Boundless MEdia - Somali

Boundless MEdia - Somali A source of reliable news, entertainment, storytelling and community events.

Maxk**adda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa goordhow xukun dil toogasho ah ku riday laba eedeysane oo loo haystay kiiska...
11/30/2025

Maxk**adda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa goordhow xukun dil toogasho ah ku riday laba eedeysane oo loo haystay kiiska dilka hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kuwaas oo lagu dilay deegaanka hoostaga Qaayib.

Labada eedeysane ee la xukumay ayaa kala ah Cabdi Cismaan Cabdullaahi Galad Axmed Xuseen
Sidoo kale, eedeysane Ayub Maxamed Cabdi ayaa lagu xukumay xabsi dhan 5 sano

Maxk**addu waxay sheegtay in xukunka uu yahay mid caddaalad u horseedaya qoyska dhibbanayaasha iyo bulshada ku nool Galgaduud.

Maamulka Puntland ayaa War ka soo saartay howlgal culus oo cir iyo dhul isku jiray, oo ay ciidamada Maraykanka ka fuliye...
11/26/2025

Maamulka Puntland ayaa War ka soo saartay howlgal culus oo cir iyo dhul isku jiray, oo ay ciidamada Maraykanka ka fuliyeen Togga Baalade ee buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno sar-sare oo ka tirsan maleeshiyada Daacish.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta X ee maamulka Puntland waxaa lagu yiri: “Aaga Calmiskaad, howlgal cir iyo dhul ah oo ay fuliyeen saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka ayaa lagu beegsaday bartilmaameedyo sarsare oo ka tirsan argagixisada Daacish. Wixii faahfaahin ah waan ka soo gudbin doonnaa.”

Faah faahino ka soo baxaya dilka muwaadin Soomaliyeed Wararka ka imaanaya deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoo...
11/26/2025

Faah faahino ka soo baxaya dilka muwaadin Soomaliyeed

Wararka ka imaanaya deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo Xeebeedka Cape town ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed.
Allah u naxariiste muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Qaasin Abdi Hassan kaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas waxay ku dhex toogteen gudaha dukaankiisa oo ku yaalay deegaanka Philipi oo ka mid ah deegaanada ugu khatarta badan dhanka burcada beegsata ganacsatada Soomaalida.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Koofur Afrika ayaa saacado kadib tagay goobta lagu dilay Marxuumka, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaano la xiriira falkaas, hayeshee lama soo warin cid ay u soo qabteen dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed.

Dilalka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika ayaa si aad ah u kordhay maalmahan dambe mana jirto wax war ah oo ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay dhibaatooyinkan soo noqnoqday ee lagu beegsanayo nafta iyo maalka Soomaalida dalkaas ka dhex shaqeysata.

Sanad kasta Soomaalida aad u badan ayaa lagu beegsadaa gudaha Koofur Afrika, waxaana loo geystaa dilal, dhaawacyo iyo dhac joogto ah, hayeshee ma muuqato wax talaabo amni ah oo ay qaadeyso dowladda Koofur Afrika si loo yareeyo dhibaatada sii kordheysa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saakay u ambo-baxay da...
11/25/2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saakay u ambo-baxay dalka Marooko, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Madasha sanadlaha ah ee MEdays.

Madasha oo sanadkan ay ka soo qeybgalayaan 120 waddan, is lamarkaana uu martigelinayo Boqorka Marooko, ayaa Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka, dadaallada dowladdu ku xoojinayso amniga iyo dowladnimada.

Ilhaan Omar oo weerar afka ah ku qaadday madaxweynaha mareykanka
11/25/2025

Ilhaan Omar oo weerar afka ah ku qaadday madaxweynaha mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo madaxda kale ee xisbiga Dimuqraadiga-Farmer-Labor ayaa cambaareeyey beegsigii dhawaan Madaxweyne Donald Trump iyo xisbiga Jamhuuriga ay ku…

  : Maxk**ada gobolka mudug oo Hodan  ku xukuntay Dil  toogasho ah Maanta.
11/24/2025

: Maxk**ada gobolka mudug oo Hodan ku xukuntay Dil toogasho ah Maanta.

M/weynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa magacaabay ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan ka hortaga i...
11/23/2025

M/weynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa magacaabay ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan ka hortaga iyo la dagaallanka fikradda xagjirka ah ee rabshadaha wata kaasi oo loo magacaabay Xillibaan Aweys Maxamed Cumar.

M/weynaha ayaa ergeyga cusub kula dardaarmay inuu si hufan, daacadnimo iyo mas’uuliyad qaran leh ugu adeego dalka, isagoo ka shaqayn doona:

Xoojinta amniga iyo adkeynta dowladnimada
Ka-hortagga xagjirka iyo dagaalka ka dhanka ah
fikradaha rabshadaha wata
Horumarinta iskaashiga bulshada & hay’adaha amniga
Dhisidda iyo hirgelinta siyaasadaha qaranka ee P/CVE.

Muwaadin Soomaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur africaAlle ha u naxariistee, Maxamuud Cabdi Cusmaan, oo ka mid ahaa gana...
11/22/2025

Muwaadin Soomaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur africa

Alle ha u naxariistee, Maxamuud Cabdi Cusmaan, oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika, ayaa xalay lagu dilay gudaha dukaankiisa ku yaalla xaafadda Philipi ee magaalada Cape Town.

Wararka ayaa sheegaya in dilku ka dhacay dukaanka uu ka shaqeynayay, iyadoo aan la sheegin wax dhac ah oo dukaanka lagu geystay.

Booliska Koofur Afrika ayaa tagay goobta lagu dilay Marxuumka, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaanno la xiriira falkaas.

Sidoo kale, Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika looma arko inay qaaddo dadaalladii looga baahnaa ee lagu difaaci lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaa ku ganacsada una badan dad danyar ah oo nolol u raadsaday.

Ilaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya k**a aysan hadlin dhacdadan foosha xun, mana jiraan qorshe muuqda oo ay Dowladda Federaalka ugu wajahdo ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika.

Sanad walba Soomaalida badan ayaa lagu beegsadaa gudaha Koofur Afrika, waxaana loo geystaa dilal, dhaawacyo iyo dhac joogto ah, iyadoo aan la arkin wax tallaabo amni ah oo dhab ah oo dowladda dalkaasi qaaddo si loo yareeyo dhibaatada.

MW Xasan Sheekh oo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho kaga qeyb galayo Munaasabada Malinta Macalinka Soomaaliyeed.
11/22/2025

MW Xasan Sheekh oo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho kaga qeyb galayo Munaasabada Malinta Macalinka Soomaaliyeed.

Address

Portland, ME

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Boundless MEdia - Somali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share