08/20/2026
Guddoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Abdi Lafeey ayaa kulan muhiim ah la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Degmada Doolow iyo deegaannada hoos yimaada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee degmada, xoojinta wada-shaqeynta maamulka iyo odayaasha dhaqanka, iyo sidii loo sii xoojin lahaa nabadda, amniga iyo horumarka bulshada.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale odayaasha dhaqanka uga warbixiyay safarro shaqo oo uu dhawaan ku tagay Addis Ababa iyo Nairobi, kuwaas oo uu sheegay inay la xiriireen arrimo muhiim u ah degmada iyo bulshada ku dhaqan deegaannadeeda.
Gudoomiyaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in maamulka degmada iyo odayaasha dhaqanku si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha bulshada, nabadgelyada iyo horumarinta adeegyada ay bulshada u baahan tahay.
Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda soo dhaweeyay warbixinta Guddoomiyaha, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay inay garab istaagaan maamulka degmada, kana qayb qaataan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wadajirka iyo horumarka degmada Doolow.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Taliye kuxigeenka Darawaash*ta Jubbaland ee Gobalka Gedo Gashaanle sare Ali Abshir, Gudoomiyaha Geedweyne Yussuf Diriir, Afhayeenka Gobalka Gedo Ali Jubba, Xoghayaha Dowladda Hoose Abdi Ali Hirad, Madaxa mashariicda iyo xiriirka Hay’addaha Abdiqani Hassan Uumiye iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Doolow.