Boundless MEdia - Somali

Boundless MEdia - Somali A source of reliable news, entertainment, storytelling and community events.

Somalia waxay yeelatay Dastuur cusub kadibna dhaqan galayo marka uu madaxweynaha saxiixo. Wax ka badalka dastuurka waxay...
03/05/2026

Somalia waxay yeelatay Dastuur cusub kadibna dhaqan galayo marka uu madaxweynaha saxiixo. Wax ka badalka dastuurka waxay ka mid tahay geedi socodka dowladnimo. Shaqada Golaha Shacabka ayaa ah dejinta ama wax ka badalka dastuurka. Ayaga ayaana awood u yeelan doono in waxna lagu daro, waxna laga badalo.

Hadaba, qolyihii reer Jubaland ee July 2024 taageeray gacan-taagii Kismayo ee loo adeegsaday baarlamaan 12-bilood sharciyada ka dhacsanayd, miyaa diidan dastuurkan federal-ka ee maanta meel-maray?

Gacan-taaga Kismaayo ee July 2024 waxaa lagu sheegay in sharciga la badalay si meesha looga saaro in xil-haynta Madaxeeynaha Jubaland la xaddido (si la mid ah tii Maduro.)

Ninka taa ku qancay, tanna diidan, waxay ka turjumeysaa siyaasad mala-awaal ku dhisan.

Waxaa qoray Dr Abdullahi ali Barre

 : Dr. Maryam Qaasim ayaa ku guulaysatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal Insaanka Soomaaliya
02/04/2026

: Dr. Maryam Qaasim ayaa ku guulaysatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqal Insaanka Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya magaalada G/kacyo ayaa sheegaya in Hodan Max'ud Diiriye oo horay loogu helay dilka gabar yar oo...
02/03/2026

Wararka naga soo gaaraya magaalada G/kacyo ayaa sheegaya in Hodan Max'ud Diiriye oo horay loogu helay dilka gabar yar oo la oran jiray Saabiriin Saylaan lagu fuliyay xukun dil ah.
Faahfaahinta halkaan kala soco

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqbashay in madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Jub...
02/02/2026

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqbashay in madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay caasimadda yimaadaan iyagoo wata ilaaladooda iyo hubkooda culus.

Odayaal dhaqan iyo Beesha caalamka ayaa la sheegay in caddaadis xooggan ay saareen madaxda DFS, taasi ayaa keentay in dowladda ay ogolaato in Deni iyo Axmed Madoobe ay hubkooda kala soo degaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Madaxdan oo la filayay inay maanta soo gaaraan Muqdisho ayaa hakiyay safarkooda sababo la xiriira arrimo amni, balse wararka hadda la helayo ayaa tilmaamaya in maalmaha soo socda ay imaan doonaan, si ay uga qayb galaan gogosha wadatashiga qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, waxaa socda dadaallo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed, kuwaas oo ay hormuud ka yihiin odayaasha dhaqanka, si loo helo xal waara oo lagu dhammeeyo khilaafka taagan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ergo ahaan u soo dirsaday Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ganacsade Mursal Kadiye iyo xubno kale, kuwaas oo wadahadallo la yeeshay dhinacyada siyaasadda, oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii h**e Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ergadaasi ayaa farriin ka waday madaxtooyada Soomaaliya oo muujineysa in dowladda federaalka ay ka garaawsatay khaladkii ka dhashay tallaabadii h**e loogu celiyay diyaarado siday wafdiyo ka socday Jubbaland iyo Puntland.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu dejinayo xiisaddii siyaasadeed ee soo xoogeysanaysay, islamarkaana lagu xoojinayo wada-hadalka iyo is-afgaradka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada

Waxaa maanta Khalalaase iyo buuq xooggan ayaa ka taagan xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xi...
02/02/2026

Waxaa maanta Khalalaase iyo buuq xooggan ayaa ka taagan xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xilli lagu waday in lagu qabto fadhi lagu falanqeynayo wax ka beddelka Dastuurka.

Xildhibaano diidan wax ka beddelka dastuurka ayaa saaka si buuxda u galay aqalka Baarlamaanka, inkastoo 18 xildhibaan oo shalay ganaax la saaray ay maanta qaar ku sugan yihiin, halka kuwa kale ay ka maqan yihiin.

Arrintan ayaa sii hurisay xiisadda iyo khilaafka ka dhex taagan Golaha.

Kulanka Baarlamaanka ayaa ku billowday buuq, sawaxan iyo is-riix-riix, iyadoo ciidamo boolis ah lagu arkay gudaha xarunta Villa Hargeysa, si ay u sugaan amniga.

Xildhibaano iyo askar ayaa isku hor istaageen qabsoomidda kulanka, taasoo sababtay in fadhigii si caadi ah u furmi waayo.

Waxaa sidoo kale la soo sheegay in ciidanka booliska ay gacan qaad ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada, taasoo dhalisay caro iyo cabasho.

Xildhibaan Cadar Xareed ayaa warbaahinta u sheegtay in ciidanka booliska Baarlamaanka ay dhaawac u geysteen, arrintaas oo sii xoojisay walaaca laga qabo xaaladda amni.

Gudaha xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka taagan buuq, is-maandhaaf iyo muran xooggan.

Ciidamo badan oo boolis ah ayaa isku dayaya inay xakameeyaan xaaladda, hase yeeshee ilaa hadda kuma guuleysan inay si buuxda u dejiyaan xasaradda.

Xaaladda Baarlamaanka ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inay ka dhalato fowdo cusub haddii aan si degdeg ah loo helin xal siyaasadeed oo lagu qaboojiyo khilaafka, loogana hortago rabshado hor leh.

Waxaa si weyn loo sugayaa go’aannada ka soo baxa hoggaanka Baarlamaanka iyo sida ay wax u maareyn doonaan xaaladdan cakiran.

Sawirada soo dhowaynta Madaxweynaha JFS ee magaalada Laascaanood
01/16/2026

Sawirada soo dhowaynta Madaxweynaha JFS ee magaalada Laascaanood

12/18/2025

Maamulka degmada Jawiil oo kulan la qaatay culimada maxaa looga hadlay.

12/13/2025

Maamulka iyo odayaasha Degmada Jawiil oo kulan yeeshay.

Address

Portland, ME

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Boundless MEdia - Somali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share