Bc24tv this is official page of BC24TV, an independent media group (cable tv, television and website ) BC24T

Baddacas 24 Tv Is the Largest Somali Tv of horn of africa, you can always watch events of all somali region and around the world.

08/27/2026

DEG DEG Shirkii golaha wasiirada somaliland maxaa kasoo baxay

08/26/2026

Deg Deg Daawo Go, aanadii kasoo Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland

Bc24tv

Wararka Baddacas24tv Hargeysa ๐–๐€๐‘-๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒFadhigii 73-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu...
08/26/2026

Wararka Baddacas24tv Hargeysa

๐–๐€๐‘-๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Fadhigii 73-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.

Golaha Wasiirrada JSL waxa ay Fadhigii 73-aad ku lafa-gureen xaaladaha Amni, Ganacsiga iyo Waxbarashada dalka, iyada oo warbixinno muhiim ah laga dhegaystay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Ganacsiga iyo Dalxiiska, iyo Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska.

๐Ÿ. ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa Golaha la wadaagay xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo sheegay in guud ahaan dalka ay ka jirto xasillooni iyo amni sugan.

Wasiirku waxa uu sheegay in shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay deegaanno ka mid ah Gobollada Awdal iyo Selel ay haatan soo afjarmayaan, isla markaana deegaannadaasi ay ka jirto nabad iyo xasillooni. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu faahfaahiyey dedaallada ay Xukuumaddu hormuudka ka tahay ee lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha, dib-u-heshiisiinta iyo is-afgaradka bulshada ku dhaqan deegaannadaasi.

Wasiirku waxa uu si adag u adkeeyey in deegaannadii ay shaqaaqooyinku ka dhaceen aan gebi ahaanba loo oggolayn qof shacab ah ama koox ah oo aan ka tirsanayn Hayโ€™adaha Amniga in ay sidato hub, nooc kasta oo uu yahayba.

Waxa kale oo uu xusay in Ciidamada Amnigu amar ku qabaan in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo arrintaas ku xad-gudubta, isla markaana ay hubka kala wareegaan.

๐Ÿ. ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ข๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐’๐ก๐ข๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ข๐œ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐œ๐ข๐ข๐ฌ๐ก๐š๐๐๐š

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin ku saabsan korodhka qiimaha shidaalka iyo saamaynta uu ku yeeshay nolosha bulshada, sicirka maciishadda iyo sarrifka Shillinka Somaliland.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in dalka uu soo gaadhay shidaal badan oo batrool ah, halka naaftaduna ay soo socoto, taasi oo wax weyn ka beddeli doonta korodhka qiimaha shidaalka iyo xasillinta sicirka suuqa shidaalka.

Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay tallaabooyinka ay Wasaaraddu waddo, oo ay ka mid yihiin la socodka suuqyada, wada-shaqaynta ganacsatada shidaalka, hubinta helitaanka shidaalka iyo ka hortagga korodhka aan salka ku hayn xaaladda dhabta ah ee suuqa.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto xasilinta suuqa, ilaalinta awoodda wax-iibsiga bulshada iyo yaraynta culayska dhaqaale ee ka dhasha isbeddellada qiimaha shidaalka.

๐Ÿ‘. ๐๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐š๐๐š ๐ˆ๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐š๐š๐ง๐ง๐š๐๐š ๐’๐ก๐š๐ก๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”-๐ค๐š:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Mudane Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa Golaha uga xog-warramay soo saarista natiijada Imtixaannada Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Dugsiyada Sare ee sannadka 2026-ka, kuwaas oo si rasmi ah loo shaaciyey 25/08/2026-ka.

Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay hab-socodkii imtixaannada, sixitaanka, hubinta iyo soo-saarista natiijooyinka, isaga oo xusay dedaallada ay geliyeen Xafiiska Imtixaannada Qaranka iyo Wasaaradda Waxbarashadu, si loo xaqiijiyo in natiijooyinka Imtixaannadu ay noqdaan kuwo ku dhisan hufnaan, caddaalad iyo eex-la'aan.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Bc24tv

08/19/2026

Deg Deg Cuqaasha iyo Xildhibaanada Beesha Ciise Ee Somaliland oo Hada ka Hadlay Arimo Xasaasi ah

Fadlan Sii shere Garee Mahadsanid

Bc24tv

Shan qodob  oo Ugaaska Ciise kaga duwabyahay madaxdhaqameedka Soomaalida.1.Midnimada Hoggaanka Dhaqanka:Ugaaska Ciise wa...
08/19/2026

Shan qodob oo Ugaaska Ciise kaga duwabyahay madaxdhaqameedka Soomaalida.

1.Midnimada Hoggaanka Dhaqanka:
Ugaaska Ciise waa hoggaanka kaliya ee beesha Ciise ku midaysantahay,mana jiro Ugaas,Garaad,Boqor iyo Suldaan kale oo isla beeshaas kawada dhexeeya.

2.Habka Loo doorto Ugaaska:
Ugaasku kuma yimaado qaab dhaxal ah,balse waxaa lagu soo xulaa hannaan dhaqameed si qotodheer looga fiirsaday, laguna saleeyey karti iyo ogolaansho bulsho.

3.Ku Dhaqanka Xeerka:
Ugaaska Ciise waxa uu ku shaqeeyaa Xeer iyo nimaad xaddidaya awoodihiisa isla markaana hagaya isku xidhka Ugaaska iyo beeshiisa

4 Ka Fogaanshaha Siyaasadda:
Ugaaska Ciise guud ahaan kuma milmo loolanka siyaasadeed iyo khilaafaadka dawladaha waxaana dhif iyo naadir ah in lagu arko warbaahinta.

5.Saamaynta Ugaaska:
Saamaynta Ugaasku waxa ay gaadhaa sadex dal oo ay ku kala noolyihiin bulshada Ciisuhu sida,
Jabuuti,Soomaaliland iyo Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan Is maamulka Dirirdhabe oo fadhigiisu yahay.

Abwaan Yuusuf Shaacir ayaa Sidan Yidhi

Deg Deg Cuqaasha siyaasiyiinta iyo haldoorka beesha ciise Ee Somaliland oo Maanta shir jaraa,id ku qabtay Magaalada harg...
08/19/2026

Deg Deg Cuqaasha siyaasiyiinta iyo haldoorka beesha ciise Ee Somaliland oo Maanta shir jaraa,id ku qabtay Magaalada hargeysa iyagoo ka Hadlay Arimo Xasaasi ah
dhawaan Fillo Muuqaalka

Insha allaah

ugu falgalka badan

08/18/2026

Deg Deg Beesha Ciise oo Digniin K**a dambeyn ah udirtay Xukuumada Madaxweyne Cirro + Sababta

Bc24tv

08/18/2026

Maxaa kala Qabsadey Wasiir Cabdale Sandheere iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jsl

08/18/2026

Bc24tv

08/17/2026

Deg Deg Maxaa kala Qabsadey Wasiir Cabdale Sandheere iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland

Bc24tv

Address

6100 Westwood Pkwy Apt 208
Saint Cloud, MN
56303

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bc24tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bc24tv:

Shortcuts

Share

Category