VOS Somali TV

VOS Somali TV VOS Somali TV - Telefishanka Codka Soomalida, waa warbaahin madax-bannaan oo u adeegta bulshada.
(1)

VOS Somali TV is a News and Media Production Company headquartered in Lakeville, Minnesota, United States with branch offices and broadcast stations.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka, sidoo kalana Ansixiyey Sharciyo Muhiim ah. Golaha Wasiir...
12/18/2025

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka, sidoo kalana Ansixiyey Sharciyo Muhiim ah.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay doorashooyinka dalka, gaar ahaan kuwa golaha deegaanka ee bishan ka qabsoomi doona caasimadda, iyada oo goluhu meel-mariyey shuruuc iyo xeerar muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada, ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ka dhageystay warbixin la xiriirta doorashada golaha deegaanka ee bishan ka dhacaysa Muqdisho, iyada oo Wasaaradda ay soo bandhigtay diyaarinta iyo xaqiijinta amniga goobaha codeynta iyo tirada muwaadiniinta qaatay kaararkooda ee u diyaarsan inay codkooda dhiibtaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa wasiirrada ku ammaanay in iyaga iyo bulshada ay si wanaagsan isku soo barteen, muhiimna tahay in shacabka iyo dowladda is dhex-galaan, waxa uuna bogaadiyay dadaalkii ay u galeen inay qeyb ka noqdaan ololaha doorashada.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, si loo xoojiyo nidaamka maaliyadeed iyo hufnaanta hey’adaha dhaqaalaha. Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka, kaas oo lagu tayeynayo awoodda iyo waajibaadka hey’adaha amniga dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa dood adag ka yeeshay, isla markaana ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Sharciga Xuquuqda Carruurta iyo Hindise-sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska, kuwaas oo dhammaantood ujeedkoodu yahay horumarinta qoyska, ilaalinta xuquuqda carruurta iyo dhismaha nidaam sharci oo dhammeystiran.

Labadan sharci ayaa kasoo gudbay dhammaan hab-raacyadii xeer-dajinta, la tashiyo lagala yeeshay culumada, iyada oo masuuliyiin ka socday xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Wasaaradda Dastuurka ay faahfaahin dheeri ah ay golaha ka siiyeen shaqada laga soo qabtay xeerarkan.

Labadan xeer ayaa la ansixiyay iyada oo Wasaaradda ay quseyso la faray inay wax kasoo bedesho arrimo la xiriira eray bixinno kooban.
Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxa ay ansixiyeen siyaasadda iyo xeerka Sanduuqa Qaranka ee Horumarinta Waxbarashada (NEDF), taas oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka, si loo xaqiijiyo maalgelinno lagu taageerayo ardayda Soomaaliyeed.

12/18/2025

Magaalada Buuhoodle oo horumar weyn ka sameysay dhinacyada Amniga iyo Ganacsiga

12/18/2025

Gudoomiyihii h**e ee Gobolka Awdal xoday "damiirka wuu isiin waayay in xilka siihayo shacabkeyga oo dhimanayo oo dhawacmayo"

12/18/2025

Somaliland oo soo Bandhigtay Tirada Dhimashada iyo Dhaawacyada Shacabkii lagu dilay Boorama

12/18/2025

Wasiirka arimaha Gudaha Maamulka Soomaaliland' Khasaarihii ka dhashay Banaan baxyadii Boorama waxaa la wareegtay Xukumada'

12/18/2025

Banaanbax Roob-doon ah oo ka Socda magaalada Kismaayo

12/18/2025

Madaxweyne Shiikh Shariif oo gaaray magaalada Kismaayo.

12/18/2025

Axmed C/ warsame Taliya Saldhiga Xaafada Siisaan Gaalkacyo oo sheegay in Tuugada aadugu soo badanayaan Magalada Gaalkacyo'

12/18/2025

Dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay dadkii ay guryaha ka dumisay dad qurun ahaa, Khawaarij ahaa oo Aalkoliistayaal ahaa,

Ra’iisul Wasaarihii H**e ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo Gaaray Kismaayo
12/17/2025

Ra’iisul Wasaarihii H**e ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo Gaaray Kismaayo

12/17/2025

Madaxda iyo Shacabka Kismaayo oo Soo-dhoweyn Heer Sare ah u Sameeyay Martida gaartay magaalada Kismaayo

12/17/2025

Farmaajo iyo James Swan oo ka wada hadlay Xaalada kala Guurka dalka iyo Arimaha Doorashooyinka.

Address

Minneapolis, MN
55044

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when VOS Somali TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to VOS Somali TV:

Share