Muscab channel

Muscab channel Caways curin iyo cilmi🎙️

09/11/2026

Aaran suits jigjiga

09/09/2026

Next jiil Hoyga kobcinta iyo barista luuqadaha iyo xirfadaha oo lagaga furay magalada jigjiga

Waxa lagu barto NextJiil Institute

🌍 Luuqadaha
• English
• Arabic
• Amharic

đź’» Xirfadaha Dhijitaalka ah
• Graphic Design
• Video Editing
• Motion Graphics
• AI & Technology
• Computer Basics

🎯 Xirfadaha Shaqada
• Public Speaking
• CV Writing Skills
• Interview Skills

Sidoo kale, koorsooyinka Ingiriisiga waxaa lagu dhigaa heerar kala duwan laga bilaabo Beginner (A1) ilaa Proficient (C2), si arday kasta uu uga bilaabo heerkiisa saxda ah.

Ku soo biir NextJiil Institute, halkaas oo aqoonta, xirfadda, iyo hal-abuurku ay ka noqdaan furaha guushaada.

NextJiil Institute – Hoyga Horumarinta Dhalinyarada. 🌟

Xaruntu waxay ku taala kasoo horjeedka masjid sheik abdi salam ama kala xidhiidh 09 1513 9275 ama 09 1262 3401

Cabasho iyo qaylo-dhaan culus oo ku saabsan biyo la'aanta daran ee qabalaha BalidariWaxaa cabasho iyo qaylo-dhaan culus ...
09/07/2026

Cabasho iyo qaylo-dhaan culus oo ku saabsan biyo la'aanta daran ee qabalaha Balidari

Waxaa cabasho iyo qaylo-dhaan culus oo ku saabsan biyo la’aan daran kasoo yeedhaysa qabalaha Balidari iyo nawaaxigeeda ee degmada Iimay-galbeed iyo guud ahaan qaybo ka mid ah gobolka Afdheer.

Dadka reer Balidari waxay maanta wajahaan xaalad aad u adag, iyagoo ku qasban inay cabbaan biyo ajo ah oo doorsoomay, kuwaas oo xaaladdoodu aad u liidato isla markaana runtii aan ahayn biyo qof bani’aadam ahi si caafimaad leh u cabbi karo. Waa xaalad halis ku ah nolosha iyo caafimaadka bulshada, gaar ahaan carruurta, haweenka iyo dadka waayeelka ah.

Bulshada reer Balidari waxay si degdeg ah ugu baahan yihiin gurmad biyo oo degdeg ah iyo in xal waara loo helo dhibaatadan muddada dheer haysata. Biyaha nadiifka ahi waa xuquuq asaasi ah oo ay tahay in muwaadin kasta helo, mana habboona in bulsho dhan lagu daayo xaalad ay ku cabbayaan biyo aan ku habboonayn nolosha iyo caafimaadka dadka.

Sidoo kale, maamulka gobolka Afdheer, ka degmada Iimay-galbeed iyo hay’adaha ay khusayso waa inay si degdeg ah wax uga qabtaan xaaladdan. Aamusnaanta iyo dib-u-dhaca laga muujiyo dhibaatadan waxay noqon kartaa masuuliyad-darro weyn.

Reer Balidari ma dalbanayaan wax aan xaq u ahayn, waxay dalbanayaan biyo nadiif ah iyo nolol caafimaad leh.

Waxaa la joogaa wakhtigii si degdeg ah loo maqli lahaa qaylada shacabka Balidari, looguna fidin lahaa gurmad degdeg ah, ka hor inta aan dhibaatadani isu beddelin xaalad caafimaad iyo bani’aadannimo oo ka sii daran.

Caddaalad iyo XorriyadKornayl Maxamed Mustafe Yuusuf (Gabyow) muddo ayuu ku xidhan yahay si dulmi ah oo aan waafaqsanayn...
09/06/2026

Caddaalad iyo Xorriyad

Kornayl Maxamed Mustafe Yuusuf (Gabyow) muddo ayuu ku xidhan yahay si dulmi ah oo aan waafaqsanayn hannaan sharci iyo caddaalad ku dhisan, sidaas darteed waxaan ku baaqaynaa in arrintiisa loo maro si hufan, masuuliyad leh, isla markaana la dhowro xuquuqdiisa aasaasiga ah.

Maadaama oo aan loo haynin wax eed iyo dambi ah waxaan dalbanaynaa in xorriyaddiisa si degdeg ah loogu soo celiyo, lagana fogaado wax kasta oo noqon kara dulmi iyo ku takrifal awoodeed.

Aqoonta, waayo-aragnimada iyo khibraddu dambi ma aha. Caddaaladdu waa xaq, xorriyadduna waa xuquuq.

Dhalashada Nabigeenna Muxamed (SCW)Dhalashada Nabigeenna Muxamed (SCW) waa xusuus qiimo weyn u leh Muslimiinta, waayo wa...
08/25/2026

Dhalashada Nabigeenna Muxamed (SCW)

Dhalashada Nabigeenna Muxamed (SCW) waa xusuus qiimo weyn u leh Muslimiinta, waayo waa maalintii uu dunida yimid Rasuulkii Alle, Muxamed ibn Cabdullaahi (SCW), oo loo soo diray inuu dadka ku hago jidka xaqa, naxariista iyo akhlaaqda wanaagsan.

Nabigeennu (SCW) wuxuu ahaa tusaalaha ugu wanaagsan ee akhlaaqda, samirka, cadaaladda iyo naxariista. Wuxuu dadka baray in la is jeclaado, la is cafiyo, masaakiinta la garab istaago, waalidkana la ixtiraamo.

Munaasabaddan waxaan ku xasuusan karnaa noloshiisa, sunnadiisa iyo fariintii uu ummadda u keenay, annagoo ku dadaalayna inaan ku dhaqanno akhlaaqdiisa iyo sunnadiisa.

Nabigeenna Muxamed (SCW), alle hanaga yeelo kuwa si dhab ah u raaca sunnadiisa. Aamiin.

Aynu ku wada salino nabigeena maxamed scw 🤲

08/23/2026

Gobolka doollo 8 sanee lasoo dhaafay maxay ku xasuusan doontaa.?

5 sanee soosocota se maxay rajaynaysaa....?

Jimco Wanaagsan. 🤲🕌Maanta oo Jimco ah, waxaan Alle ka baryaynaa inuu dulmiga ka dulqaado, wllky  Korneyl Maxamed Mustafe...
08/21/2026

Jimco Wanaagsan. 🤲🕌

Maanta oo Jimco ah, waxaan Alle ka baryaynaa inuu dulmiga ka dulqaado, wllky Korneyl Maxamed Mustafe (Gabiyow) oo muddo xiran, walina aanan war cad kahelin sababta uu uxidhanyahay.

Xorriyaddu waa xaq, caddaaladduna waa tiir muhiim u ah bulsho kasta. Waxaan rajaynaynaa arrintiisa si caddaalad iyo sharci ah loo wajaho, xaqana uu Alle soo natuso .

08/18/2026

Aaran suits jigjiga

Hoyga kiraynta iyo iibka suitska xalay is shid aan kusii shidne 🔥

📌Garaad dooll mall jigjiga
📞 +251915818677 ama +251959213355

08/18/2026

Aaran suits jigjiga

Hoyga kiraynta iyo iibka suitska xalay is shid aan kusii shidne 🔥

📌Garaad dooll mall jigjiga
📞 +251915818677 ama +251959213355

Address

New York, NY

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Muscab channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Muscab channel:

Shortcuts

Share