Xogta shacabka Somali galbeed

Xogta shacabka Somali galbeed Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xogta shacabka Somali galbeed, Media, Minneapolis, MN.

05/17/2025

Inaan Afdheer Garaacno Waan ku faraxsannahay macalinka Gobolka Faafan oo maanta 3: 1 kaga badiyay afdheer

"Cabdiqaadir ibraahim Aadan Oo Kamid Ahaa Shaqaaalaha Wakaalada Biyaha MMJ Ayaa Shaqadii Iska Casilay kadib Markii Shaqa...
05/17/2025

"Cabdiqaadir ibraahim Aadan Oo Kamid Ahaa Shaqaaalaha Wakaalada Biyaha MMJ Ayaa Shaqadii Iska Casilay kadib Markii Shaqadiisii Loo Madax Banayn Waayey Faragalin Iyo Culays Kala Kulmay Qaybtii Uu Ka Shaqaynayey, Masuulkii Xafiiska Biyaha ugu Sareeyeyna Uu Cabashadiisa Waxba Ka Qaban Waayey, iscasilaadan Waxay Tusaale utahay Cadaalad Darada Iyo Kala Danbayn la'aanta Kajirta Xafiiska Biyaha MMJ.

( Asc aniga oo ah Abdikadir Ibrahim Aden sida warqada sare ku xusan ayaan waxaan go,aansaday shaqadii aan ka hayey Wakalada biyaha MMJ gaar ahaan Branchiga dudahidi inaan katagay shaqadii markaan cabashadayda lawadagay Tiraba dhowr masuuliyiinta xafiiska ugu sareysa waxna ay ka qaban waayeen cabashadayda
Wabilahi Towfiiq!)

Xigasho Wabax Media

05/16/2025

Wiil Soomaali Ah Oo Bilada Geesinimada Lagu Gudoonsiiyey Dalka Germalka🇩🇪.

Kawarama Garsooraha Shan Sano Ku Xukumay Comments Ayaad Qortay Ibrahin Abdikadir  Kaas Miyaa La Odhan Karaan Waa Hayad G...
05/16/2025

Kawarama Garsooraha Shan Sano Ku Xukumay Comments Ayaad Qortay Ibrahin Abdikadir
Kaas Miyaa La Odhan Karaan Waa Hayad Garsoor oo Madaxbanaan mise Cadalad Miyaa loo Donan Karaa?

"Shacabaaw Yaa Kicin Bulsho Iyo Isku Dir Wada Oo Sharciga Jabiyey....? Caqligiinu Ha Shaqeeyo Labadaas Fariimood Akhri 🧠...
05/16/2025

"Shacabaaw Yaa Kicin Bulsho Iyo Isku Dir Wada Oo Sharciga Jabiyey....? Caqligiinu Ha Shaqeeyo Labadaas Fariimood Akhri 🧠..👇

"Maxkamada Heer Deegaanka Ayaa Ibrahim Cabdiqadir Ku Xukuntay 1,825 Maalmood Oo Udhiganta 5Sano Oo Xadhiga Ah.

Ibrahim Wuxuu Xadhiga Ku Mutaystay Cabasho, Faalo Ama Comment uu Kaga Hadlayey Dilkii Shaafici Yare (AUN).

"Intaa Ma isla fahanay, Dhankale Fiiri..
"Aidrus Ahmed Abdi oo wata sharci shisheeye oo aan ahayn mid Itoobiyaan ah oo si bareer ah ugu baaqaya kicin shacab, toosna ugula hadlaya reerkooda inay lacagtooda kala baxaan bangi si sharci ah uga diiwaangashan Dowladda Federaalka Itoobiya Ee (E Sahal), iyo isku dir beelo soomaaliyadna, oo ah mid khatar ku ah wada noolaasha bulshada, oo si toos ah u beegsanaya xasilloonida,dhaqaalaha dalka, iyo deegaankaba — dhamaantood fal dambiyeed xeerar iyo qawaaniin cad ka yaalaan— wuxuu dagan yahay Madaxtooyada deegaanka. Waa nin halyay oo Xukuumaddiisa diffacaaya..

Bal labadaas is qabadsiiya soomaalaay!!

Dawladaas shacabkeeda ugu kala qabyaaladaynaysa ee midkii cabashada wadayna ku shaambaynaysa kicin bulsho, kii kicinta bulshada wadayna halyeey u aragta ayaa lagu lee yahay waa dawlada.

