Abdifatah Ugas Abdullahi

Abdifatah Ugas Abdullahi 🔭🕝
Don't wait for opportunity, Create it. A friend in need is a friend indeed.
🔎🔍
(2)

Airportka Kansai oo ku yaal Japan, wuxuu xiray rikoodh caalami ah. 30 sano oo uu dhisnaa hal boorso kuma lumin.
07/22/2025

Airportka Kansai oo ku yaal Japan, wuxuu xiray rikoodh caalami ah. 30 sano oo uu dhisnaa hal boorso kuma lumin.

Xog-hayaha guud ee NATO, Mark Rutte oo maanta Trump kula kulmay Aqalka cad, ayaa isagoo u muuqda inoo fogeynayo mowqifka...
07/14/2025

Xog-hayaha guud ee NATO, Mark Rutte oo maanta Trump kula kulmay Aqalka cad, ayaa isagoo u muuqda inoo fogeynayo mowqifka Trump ee ka dhanka ah Putin, wuxuu yiri : “ Putin, wuxuu wadahadallada dagaalka Ukraine usoo diraa nin taariikhyahan ah oo lagu magacaabo Vladimir Medinsky, halkii laga hadli lahaa sidee heshiis looga gaari kara dagaalkan, wuxuu billaaba inuu ka hadlo taariikhda Ruushka , xataa meel dhow k**a billaabayo , wuxuu ka soo billaabaya sannadkii 1250, isagoo aan daaleyn ayaa marka dambe la oran shirkii wuu dhammaaday.”

Fiiro gaar ah;

Hadalka wuxuu u muuqdaa inuu xoghayaha NATO u muujinayo Trump , hab dhaqanka Putin inuu yahay mid ku ciyaaraya iyaga , taa oo waxa uu ka doonayo ay tahay inuu Mareykanka si dhammeystiran u taageerro Ukraine.

Dalka Japan, ayaa jebiyay heerka xawaaraha internetka adduunka , iyagoo gaaray 1.02 petabit ilbiriqsigii,taas oo ah xawa...
07/10/2025

Dalka Japan, ayaa jebiyay heerka xawaaraha internetka adduunka , iyagoo gaaray 1.02 petabit ilbiriqsigii,taas oo ah xawaare awood u leh in lagu soo dejiyo dhammaan muuqaallada ku jira shabakadda Netflix hal ilbiriqsi gudaheed..!

📌Arin Cajiib ah:Gudoomiyaha Texas ee Dalka Mareykanka ayaa yiri "Alle hadii uu sharci daro kusoo galo mareekanka waa tar...
07/09/2025

📌Arin Cajiib ah:

Gudoomiyaha Texas ee Dalka Mareykanka ayaa yiri "Alle hadii uu sharci daro kusoo galo mareekanka waa tarxiileynaa" taasi oo uu ku muujinayey halka Madaxda Mareekanku ka joogaan Dadka sharcidarada kusoo gala Wadankaas. 🔥12 saac k**a soo wareegan Roob daadad wata ayaa lagu kiciyey, wabigana waa kusoo fatahay, 200 oo Qof ayaa ku dhimatay hanti balaayiin gaareysana waa ku burburtay oo Daadka ayaa qaaday. Awooda Alle ayaa wax yar laga tusiyey!

{ إِنَّ بَطۡشَ رَبِّكَ لَشَدِیدٌ }
[Surah Al-Burūj: 12]

£714 Million and 0 trophies in 5 years 😌.Happy Friday Arsenal .
01/10/2025

£714 Million and 0 trophies in 5 years 😌.

Happy Friday Arsenal .

•Qaraxyadii ka dhacay sannad-guurradii ka soo wareegatay dilkii Qasem Soleimani.•In la soo rido diyaarad uu la socday ma...
07/31/2024

•Qaraxyadii ka dhacay sannad-guurradii ka soo wareegatay dilkii Qasem Soleimani.

•In la soo rido diyaarad uu la socday madaxweynaha Iran.

•Ugu dambayntii dilkii hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh.

•Mossad waxay u gashay Iran si aan xad lahayn oo aan la rumaysan karin.

•Haniyeh, wuxuu ku dhowaaday maalmo ka hor inuu khudbad u jeediyo Baarlamaanka Turkiga. Bal qiyaas waxa dhici lahaa haddii lagu dili lahaa Turkiga?

•Iran waa inay runtii dib u eegis ku sameyso nidaamkeeda sirdoon, sababtoo ah si aad ah ayaa loo dhexgalay.

Waxaa jira dad badan oo sheegaya in Iran ay gacan ka geysatay dilka Ismaaciil Haniyah. Waxaan fahamsanahay inta ay le'eg tahay xannuunka ay dad badani la kulmaan dilka loo geystay qof muhiim ah sida Haniyeh xaaladahan oo kale, laakin runtu waxa ay tahay in aysan suurta gal ahayn in waddan uu ku lug yeesho howlgal soo bandhigaya habacsanaanta nidaamkooda amniga.

