Somaliland Recognition TV

Somaliland Recognition TV WARAR SUGAN to predict the social and political aspects and to disclosure from hidden matters

Magaceed utaqaanaa shinbirkan, Soo qabo gabay lagu sheegay shimbirkan❓️
10/08/2026

Magaceed utaqaanaa shinbirkan,
Soo qabo gabay lagu sheegay shimbirkan❓️

Diyaarad ay lee yihiin mileteriga dalka Maraykanku ayaa ku bur burtay meel aan ka dheerayn xeebta Shabeelley ee dalka Ja...
09/08/2026

Diyaarad ay lee yihiin mileteriga dalka Maraykanku ayaa ku bur burtay meel aan ka dheerayn xeebta Shabeelley ee dalka Jabuuti ka dib markii ay cilladi ku timi maanta gelinkii h**e.

Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya goobtii Diyaaraddu ku dhacday oo gubanaysa iyo diyaaradda oo guud ahaanba bur burtay.

Lama sheegin khasaaraha ka dhashay diyaaraddan maaddama oo ay ahayd nooca is wada ee aan duuliyaha lahayn.

Somaliland Recognition TV

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐢𝐢𝐠𝐬𝐢𝐠𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐜...
07/08/2026

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐢𝐢𝐠𝐬𝐢𝐠𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐜𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi, isaga oo u soo bandhigay horumarka ay ku tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland, mudnaanta Qaranka iyo hiigsiga Xukuumadda ee ku aaddan xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynuhu waxa uu adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay doonayso iskaashi iyo maalgashi ku dhisan dano-wadaag iyo wax-wada-qabsi, halkii ay ku tiirsanaan lahayd gargaar dibadeed iyo gacan-hoorsi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah u sheegay in nabadda iyo xasilloonidu ay yihiin mudnaanta koowaad ee Xukuumaddiisa. Waxa uu tilmaamay in ka badan 6,000 oo ciidan-beeleed ah, iyaga iyo qalabkoodiiba, si nabad ah loo qarameeyey, tababarna loo furay, kaddibna lagu daray Ciidanka Qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xusay in shaqaaqooyinkii ka dhacay Gobolada Galbeedka lagu wajahayo wada-hadal, dib-u-heshiisiin iyo hannaanka nabadaynta iyo wada-xaajoodka ee ay bulshada Somaliland muddada dheer ku soo caano-maashay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Beesha Caalamka u caddeeyey in Somaliland ay ka go’an tahay in arrinta Laascaanood lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo hannaan nabadeed oo walaaltinimo ku dhisan.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in aqoonsigii ay Dawladda Israa’iil 26-kii Diseembar 2025 ku aqoonsatay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland uu ahaa dhacdo taariikhi ah. Waxa uu tilmaamay in aqoonsiga Israa’iil aanu ahayn dhammaadka geeddi-socodka aqoonsi-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland, balse uu qayb ka yahay xaqiijinta himilada ay shacabka Somaliland muddada dheer ku taamayeen, kuna dhisan amni iyo xasillooni, dimuqraadiyad, hay’ado dawli ah oo si dhab ah u shaqaynaya iyo talada dalka oo si nabad ah oo daah-furan la isugu wareejiyo; kuwaas oo dhammaantood saldhig u yihiin rabitaanka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xagga horumarka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in Xukuumaddu mudnaan gaar ah siinayso horumarinta waddooyinka, biyaha, tamarta, caafimaadka, waxbarashada iyo isgaadhsiinta. Waxa uu tilmaamay in dalka ay ka socdaan mashaariic waddooyin istaraatiiji ah, halka hoos-u-dhigista qiimaha korontada iyo maalgashiga tamarta nadiifta ahi ay qayb muhiim ah ka yihiin dadaallada lagu dardargelinayo koboca dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay muhiimadda sugnaanshaha biyaha dalka, gaar ahaan sahminta iyo ka faa’iidaysiga kaydka biyaha dhulka hoostiisa ku jira, isaga oo Beesha Caalamka ugu baaqay iskaashi dhinacyada khibradda, farsamada iyo tiknoolajiyadda ah.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in Somaliland aanay Beesha Caalamka ula iman liis codsiyo iyo gacan-hoorsi ah, balse ay la wadaagayso natiijooyin horumarineed oo dhab ah, waxqabad la taaban karo iyo fursado iskaashi oo labada dhinacba dan u ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu saaxiibbada iyo bah-wadaagta caalamka ugu baaqay inay Somaliland ku qiimeeyaan xaqiiqada ka jirta dalka, waxqabadkeeda iyo hannaankeeda dawladnimo, isla markaana ay ula macaamilaan si waafaqsan xaqiiqooyinkaas, loona sii xoojiyo wax-wada-qabsi dhab ah.

