06/17/2018
: Isku Shaandhaynta La Naawilayo ee Xukuumada Muuse Biixi
Xoggo lagu kalsoon yahay oo u dhuundaloola qasriga madaxtooyada JSL ayaa u xaqiijeyey in xubno ka tirsan Xisbiga WADDANI loo magacaabi doono mansabyo wasiireed todobadada foodda inagu soo haya.
Xubnaha cusub ee ka iman doona WADDANI waxa ka mid noqon doona Siciid Sulub (Habar Yoonis, ), Ibraahin Mahdi Buuba (Ciidagale- ), Axmed Cumar Xamarje (Sacad Muuse- ) iyo Cabdirisaaq Khaliif (Dhulbahante- ).
"Madaxweynuhu waa salluugsan yahay golihiisa wasiiradda. Runtiina falcelinta kaga timid shacabku ma ay farxad gelin," ayuu noo sheegay xubin sare oo xogogaal u ah aqalka looga taliyo JSL.
Kooxda waxa ay rumaysan tahay in xubnahan ay badali doonaan dhammaan wasiiradada xilalka ka haya xukuumada ee hayb ahaan is xigaan sida: Wasiirka Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil, Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Cabdi Raagge, Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Gurri Barwaaqo iyo Wasiirka Waxbarashada Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon.
"Waa muhiim in madaxweynuhu dhiig cusub ku shubo xukuumadiisa, soona xusho koox adag oo dalka ka samatabixisa xaaladdaha adag ee uu ku jiro," ayuu noo sheegay xubin sare oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE.
Xukuumadda Muuse Biixi ayaa la kowsatay duruufo siyaasadeed, dhaqaale iyo kuwo bulsheed oo ka dhashay daymo ay uga tagtay xukuumadii Kulmiye ee ka horaysay, colaadaha Ceel Afweyn iyo Tukaraq iyo xanaftii ka dhalatay doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay dabayaaqadii 2017.
Faahfaahimo dheeraad oo ay heshay ayaa sheegaya in uu jiro loolan maamul iyo hirdan awoodeed oo u dhexeeyaa Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cali Bile (Sacad Muuse, ) iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mubaarig Ismaaciil Taani (Sacad Muuse- ), taas oo gebi-ahaanba gaabis gelisay hawlaha shaqo ee ka socda madaxtooyada oo awalba la dhaliilsanaa in labada masuul la hayb noqdaan madaxweyne Biixi.
"Maxamed Bile waa laga wareejin doonaa madaxtooyadda waayo malaha waayoaragnimo maamul dawladeed oo uu ku dhaqaajin karo shaqada qasriga madaxtooyada. Wuxuu u muuqda shaqsi jecel amaanta iyo kasoo muuqashada warbaahinta," ayuu noo sheegay xubin ka tirsan shaqaalaha Xarunta Madaxtooyada oo ka gaabsaday in aan magaciisa xusno.
Waxa la naawilayaa in dib loo magacaabo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo h**e Muuse Biixi xukuumaddiisa uga saaray. Wasiirkaas oo la filayo in uu noqon doono wasiirka awoodda badan ee Maxamed Kaahin (Habarjeclo, ).
Dhanka kale waxa la filayaa in loo magacaabo wasiir cusub wasaaradda Arrimaha Dibadda oo shaqadeedu hoos u dhacday bilihii u danbeeyey. Wasiirka aadka loo hadal hayo ayaa la filayaa in uu noqdo Mudane Cabdilahi Maxamed Ducaale (Habarjeclo, .)
Wixii warar dheeraad ah ka soo kordha, isha ku hay