Abdifatah Ugas Abdullahi

Abdifatah Ugas Abdullahi 🔭🕝
Don't wait for opportunity, Create it. A friend in need is a friend indeed.
🔎🔍
(2)

£714 Million and 0 trophies in 5 years 😌.Happy Friday Arsenal .
01/10/2025

£714 Million and 0 trophies in 5 years 😌.

Happy Friday Arsenal .

•Qaraxyadii ka dhacay sannad-guurradii ka soo wareegatay dilkii Qasem Soleimani.•In la soo rido diyaarad uu la socday ma...
07/31/2024

•Qaraxyadii ka dhacay sannad-guurradii ka soo wareegatay dilkii Qasem Soleimani.

•In la soo rido diyaarad uu la socday madaxweynaha Iran.

•Ugu dambayntii dilkii hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh.

•Mossad waxay u gashay Iran si aan xad lahayn oo aan la rumaysan karin.

•Haniyeh, wuxuu ku dhowaaday maalmo ka hor inuu khudbad u jeediyo Baarlamaanka Turkiga. Bal qiyaas waxa dhici lahaa haddii lagu dili lahaa Turkiga?

•Iran waa inay runtii dib u eegis ku sameyso nidaamkeeda sirdoon, sababtoo ah si aad ah ayaa loo dhexgalay.

Waxaa jira dad badan oo sheegaya in Iran ay gacan ka geysatay dilka Ismaaciil Haniyah. Waxaan fahamsanahay inta ay le'eg tahay xannuunka ay dad badani la kulmaan dilka loo geystay qof muhiim ah sida Haniyeh xaaladahan oo kale, laakin runtu waxa ay tahay in aysan suurta gal ahayn in waddan uu ku lug yeesho howlgal soo bandhigaya habacsanaanta nidaamkooda amniga.

Waxaynu ka hadlaynaa dal dhawr bilood ka hor la dilay madaxweynihiisa iyo wasiirkii arrimaha dibadda. Waxaad xasuusataan markii aan si maldahan u sheegay, baaritaanadii aan ku samaynay soo riditaanka diyaaraddii madaxweynaha Iran iyo xiriirka uu shilka la lahaan karo Mossad, markaa waxaan sheegay Iran ma eedayn karto Mossad waxayna dhacdada noo tusi doontaa dhacdo caadi ah, taa oo ay ku dhammaatay, waayo in dil loo geysto Madaxweyne dal,haddii baaritaanka lagu soo bandhigo inuu uu dalka kale fuliyay, markaa waxay noqon lahayd ku dhawaaqis dagaal,maaddama Iran aysan lahayn awood ay uga jawaabto dilka, waxay isku dayday inay u muujiso shil dabiici ah.

Laakin dilkii Haniyeh ee Iran cid walba wey garaneysaa cidda ka dambeysa!

Su’aashuse waa ;

•Iran sidee uga jawaabi doontaa howlgallada weyn ee lagu hayo dhulkeeda?

•Arrintu lama mid aha dilkii Suleymaani...maxaa yeelay howlgalkaas waxaa laga fuliyay meel ka baxsan dhulka Iran.

•Hawlgalkani wuxuu u baahan yahay jawaab-celin ka timaada Iran oo aad u ballaaran sababtoo ah xajmiga hawlgalka, haddii kale waxay noqon doonaan kuwa daciif ah oo la naco!

Iman Jama .

Abkoow, gadaasha ragg isma warsanin, Diinta iyo dalkaad u shahiiday waan dayacnay. Xornimadii aad keentay lagugama xuso.
07/28/2024

Abkoow, gadaasha ragg isma warsanin, Diinta iyo dalkaad u shahiiday waan dayacnay. Xornimadii aad keentay lagugama xuso.

