga muxaadirooyina kuqabtay ayaa sheegay in Horumar fiican kajiro Deegaanka mar uu booqanayay gudaha jigjiga.

Maanta, FBI Minneapolis iyo hay’adaha kale ee federaalka ayaa ku dhawaaqay in la qabtay Said Abdullahi Ereg, kaas oo noq...
06/11/2026

Maanta, FBI Minneapolis iyo hay’adaha kale ee federaalka ayaa ku dhawaaqay in la qabtay Said Abdullahi Ereg, kaas oo noqday qofkii ugu horreeyay ee lagu soo qabto liiska cusub ee FBI-da ee Most Wanted Fraudsters.

“Qabashada maanta ee Said Abdullahi Ereg, oo ahaa baxsad ku jiray liiska FBI-da ee Most Wanted Fraudsters, Ereg wuxuu ka mid ahaa siddeed qof oo lagu daray liiskan cusub lix maalmood ka hor, wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee la qabto,” ayuu yiri Agaasimaha FBI Minneapolis, Christopher D. Dotson.

Akhri Warbixinta Buuxda:
https://www.justice.gov/usao-mn/pr/man-surrenders-role-feeding-our-future-fraud-scheme.

Address

5250 Annapolis Lane
Minneapolis, MN
55446

Telephone

+251924196958

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirahman Isse posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdirahman Isse:

Shortcuts

Share

Category