01/09/2026
Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa ku sifeeyey go’aankii ay dawladdiisu ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland mid muhiim ah, isaga oo sheegay inuu filayo in dalal kale oo badani ay raaci doonaan dhabbihii ay Israa’iil qaadday.
Isaga oo la hadlayay telefishinka i24News, Danon ayaa xusay in xidhiidhka labada dhinac uu soo jiray sannadihii u dambeeyey, oo uu kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan Somaliland. "Aad ayaan ugu hanwaynahay waxyaabihii ay qabsadeen, waxaana naga go’an inaan xoojinno wada-shaqaynta naga dhaxaysa," ayuu yidhi Danon.
Safiirku wuxuu carrabka ku adkeeyey in Somaliland ay dadaal weyn ugu jirto raadinta aqoonsi caalami ah, Israa’iilna ay hormuud u tahay dawladaha aqoonsigaas siiyey. Wuxuu tusaale u soo qaatay booqashadii wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, uu dhawaan ku tagay magaalada Hargeysa inay marag u tahay iskaashiga cusub ee labada dhinac.
Danon ayaa isbarbardhig ku sameeyey xaaladda hadda taagan iyo xilligii ay Israa’iil aqoonsatay dalka Koonfurta Suudaan, isagoo yidhi:
"Waxay i xasuusinaysaa waqtigii aan ka midka ahayn dalalkii ugu horreeyey ee aqoonsaday Koonfurta Suudaan, markii dambena ay dalal badan nagu soo biireen. Waxaan rabaa inaan aragno geeddi-socodkaas oo kale oo ka dhacaya Somaliland."
Hadalkan ayaa ku soo aadey xilli Somaliland ay waddo dadaallo dibloomaasiyadeed oo ballaadhan, iyada oo Israa’iilna ay noqonayso mid ka mid ah saaxiibbada ugu muhiimsan ee Somaliland ku leh masraxa caalamiga ah.