Abdifatah Ugas Abdullahi

Abdifatah Ugas Abdullahi 📌 ICT & Artificial Intelligence..🔭🕝

Don't wait for opportunity, Create it. A friend in need is a friend indeed.
🔎🔍
(1)

“Maroodi ayaa ka cararay kaynta, markaasay weydiiyeen: “Maxaad u baxsatay maroodiyow?”Wuxuu yiri: “Maxaa yeelay Libaaxa ...
05/23/2026

“Maroodi ayaa ka cararay kaynta, markaasay weydiiyeen: “Maxaad u baxsatay maroodiyow?”

Wuxuu yiri: “Maxaa yeelay Libaaxa ayaa go’aansaday inuu dilo geri kasta oo kaynta jooga.”

Waxay ku yiraahdeen: “Laakiin adigu waxaad tahay maroodi, ma tihid geri!”

Wuxuu yiri: “Waan ogahay qodobkaas, laakiin Libaaxu hawshaas wuxuu u xilsaaaray Dameerka!!”

"Dhowr bilood gudahood, markabka qodista shidaalka ee Turkiga ayaa laga yaabaa inuu ceelkii ugu horreeyay ee shidaal ah ...
05/19/2026

"Dhowr bilood gudahood, markabka qodista shidaalka ee Turkiga ayaa laga yaabaa inuu ceelkii ugu horreeyay ee shidaal ah ka helo xeebaha Soomaaliya, taasoo beddeli karta sida dunidu u aragto Ankara iyo Muqdisho.

Xuddun tamareed cusub ayaa soo baxaysa. Soomaaliya iyo Turkiga mar dambe lama iska indho tiri doono, cashar lama siin doono, mana la dhayalsan doono.

Waxay noqon doontaa dhacdo taariikhi ah, Soomaaliya oo sharafteeda kor u qaadaysa ayaa si weyn u soo ifbixi doonta. Türkiye-na waxay hal habeen gudaheed ku xoojin kartaa saameynteeda caalamka.

Shirkadaha waaweyn ee tamarta Yurub hurdo ma heli doonaan, iyagoo saf ugu geli doona Ankara, maadaama mustaqbalka tamarta, hantida, iyo saameynta cusub laga dhalinayo biyaha Soomaaliya".

Prof Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad.

Eid Mubarak dhammaan umadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed. Ilaahay ha inaga aqbalo, Soonkii, Salaadii, Qura...
03/19/2026

Eid Mubarak dhammaan umadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed. Ilaahay ha inaga aqbalo, Soonkii, Salaadii, Quraan aqriskii iyo dhamaan acmaashii wanaagsaneyd, ku ciida nabad, barwaaqo, iyo caafimaad. Ha noqoto ciiddaan mid aynu ku helno farxad, isku duubni, iyo is cafin. Ciid wanaagsan 🌙

Qoraalo sir ah oo la helay ayaa waxaa ay tilmamayaan ''Somaliland in ay ahayd mashruuc yahuuddeed oo soo socday 80 sano'...
12/31/2025

Qoraalo sir ah oo la helay ayaa waxaa ay tilmamayaan ''Somaliland in ay ahayd mashruuc yahuuddeed oo soo socday 80 sano''. Yahuuddu waxaa ay somaliland u arkaan dhulkoodii labaad ee falastiin kadib.

Dadka aan English-ka aqoonin, Terjumada qoraalka waa sidani hoos ku qoran waxaa la qoray 1942;

''Soo jeedintaydu waa in la mideeyo dhulka loo yaqaan Xarar (Harrar) ee Itoobiya iyo qayb ka mid ah British-Somaliland, Si loo sameeyo dawlad loogu talagalay Yahuudda Yurub.

Dhulkani wuu weyn yahay; Aad ayey u fududaan doontaa in loo qoondeeyo dadka yahuudda 60,000 ilaa 70,000 mayl oo laba jibaaran. Dhulkan waxaa ku nool dad yar oo beeraley ah, kuwaas oo aan laga yaabin in ay dhibaatooyin waaweyn abuuraan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagama maarmaan noqon doonta in la xasuusto duruustii laga bartay waayo-aragnimadii Falastiin, taas oo ah, in laga hortago in dad ka yimid qaybaha kale ee Itoobiya ay qabsadaan dhulka iyo in laga ilaaliyo kicin-wadayaasha shisheeye.

Cimilada banka sare (plateau) waa mid caafimaad qabta oo ku habboon dadka reer Yurub. Qaybaha xeebta Soomaaliya ee cimiladoodii ay xun tahay waqti la qiyaasi karo ayaa lagu hagaajin karaa iyadoo la isticmaalayo waraabka.

Dhulka Xarar wuxuu si gaar ah ugu habboon yahay beeraha, sidaas darteedna wuxuu ku habboon yahay dadka (yahuudda) soo-galootiga tirada badan. Waxay suuqyo diyaarsan u heli doontaa wax soosaarkeeda beeraha iyo waxsoosaarkeeda warshadaha gudaha Afrika, waddamada Carabta iyo qaybo ka mid ah Hindiya.

Siyaasad ahaan, dhulalkani waxaa ay ka tirsan yihiin, sida h**e loo sheegay, Ingiriiska (Great Britain) iyo Boqortooyada Itoobiya.

Bishii Luulyo 1935, Dawladda Ingiriisku waxay u soo jeedisay Boqorka Itoobiya in dekedda Saylac (Zeila) iyo qaybo kale oo ka mid ah British-Somaliland in lagu wareejiyo isaga haddii uu diyaar u yahay inuu tanaasul gaar ah u sameeyo Talyaaniga.

Sidaa darteed, Dawladda Ingiriisku waxaa ay diyaar u noqon kartaa inay qayb aad u weyn oo ka mid ah Somaliland iyo dekedda Berbera ay ku wareejiso dawladda Yahuudda Yurub ee aan maskaxda ku hayno.

Achievement unlocked 🔓, Machine Learning and Data Science badge 🏅🎖️.
12/18/2025

Achievement unlocked 🔓, Machine Learning and Data Science badge 🏅🎖️.

Address

Minneapolis, MN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdifatah Ugas Abdullahi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share