Waxa uu sidoo kale ku boorriyey Beesha Caalamka inay garwaaqsato xaqiiqada biyo-k**a-dhibcaanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo doorka lama huraanka ah ee ay ku leedahay nabadda, amniga, ganacsiga iyo guud ahaan horumarka Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hadalkiisa ku soo afmeeray in iskaashiga Somaliland iyo Beesha Caalamku uu ku dhisnaado xaqiiqo, waxqabad, is-ixtiraam iyo dano-wadaag, si loo abuuro mustaqbal ku salaysan nabad, xasillooni, horumar iyo barwaaqo waarta oo faa’iido u leh shucuubta Gobolka Geeska Afrika.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,

Somaliland Recognition TV

Madaxweyne C/raxmaan Cirro oo Beesha Caalamka u sheegay  in Somaliland ay ka go’an tahay in arrinta Laascaanood lagu  xa...
07/08/2026

Madaxweyne C/raxmaan Cirro oo Beesha Caalamka u sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay in arrinta Laascaanood lagu xalliyo wada-hadal.
Somaliland Recognition TV

Subxaana-Laah:- Maxaad Ka Ogtahay Mucjisooyinka Waaweyn ee ILaahay ina Tusi-doono Arbacada Danbe ??Maalinta Arbacada ah ...
05/08/2026

Subxaana-Laah:- Maxaad Ka Ogtahay Mucjisooyinka Waaweyn ee ILaahay ina Tusi-doono Arbacada Danbe ??

Maalinta Arbacada ah ee ku taariikhaysan 12/08/2026 malaayiin qof oo ku nool dacalada dunnida ayaa daalacan-doona calaamadaha waaweyn iyo is-bedelada ILaahay uu ka sameeyo kawnkani aynu ku noolnahay. Waxana ka mid ah:-

■ Mucjisada 1-aad:- Cadceeda !!
_______________________________
Maalintaa waxa dhici-doona Cadceed-Madoobaad buuxa (Total Solar Eclipse) kaasi oo la arki-doona cadceed dhaca ka hor. Waa cadceed madoobaad ka ugu dheer qarnigani aynu ku jirno inta la ogyahay.

Markii u danbaysay ee la arkay cadceed-madoobaad noocani oo kale ah waxay ahayd 1999-kii waxana dib loo arki-doonaa 2090-ka.

Inta u dhaxaysa 2-daqiiqo ilaa 6-daqiiqo ayuu dhulku mugdi noqon-doonaa iyada oo dharaar la joogo.

F.G:- Cad-ceedu ma madoobaato, balse waxa ay ka qarsoontaa dhulka maadaama uu dayaxu soo kala dhex-galo dhulka iyo cadceeda.

■ Mucjisada 2-aad:- Meerayaasha !!
___________________________________
Lix Meere oo ka tirsan bahda aynu wadaagno qoraxda (Solar system-ka) ayaa isku beegmaaya mina-subaxnimada h**e ee Isla maalintaasi Arbacada ah, ka hor inta aanay soo bixin cadceedu, ayaa meerayaashani lagu arki-doonaa cad-ceed ka soo baxa.

Hal mar ayaa waxa isku beegmi-doona meerayaasha Saturn, Mars, Uranus, Neptune, Mercury, iyo Jupiter. Kuwaasi oo la arki-doono iyaga oo u muuqda sida line-siman oo kale.

Waa dhacdo dhif iyo naadir ah in la arko meerayaashani oo sidani oo kale hal mar la arko iyaga oo u muuqda sida in ay line ku jiraan oo kale.

■ Cilmiga VS Cabsida !!
_________________________
Ugu danbayn culimada sayniska ee caalamku maalmaha ay ugu cabsida badan-yihiin ee ay ka baqaan in dunnidu ay baaba'do waxa ka mid ah maalmaha ay jiraan cadceed-madoobaadka iyo dayax-madoobaadka. Sobob ??

Xiliga cadceeda ama dayaxu madoobaado waa daqiiqadaha ama saacadaha ay lumi-karto awooda cuf-isjiidadka (Gravity) ka dhexeeya cadceeda, dayaxa iyo dhulka oo hadii midkood lumiyo awoodaasi uu ka baxaayo khadka soo jiidashada miisaama ee uu ku wareego (Orbit).

Gaaladu imika ayey ogaadeen cabsida jirta xiliyadaasi iyo sobobta aynu ugu orodno masaajidada, XAQIIQDII Nebi Muxammed (CSW) ayaa inoo sii sheegay in aynu masaajidada galno xiliyadaasi 1440 sano ka hor !!

Somaliland Recognition TV

Ciidanka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen xeradii Ciidanka PSF ee duleedka Gaalkacayo ka dib dagaal culus o...
05/08/2026

Ciidanka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen xeradii Ciidanka PSF ee duleedka Gaalkacayo ka dib dagaal culus oo saaka halkaas ka dhacay.

Muuqaallo ay soo duubeeen ayaa muujinaya Ciidanka oo gudaha ugu jira xeradii PSF oo ahayd meel ka mid ah goobihii ay degganaayeen ee gobolka Mudug.

PSF oo h**e u ahayd ciidan si buuxda taageero uga hela dawladda Maraykanka ayaa dhawaan sheegay in ay hoos tagaan dawladda Federaalka ee Soomaaliya taas oo ay ka helaan taageero iyo taakulayn ciidan.