Waxaad qaxootinimo ku gali doontaan Yurub, waxaad u hogaansami doontaan qawaaniintooda, qashinka kuma tuuri doontaan dhu...
07/22/2024

Waxaad qaxootinimo ku gali doontaan Yurub, waxaad u hogaansami doontaan qawaaniintooda, qashinka kuma tuuri doontaan dhulka, sigaar kuma cabi doontaan goobaha bulshada, waxaad mari doontaan wadooyinka la idiin kuugu talo galay, waxaad yeelan doontaan dareen amni oo xitaa hadii mukulaal daaqada gurigiina wax ka xado waxaad la wadaagi doontaan booliiska....

Waxaad xiran doontaan suunka amaanka xiliga aad gaariga wadaan, qeybta dambe ee gaarigana waxay noqon doonta fadhiga carruurtiina, waxaad istaagi doontaan safka daabuurka xitaa hadii uu hal km gaarayo, markaad heshaan Jinsiyada Yurubiyaankana waxaad dooran doontaan qofka idin matalaya...

Waxaad raadin doontaan taariikhdiisa, noloshiisii iyo shaqadiisii h**e haduu xunyahayna ma dooraneysaan, balse dhammaan arimahaas hadaad sameyn laheydeen markaad dalkiina joogteen marnaba qaxooti kuma noqoteen dhul shisheeye.

Maxamuud Darwiish.

Magaciisa Saxda ah waa Al Amiin Jamaal 16 jirka yurub iyo caalamka indhaha ku hayaan.
07/10/2024

Magaciisa Saxda ah waa Al Amiin Jamaal 16 jirka yurub iyo caalamka indhaha ku hayaan.

“When the bird is alive, it eats the ants.” When the bird dies, the ants eat the bird.  Time and circumstances can chang...
07/05/2024

“When the bird is alive, it eats the ants.” When the bird dies, the ants eat the bird. Time and circumstances can change at any time. Never devalue or hurt anyone in life. You may be strong today but remember that time is stronger than you! One tree makes a million matchsticks, and one matchstick can burn a million trees, so do not let one negative thing affect the millions of positive things in your life...

“So be good and do good.🤏

Happy Friday 😊.

Jimca Wanaagsan.
06/28/2024

Jimca Wanaagsan.

Alloow camalkooda aqbal, Annagane noo danbi dhaaf. Halkaan waa Jabalu Raxma oo ku yaala Carafah. Waxaa saaran 2 million ...
06/15/2024

Alloow camalkooda aqbal, Annagane noo danbi dhaaf.

Halkaan waa Jabalu Raxma oo ku yaala Carafah. Waxaa saaran 2 million oo muslimiinta ah, Alle ayeey soo ajiibeen, Allow adoomadaada waxeey ka yimaadaan meela fog fog, Waxeey soo doonteen Naxariistada, Waxaad tahay Rabbi naxariis badan, Allow danbigooda iyo keena noo dhaaf.

05/22/2024

Maqrib Wanaagsan.

سورة المطففين كامله.JOOGSO AQRI.  gaarsii.
05/20/2024

سورة المطففين كامله.
JOOGSO AQRI.

gaarsii.

AFAR SANA OO XIRIIR AH!!! WAXAAN NAHAY GUULEYTAYAALKA PL-KA 🏆🏆🏆🏆
05/19/2024

AFAR SANA OO XIRIIR AH!!!

WAXAAN NAHAY GUULEYTAYAALKA PL-KA 🏆🏆🏆🏆

05/19/2024

Arsenal fans fariinta macsalaameys waaya. See you next season. 😅

Gabadhaha Waa Naxariis Illaaahay Na Siiyay!! Nin Ayaa La Weydiyay: Ma Jaceshahay In Gabar Ku Curato ? Wuxu Yiri::Hadduu ...
05/19/2024

Gabadhaha Waa Naxariis Illaaahay Na Siiyay!!

Nin Ayaa La Weydiyay: Ma Jaceshahay In Gabar Ku Curato ?

