Abwaan cabdishakur Allayahdik

Abwaan cabdishakur Allayahdik Halkani waa barr kulan aan sugaanta ku bandhigi doono insha allah

Waxan u hambalyeynayaa walashey foosiya yusuf xusen oo maanta ilaahey ku simay dadaal dheer oo waxbarasho finely master ...
05/31/2026

Waxan u hambalyeynayaa walashey foosiya yusuf xusen oo maanta ilaahey ku simay dadaal dheer oo waxbarasho finely master kii bay ku guuleysatey ilahay waxan uga baryaya inuu cilmigeeda ka dhigo mid dadka iyo dalkuba u aayo bi.Omaha

05/12/2026

allahayoow maxaa wax isku muuq muuqda.

05/07/2026

Waxan maal u sarayaa.
Kolba tallo muhiimiyo.
Mahadhada u qorayaa.
Danta ugu mitidayaa.
Uga tagay muraadsiga.
Afka maati laga dhacay.
Madhaxeeda ugu hadal.
Ayuu maan i leeyahay.
Miyirkana xil baa dhibey.

Waxaad madaxa galisaan.
Inta maanku gudhan yahay.
Garashada miciinkaa.
Mabda.eedu iib yahay.
Aqoontiinu madhan tahay.
Aragtida muhiimkaa.
Asaraar ka mudan yahay..

Inta maalku dhacan yahay.
Muruq maalku shilan yahay.
Musuq maasuq sharaf yahay.
Milgeheenu b**b yahay...

Inta magac qabiiliyo.
Qolo lagu mashquuliyo.
Maamuusku reer yahay.
Shicibkuna mal malan yahay.
Waxa jirana moog yahay...

Macaluusha gaajada.
Inta magenta loo yahay.
Dadweynuhu makalan yahay.
Manaxaan u dirran yahay...

Raga moodher qaaliya.
Habaaska ku moodayaa.
Masuul ugu yahay sidaa.
Masaakiintu dagan tahay.
Maamulkeenu kaas yahay.

Intaad kala maan tihiin.
Morankuna is diid yahay.
Xinka meesha yaalaa.
Midi midi ku taag yahay...

Inta ruux ku maangada.
Xilka loogu magan yahay.
Nin ku maagan taladii.
Mur haday ka daran tahay.
Duuduub ku madhi tahay.
Maamulkuna adiis yahay...

Xallka lagu midoobaa.
Kolba meel ka raran yahay.
Moqoreysi tuuga a.
Badh ba maalin leeyahay.

Kursi lagu maxaabsado.
Madaxiin u gadan yahay.
Aarsigu muhiim yahay.
Aanadu muxtaad tahay...

Mus dambeedku dilan yahay.
Maseer kuu hagaagiyo.
Maariyo xal kaa dheere...

Umad yahay is maqal baa.
Midnimadu ku roon tehee.
Mabda.a yeelo waa tallo......

05/28/2025

show mar horaa xoriyatul qawlkii deegaanka laga noqdey.
dilalka iyo caga jugleyntuna waa sune dadkayga alla u maqan...dds

12/22/2024

arooskii walashey foosiya allYahdik

Kolba shaadh u soo xidho.Kolba shey u soo tolo.Midnimada kol noo sheeg.Marna  shirir qabiiliyo.Ka dhex muuq shey kale.Sh...
09/29/2024

Kolba shaadh u soo xidho.
Kolba shey u soo tolo.
Midnimada kol noo sheeg.
Marna shirir qabiiliyo.
Ka dhex muuq shey kale.
Shamba ceynka sidiidii.
Mar ba qolo la soo showr...

Marna sheekh xadiisoo.
Sharka neceb sidiisii.
Shaydaanka naga naar.
Marna dhaqanka shaashee.
Adigoo shir qool wada.
Shicibkiyo dad weynaha..
Shirib ugu balweeyoo.
Kolba shey nakala dila.
Sharaf iyo wanaag mood...

marna baddaha shawliyo.
dhulka shilin ku iibsoo.
ethiopia noo shirqool.
horey kuugu sheegeen.
muuse shaani inaad tahay...

07/14/2024

Insha allah dhawan waxan rajaynayaa wareysi suugaaneed hadaba taageerayasheyda barr kulankan aan asxaabta ku nahay waxan si sharafle ugu soo bandhigey su.aalo wixii ay suugaanta iyo hal abuurka iga weydiin lahaayeen iney comment igu reebaan inta aqoon durugsan u leh heesaha aan qorey igana wixii su.aal ah ee ku saabsan qisooyinka heesaha su.aashiisa commenta wuu iigu sow weydiin karaa....

Waa ii muhiim su.aalihiinu si wareysigu dhaxal gal u inoogu noqdo.......

Wad mahadsantihiin.

06/06/2024
Sidee loo xaliya morran labada dhinac ba ah xaqiiqo tusaale sida sawirka hortiina ka muuqda?Jawabtiinu asxaabey muhiim b...
05/31/2024

Sidee loo xaliya morran labada dhinac ba ah xaqiiqo tusaale sida sawirka hortiina ka muuqda?

Jawabtiinu asxaabey muhiim bay ii tahay.

05/07/2024

Heeskan waa mid ka mida suugaanteyda an jeclahay asxaabey idina la daawada.

Address

Minneapolis, MN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan cabdishakur Allayahdik posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category