Xogside Online

Xogside Online Social media kaftan&sheeko

11/21/2025

Soomaaley baraaruga
Baaqa wax garadkiyo
Baadi gooba nabadoo
Midnimo biliclahe
Wadajir kubalama

Soomaaley baraaruga
waxeynu nahay beel qura
Bah wadaga dhaqanoo
Baadi sooca isirkii
Bulsho aan lakala garan

Soomaaley baraaruga
Been hawaska siyaasiga
Balamaha beenta ah

Badi aan fulineyn
Koley wanu baranoo
Beri nama dagaayee
Bedal aan kujiidno

Kasmo iyo garaad Karti iyo hub qaad Kaadsiiyo tiraab Kaftan  xiisolehba Kobciya maanka ooAbuura kalsoonida Waa waxan kal...
11/01/2025

Kasmo iyo garaad
Karti iyo hub qaad
Kaadsiiyo tiraab

Kaftan xiisolehba
Kobciya maanka oo
Abuura kalsoonida

Waa waxan kaltuun
Kalmadaha macaan
Kordhiya xubiga

Ugu kalaamo oo
Keligeyd Hablaha
Qarnigan kacay

Iga kaafisay oo
Kaska cad iraa
Nafta yana kalifine
Kalsoonida adkee

Adaa dumar kaxushoo Xaawaleyda oo idilDadka kasoo xigsaday Adaa xiska iyo maanka Naftu kuu xadreysaa Farxadada xaqdhorta...
11/01/2025

Adaa dumar kaxushoo
Xaawaleyda oo idil
Dadka kasoo xigsaday

Adaa xiska iyo maanka
Naftu kuu xadreysaa
Farxadada xaqdhortaa

Xaqiiqdii mid kulamida
Xaakim muu abuurine
Hooyo mey xambarine

Waxad xaal wadagtaan
Xuurul ceyntii janada
Loo xusul duubi jiray

Ifka xurmo kunolow
Xaasidka siduu rabo
Rabi haka xafido


Aakhirana xisaab li'i
Kuwa janada Loo xulo
Xaakim haka mid dhigo

Shantaan shey baa wadan hormariya Social institutions "Qaabeeyaha Bulshada" Tobanka wadan adunka ugu  hormarsan kuma jir...
10/31/2025

Shantaan shey baa wadan hormariya Social institutions "Qaabeeyaha Bulshada"
Tobanka wadan adunka ugu hormarsan kuma jira hal wadan oo caraba firiri jaatuskan(2aad).
Sababtoo ah shidalka cilmiga lagu soo saaray wadama carabtu malaheyn
Sidas daraad umad waa hormartay waxaa ladhihikaraa "CUDUD&CILMI MARKEY ISKUFILATO
Fiiri jaantuska (1aad)

Intad nin aan taarikh san iyo Aan laheyn taclin sare Durbaan utumilaheyd Tacadiga uu wado Aad kutaageeri laheed Adba noq...
10/31/2025

Intad nin aan taarikh san iyo
Aan laheyn taclin sare
Durbaan utumilaheyd

Tacadiga uu wado
Aad kutaageeri laheed
Adba noqo kan loo tumo

10/28/2025

Hadad nafta ii hureynin
Kalgacal ila hageynin
Qalbiga hoo I oraneynin

Hiyiga laabta igalineynin
Maxan haasawe cidlaa
Nafteydu ugu hilowdaa

Jaantuskii quruxda iyo Jaah iyo asluub wacan Hablaha  kula jiiloo Ama jaas wadagtaan   Ama ifka dumarka joogaa Jamaadey ...
10/26/2025

Jaantuskii quruxda iyo
Jaah iyo asluub wacan
Hablaha kula jiiloo
Ama jaas wadagtaan

Ama ifka dumarka joogaa
Jamaadey mana arag
Sheeko jirta kuma maqal

naas hooyo mey jaqin
Jeeraan kulasimo oo
Dhinacaaga ag joojiyo
Oo qurux kujaasiyo

10/17/2025

Dhaaxaan fariin
Dhambaalada jaceyl
Oo iga dhabtaahaa
Laga dhuray halbowlaha

Dharar iyo habeen
Kusodiray Dhooley
Farxad aan dhamaneyn

Dhiiranan kalgacal
Kudhiibay qalbiga
Hadalkeyga madhugatide
Sahal baad uidhaaftaa

Dhaayaha habeenkii
Adiga kudhowrtaan
Dhamideed aduunyada

Dhulka afartisa waaxood
Hadba dhinac ka eegee
Maiidhaamin sidaas

Dhabtii waxan iraahdaa
Dhool kuma ilaawine
Hagar kuguma dhaafine
Dhaqso wey u imaan
Nafta samir kusii dhaad

10/13/2025

Weli sidii baan deeqa
Dadka kaga dhaweystaa
Oo aad kuudaneeyaa
Farxadaada doonaa

Weli sidii buu dooqiyo
Cishqi iigu daranyahay
Oo dihaal dhibaato leh
Danab iila dhacayaa

Weli sidii baan dasturkii
Axdigii ladaabacay
Sirtu kuduugneed
deelqaf kadhowraa

Weli sidii baan dareeniyo
Damqashada iraahdaa
Qalbiga daweeysaa Oo
Ruuxda adi daryeeshaa

Weli sidii baan deeqa
Dabcan waxan iraahdaa
Dumar adaa ufilroon
Darajo aman mudan

Daaim waxan katugaa
Durbaan aroos iyo
Aqal laba daryaalaa

Inan kudadab galnoo
Ubad daadaheynoo
Duul wadajira noqonaa
ECo-Mukhtar A. Ahmed

10/11/2025

Aan hishiinee kalay
Isma huridoonee kalay
Dhabta kugu habee kalay

Ha hinaso nacabkee kalay
Aan yara hurudnee kalay
Xubnaha isku hilobee kalay

Hawsha bilownee kalay
Ubad aan habeenee kalay
Hooyo noqotide kalay

10/11/2025

Raga soomaali oo idil
Rijalkan kadortow
Maxan raadshay odokale

Maxan tabay oo rabay
Oo urafaday owgaa
Ridayaan lahan jiray

Oo iga raarneed
Kurumowday hadad tiri
Kugu raacay taladee
Raas kuistarexniyo
Reer aan yagleelnee
Reerka inagee
Xogside Online

10/09/2025

Barqadaan kulanaa
Waasan iikaahay oo
Farxad aan lakobeyn

Qalbigu iikashbacay
Oo kii ikaafin lahaa
Kurbada igu ragtiyo

Kelinima iga saari lahaa
kaabaha nolashiyo
Sow kaafiye maanhelin

Hadal aan karaahsado
Oo qalbigu kohoshada
nafta kurbeynkara
Kalmad xun ima oran

Address

New York, NY

Telephone

+252624241403

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogside Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share