Waxaynu ka hadlaynaa dal dhawr bilood ka hor la dilay madaxweynihiisa iyo wasiirkii arrimaha dibadda. Waxaad xasuusataan markii aan si maldahan u sheegay, baaritaanadii aan ku samaynay soo riditaanka diyaaraddii madaxweynaha Iran iyo xiriirka uu shilka la lahaan karo Mossad, markaa waxaan sheegay Iran ma eedayn karto Mossad waxayna dhacdada noo tusi doontaa dhacdo caadi ah, taa oo ay ku dhammaatay, waayo in dil loo geysto Madaxweyne dal,haddii baaritaanka lagu soo bandhigo inuu uu dalka kale fuliyay, markaa waxay noqon lahayd ku dhawaaqis dagaal,maaddama Iran aysan lahayn awood ay uga jawaabto dilka, waxay isku dayday inay u muujiso shil dabiici ah.

Laakin dilkii Haniyeh ee Iran cid walba wey garaneysaa cidda ka dambeysa!

Su’aashuse waa ;

•Iran sidee uga jawaabi doontaa howlgallada weyn ee lagu hayo dhulkeeda?

•Arrintu lama mid aha dilkii Suleymaani...maxaa yeelay howlgalkaas waxaa laga fuliyay meel ka baxsan dhulka Iran.

•Hawlgalkani wuxuu u baahan yahay jawaab-celin ka timaada Iran oo aad u ballaaran sababtoo ah xajmiga hawlgalka, haddii kale waxay noqon doonaan kuwa daciif ah oo la naco!

Iman Jama .

Abkoow, gadaasha ragg isma warsanin, Diinta iyo dalkaad u shahiiday waan dayacnay. Xornimadii aad keentay lagugama xuso.
07/28/2024

Abkoow, gadaasha ragg isma warsanin, Diinta iyo dalkaad u shahiiday waan dayacnay. Xornimadii aad keentay lagugama xuso.

Waxaad qaxootinimo ku gali doontaan Yurub, waxaad u hogaansami doontaan qawaaniintooda, qashinka kuma tuuri doontaan dhu...
07/22/2024

Waxaad qaxootinimo ku gali doontaan Yurub, waxaad u hogaansami doontaan qawaaniintooda, qashinka kuma tuuri doontaan dhulka, sigaar kuma cabi doontaan goobaha bulshada, waxaad mari doontaan wadooyinka la idiin kuugu talo galay, waxaad yeelan doontaan dareen amni oo xitaa hadii mukulaal daaqada gurigiina wax ka xado waxaad la wadaagi doontaan booliiska....

Waxaad xiran doontaan suunka amaanka xiliga aad gaariga wadaan, qeybta dambe ee gaarigana waxay noqon doonta fadhiga carruurtiina, waxaad istaagi doontaan safka daabuurka xitaa hadii uu hal km gaarayo, markaad heshaan Jinsiyada Yurubiyaankana waxaad dooran doontaan qofka idin matalaya...

Waxaad raadin doontaan taariikhdiisa, noloshiisii iyo shaqadiisii h**e haduu xunyahayna ma dooraneysaan, balse dhammaan arimahaas hadaad sameyn laheydeen markaad dalkiina joogteen marnaba qaxooti kuma noqoteen dhul shisheeye.

Maxamuud Darwiish.

Magaciisa Saxda ah waa Al Amiin Jamaal 16 jirka yurub iyo caalamka indhaha ku hayaan.
07/10/2024

Magaciisa Saxda ah waa Al Amiin Jamaal 16 jirka yurub iyo caalamka indhaha ku hayaan.

“When the bird is alive, it eats the ants.” When the bird dies, the ants eat the bird.  Time and circumstances can chang...
07/05/2024

“When the bird is alive, it eats the ants.” When the bird dies, the ants eat the bird. Time and circumstances can change at any time. Never devalue or hurt anyone in life. You may be strong today but remember that time is stronger than you! One tree makes a million matchsticks, and one matchstick can burn a million trees, so do not let one negative thing affect the millions of positive things in your life...

“So be good and do good.🤏

Happy Friday 😊.

Jimca Wanaagsan.
06/28/2024

Jimca Wanaagsan.

Alloow camalkooda aqbal, Annagane noo danbi dhaaf. Halkaan waa Jabalu Raxma oo ku yaala Carafah. Waxaa saaran 2 million ...
06/15/2024

Alloow camalkooda aqbal, Annagane noo danbi dhaaf.

Halkaan waa Jabalu Raxma oo ku yaala Carafah. Waxaa saaran 2 million oo muslimiinta ah, Alle ayeey soo ajiibeen, Allow adoomadaada waxeey ka yimaadaan meela fog fog, Waxeey soo doonteen Naxariistada, Waxaad tahay Rabbi naxariis badan, Allow danbigooda iyo keena noo dhaaf.

Address

Reading, PA

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdifatah Ugas Abdullahi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share