Wuxu Yiri::Hadduu Illaaahay Gabadha I Siiyo Waxaay Ahaan Doonta Dhibaato Dhab Ah, Markaan Shaqada Ka Soo Laabto, Waxay Dhahaysa::

Aaba Imaaday!
Aaba Imaaday!
HooYo Aaba Imaaday!

Waxaay Ku Soo Boodaa Dhabtaada Adigoo Ka War Hayn, Iyo Iyadoo Iga Codsan, 😢

Markaan Suabxdi Hurdada Ku Daaho, Xiliga Indhaha Kala Furo Waxaan Arki Doona Iyadoo Madaxayga Adtaagan oo Oynayso! Ama Iyado War ii Wado!

Qalbigeeda Aad Ayuu u Jilcan Yahay, Markay Qof Xariir La Sameyso, Ama Ay Saaxiibo Iskuulka Ku Yeelato, Ma Awoodo In Ay Adkaysato Sida Ragga, Waxayna Sugta Ilaa Aan Shaqada Ka soo Laabto, Markaan Guriga Imaadana Waxay Igaga Sheekeysa Dhaman Waxa Qalbigeeda Ku Jiro.

Si Wanaagsan.

Xitaa Xiliga Cunada Iyo Raashinka,
Waxaan Arka Iyadoo Taagan Miiska Agtiisa, oo Leh Aabe Kan Cun Aniga Sameeyay Maanta, Kan Waa Dooqayga Aniga Ayaa Kariyay, Aabe Soo Ma Macana ?

Oo Xitaa Maalintay Magalada Aado ooy Soo Iibsato Dhar Cusub, Waxay Ila Sugta Ilaa Aan Guriga Ka Imaado Aniga, Markaan Imaado Anigo Qolka Fadhiyo Ayay I Soo Hor IsTaagta, Iyado Iga Qasto Daawashada Tvga.

Waxayna Hadal Ka Bilowda::
Aabe Ka Waran Dharkaan ?
Soo Ma Qurux Badna ?
Ka Waran Siduu Kula Yahay ?

Waxaan uga Taga Daawashada Tvga, Si Aan Rayigeeda ugu Raaco uguna Sheekeeyo Quruxda Iyo Qiimaha Labiskeeda Cusub Ay Soo Iibsatay Maalintaas.

Intaas Oo Dhan Kadib!

Waxaa Ku Imaana Nin oo Ka Soo Doonana Gabadhaa Qalbigaga Ah, Ruuxdii Guriga Ah, Nalka Guriga Ah, Wuuna Naga Qaata Waligeedna Soma Celiyo!!. 😭

Qodobkaas Ilin Baa Iga Timid Qormadiisa 😢 ☝🏾

Illaahay Idinku Dhaariye Dhaha:: Sideen ugu Raali Noqona oo Uga Harna Gabadha Qalbigeena Ah,In Qof Maalmo Ama Bilo Yar Yaqaanay Dhibaataynteeda ? Sideen uga Harna Farxadeena Farxadeeda In La Dhaafiyo ?

Sideeen Caradeena u Qarina Inago Waxaas Oo Dhan Og, Hadana Sideen Isku Xakameyn Karna ? Ma Jirto Sabab Aan Isku Xakameyno, Maxaa Yeelay Waa Jaceylkeena, Waa Ruuxdeena Waa Sharaf Iyo Karaamadeena ..

Haday Dhacdo Inaad Naga Wadato oo Guursato Aabe Ii Ilaali Waa Qalbigayga Waxaan Ku Siiyee, Haddii Aadse Rabto Inaad Dhibatayso Ogow Inaad Dhibataysay Qalbi Nin Rag Adiga oo Kale Ah, Maalintaas Calaacal Makugula Imaan Doon Darbo Iyo Dil MooYane..

Guriga Ay Jogto Ayey Taala Farxada, Guriga Laga Sharfo Ayaa Sharf Leh, Guriga Laga Dhibaatayo Ayuu Hoog Iyo Halaag u Sugnaaday.. 🥀🌹

Address

Minneapolis, MN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdifatah Ugas Abdullahi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share