Somaliland Recognition TV

Teendhadii nabada ee geerisa guryihii ku xigay ayaa caawa la gubay.Tuulada geerisa ee gobolka salal ayaa ay taalay gogos...
03/08/2026

Teendhadii nabada ee geerisa guryihii ku xigay ayaa caawa la gubay.
Tuulada geerisa ee gobolka salal ayaa ay taalay gogosha nabda ee lagu heshiisiinaay beelaha ciise iyo beelaha Maxamed case oo mudooyinkii u danbeeyey dagaal halkaas ku dhexmaray.
Somaliland Recognition TV

" Berri 7:30 subaxnimo ayaa layga yeedhay Xarunta Hoggaanka Baadhista Dambiyada (CID)  ee Ciidanka Booliska Somaliland. ...
03/08/2026

" Berri 7:30 subaxnimo ayaa layga yeedhay Xarunta Hoggaanka Baadhista Dambiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Somaliland. Waxaan u hoggaansami doonaa amarka, waana tagi doonaa xilliga la ii cayimay.

Waxaan mar kale xaqiijinayaa in arrintii Gobolada Galbeedka ee aan maanta ka hadlay ay tahay xaqiiqo jirta, una baahan in si dhab ah looga hawlgalo haddii ay xukuumadda ka go’antahay xidhida nabadda gobolladaas.

Arrintan aan ka hadlayaa ma aha war aan maqlay ama xog aan la hubin; waa arrin si toos ah u taabatay qoyskayga. Gawaadhida la qaatayna waxa ku jira mid uu gacanta ku hayay xubin qoyskayga ka tirsani, oon ilaa hadda warkiisa iyo bad qabkiisa aan la heyn .

FG: Waxa sidoo kale igu maqaala ah in xubno maanta arrinkaa ka hadlay iyagana sidoo kale loo yeedhay."

Somaliland Recognition TV

Degdeg: Madaxweynaha Somaliland ayaa galabta ka dhoofay Madaarka Cigaal.Xukuumaddu wali k**a hadal dalka uu ku aadan yah...
03/08/2026

Degdeg: Madaxweynaha Somaliland ayaa galabta ka dhoofay Madaarka Cigaal.

Xukuumaddu wali k**a hadal dalka uu ku aadan yahay socdaalka Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha Somaliland ayaa soo saaray go’aamo la xiddhiidha cisbitaallada gaar ahaana cisbiyaalka Hargeysa oo beryahan...
03/08/2026

Madaxweynaha Somaliland ayaa soo saaray go’aamo la xiddhiidha cisbitaallada gaar ahaana cisbiyaalka Hargeysa oo beryahan ba dadka kelyaha loogu sifeeyaa cabanayeen.

𝟏. 𝐈𝐧 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐬𝐡 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐤𝐞𝐥𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐲𝐝𝐡𝐢𝐬𝐭𝐚:

Madaxweynuhu waxa uu amray adeegga kelyo maydhista oo imikaba bilaash ah, in sidoo kale bukaanka kelyaha loo maydhayo laga dhaafo lacagaha kooban ee ay ku iibsadaan dawooyinka iyo agabka yaryar ee la xidhiidha kelyo maydhista.

𝟐. 𝐈𝐧 𝐬𝐢 𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡 𝐥𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐢𝐢𝐛𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐨𝐛𝐚𝐧 𝐦𝐢𝐬𝐡𝐢𝐢𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐊𝐞𝐥𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐲𝐝𝐡𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐡:

Madaxweynuhu waxa uu amray in si degdeg ah loo soo iibiyo Shan iyo Toban mishiinnada Kelyo maydhista ah, si loo sii kordhiyo awoodda qaybta kelyo maydhista, loona yareeyo cadaadiska shaqo ee saaran mishiinnada hadda yaalla. Sida oo kalana loo hubiyo in bukaanka intii awoodda ah la wada gaadhsiiyo adeeggan, xilliga iyo saacadaha ku haboon.

𝟑. 𝐈𝐧 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐢𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐢𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐭𝐚 𝐦𝐚𝐲𝐝𝐡𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐊𝐞𝐥𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐨 𝐪𝐢𝐢𝐦𝐚𝐲𝐧 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐧:

Madaxweynuhu waxa uu diray Guddi Farsamo oo qiimayn buuxda ku samaysa xaaladda Cisbitaalka guud ee Caasimadda Hargeysa iyo Cisbitaallada Gobollada dalka, qaybaha adeegga daweynta, nidaamka maamulka iyo maaraynta, qalabka caafimaadka, kaabayaasha, iyo daryeelka bukaanka oo ay ku jiraan qaybaha Kelyo maydhista.

Guddidan farsamo waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland siin doonaan warbixin buuxda oo sees u noqota xalalka degdegga loogu baahan yahay iyo kuwa muddada dheer.

Somaliland Recognition TV

Address

Borama

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somaliland Recognition TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somaliland Recognition TV:

Shortcuts

Share

Category