Shacabaw ba’ow, Caqliga ka shaqaysiiya.

Xigasho..

Wabax Media

05/12/2025

Dr Abdiwasac: "Dhaqanka waa inaan la siyaasadeyn loona daaya Shaqadooda."

"Hay’adaha dhaqanka, gaar ahaan odayaasha, waxay door muhiim ah ka ciyaaraan ka hortagga, maaraynta, iyo xallinta khilaafaadka ka dhaca guud ahaan Itoobiya. Waa lama huraan in la aqoonsado lana adeegsado hababka dhaqameed ee xalinta khilaafaadka iyadoo barbar socda taageerada hay’adaha Dowligga ah."

" Si kastaba ha ahaatee, waa in la adeegsanayaa si dabiici ah oo ku salleysan dhaqanka, lagana fogaadaa in la siyaasadeeyo ama la maamulo si dan gaar ah loogu fuliyo. Ilaalinta madaxbannaanida iyo daahfurnaanta hay’adahan waa furaha guushooda iyo door muuqda oo ay ka qaataan dhismaha nabadda waarta."

"Markay Kalsooni hellaan ee dadka kasbadaan ayay dhaqanku wax xalin karaan.." ayuu yidhi Dr Abdiwasac, oo waraysi siiyay Warbaahknta FANA ee Dowladda.

Ayaan Gabagabo Dhaawac Halisa Soo Gaadhay Kadib Weerar Lagu Qaaday Xafiiska ONLFAyaan Maxamed Xasan (Ayaan Gabagabo), oo...
04/24/2025

Ayaan Gabagabo Dhaawac Halisa Soo Gaadhay Kadib Weerar Lagu Qaaday Xafiiska ONLF

Ayaan Maxamed Xasan (Ayaan Gabagabo), oo ka tirsan bahda suugaanta ee ONLF, ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Kaaramardha kadib jidh-dil culus oo ay u geysteen ciidamo weeraray xafiiska jwxo ee jijiga galabta.

04/24/2025

Tabtaas uu Maanta Mustafa Omer Cagjar u Dhahay Wiilkii Yaraa ee Shaafici uu iska Dhintay Ayaa Walaalkiina Loo yidhi uu iska Dhintay
Mustafe Sida aan Looga Dhaadhicinayn in Walaalkii iska Dhintay oon La Dilin Ayaa Ehelka Shaafici iyo Soomaali midna Looga Dhaadhicin Karayn.

04/04/2025

Oromo Ka Guur Oo Soomaali U Guur✔
Balanteenu Waa E-Sahal Wallet 💼🫂♥️

04/04/2025

Shirka wadatashiga qurbjoogta Qabri bayax ee lagaga tashanayay samata-bixinta aayaha Bulshada sida:-

1. Canbaaraynta dilalka lagu hayo shacabka ee ay u gaysanayaan Finastu magaalada dhexdeeda.iyada oo Ayna Gobolada Kale Iyo degmooyinka Kale Ee Deegaanku La Qabin dhibaatada Finaasta Kp Kali kutahay.
2. Hormar la’aanta kajirta Qabri bayax.
3. Matalaad xumada haysata Bulshada.

Si guud dhibaatadaa jirta waxaa masuulayadeeda leh Xukuumada DDS

‏Ramadaan Kariim dhammaan umadda Soomaaliyeed meelkasto aad joogtaan. Ilaahay ha aqbalo soonkiinna iyo cibaadadeenna bis...
02/28/2025

‏Ramadaan Kariim dhammaan umadda Soomaaliyeed meelkasto aad joogtaan. Ilaahay ha aqbalo soonkiinna iyo cibaadadeenna bishan barakaysan.

Ramadan Mubarak to all! May this month bring you peace and blessings.

كل عام وأنتم بخير بمناسبة حلول شهر رمضان المبارك، أسأل الله أن يتقبل صيامكم وقيامكم، ويجعلنا وإياكم من عتقائه في هذا الشهر الفضيل.

01/11/2025

Xuska sannadguurada 7aad ee ururka Dulmidiid oo Jigjiga lagu qabtay.
Taageereyaasha dulmidiid Oo Hoolka Sayidka Ku qabtay Isku soo Bax Wayn🟩🟦🟩👑

Address

Minneapolis, MN
55407

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogta shacabka Somali galbeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category