10/03/2026
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warreysi uu siiyay TV-ga Al-jazeera, lana baahinayo caawa 10-ka habeenimo, kaga hadlay xiriirkiisa Itoobiya, Isu soo dhawaanshaga Israel iyo Somaliland, hadal heynta awooda kooxda AS iyo is-ballaarinta Xuutiyiinta iyo saameynteeda goblka.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xiriirka ay la leeyihiin Itoobiya uu wanaagsan yahay, isagoo xusay in Soomaaliya aysan diiddaneyn in Itoobiya ay marin badeed ka hesho dhulka Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in xiriirka Israel ee Somaliland guntiisu tahay iney saldhig ciidan ka sameysato Berbera oo ay isticmaasho gareenka, si ay ugu sahlanaato iney weerarto dalalka Khaliijka iyo Iiraan.
Kooxda Shabaab ayuu sheegay ineysan suurta gal eheyn iney mar kale qabsato dalka, haatanna aysan jirin magaalo weyn oo ay ka taliso.
Wuxuu soo hadal qaaday Is-fidinta Xuutiyiinta, isagoo qiray saameyntooda, wuxuuna sheegay ineysan carqaladeeyewn maraakiibtoo isticmaali jirtay Baabal Mandab.