Bc24tv this is official page of BC24TV, an independent media group (cable tv, television and website ) BC24T

Baddacas 24 Tv Is the Largest Somali Tv of horn of africa, you can always watch events of all somali region and around the world.

11/23/2025

Wasiir Kaltuun oo ku guuleysatay sii daynta Cuqaashii gabiley ku xidhnay

Wararka Baddacas24tv Djibouti 🇩🇯   Ganacsade Xussen Maxamuud Xoosh, oo ka mid ah maalqabeennada dalka Jabuuti, islamarka...
11/23/2025

Wararka Baddacas24tv Djibouti

🇩🇯 Ganacsade Xussen Maxamuud Xoosh, oo ka mid ah maalqabeennada dalka Jabuuti, islamarkaana leh hotel-ka Acacias ayaa maanta hadhimo sharafeed u sameeyay Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays iyo Odayaasha Gandaha ee ku sugan dalka Jabuuti.

Hadhimadan sharafeedkan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, isla markaana muujisay ixtiraamka iyo maamuuska uu Ganacsaduhu u hayo madax-dhaqameedka Beesha Ciise.

Bc24tv

11/22/2025

Heesta Guusha Xeer Ciise Saylac iyo Xayaad Maydal Bc24tv 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Mudane Cabdale Maxamed Carab, ayaa maanta gudoomiyay shirkii Amniga Gobo...
11/22/2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Mudane Cabdale Maxamed Carab, ayaa maanta gudoomiyay shirkii Amniga Gobolku Selel.

Shirka Amniga Gobolka oo ay ka soo qayb galeen, Badhasaabka Gobolka Selel, Taliye ku xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska, Maayarka Magaalada Saylac, Masuuliyiinta kala duwan ee Ciidamada ka hawl gala Gobolka Selel.

Badhasaabka Gobolka Selel, Cabdi Siciid Faahiye, ayaa ka war bixiyay xaalada guud ee nabadgelyada Gobolka Selel, oo uu sheegay in ay tahay mid fiican oo nabadgelyo ah, marka laga reebo, dambiyada yaryar ee sida caadiga ah u dhaca mooye.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdale Maxamed Carab, ayaa isna si wayn u amaanay Badhasaabka iyo Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee ka hawl gala Gobolka Selel sida fiican ee ay u wada shaqeeyaan, iyo sida ay heeganka ugu yihiin sugida Amniga Guud ee Gobolka Selel.

Kulanka maanta waxa wasiirka ku wehelinaayay Wasiirka Gaashaandhiga iyo xubno kale oo ka mid ah weftiga Heer Qaran ee ku sugan Gobolka Selel.

Bc24tv

Wararka Baddacas24tv Hargeysa Xeer Ciise waxa loo aqoonsaday in lagu daro liiska waxyaabaha ay tahay in banii-adamka loo...
11/21/2025

Wararka Baddacas24tv Hargeysa

Xeer Ciise waxa loo aqoonsaday in lagu daro liiska waxyaabaha ay tahay in banii-adamka loo ilaaliyo oo aadnaha oo dhan ay dani ugu jirto in la la ilaaliyo. Inaguna waa reer hebel iyo waa reer hebel baynu ku doodaynaa.

Dadka qaar baa moodaya in wuxu yahay buug cidi qortay. Maaha. Waa xeer qabiil oo soo jiray ilaaa iyo weligeed oo af ahaan la isugu gudbiyo sida xeerarka kale ee reeraha Soomaalidu tahay. Waa aqoonsi Soomaalidu heshay. Ma aha xeer qoran iyo buug cidi leedahay toonna.

Bc24tv Cabdiraxmaan Cirro BBC News

Wararka Baddacas24tv Saylac Lipaax laydha jiifa Madaxwaynaha gobolka salal Mudane Cabdi siciid faahiye Wararka beenta ah...
11/21/2025

Wararka Baddacas24tv Saylac

Lipaax laydha jiifa

Madaxwaynaha gobolka salal
Mudane Cabdi siciid faahiye
Wararka beenta ah ee media la wareejinaayo waa waxba k**a jiraan iyo Been abuur

Badhasaabkuna sidiisii caadiga ahayd ayuu uwataa shaqadiisii

Bc24tv

11/20/2025

Xusuusin
Waa habeen Jimce ah ee aan badino Saliga Nabi Muxamed SCW❤ﷺﷺ.

War Deg Deg ahMaanta waxay socotaba waxay maraysaa in qeyb ka mid ah cuqaasha iyo qeyb ka mid ah guddida qabanqaabada Xu...
11/20/2025

War Deg Deg ah

Maanta waxay socotaba waxay maraysaa in qeyb ka mid ah cuqaasha iyo qeyb ka mid ah guddida qabanqaabada Xuska dhaqanka Xeer Ciise inlagu xidho ama lagu hor istaago kaantaroolka Magaalada caasha cado waxaana amarka lagu joojinaayo masuuliyiinta deegaanka Soo bixiyey Taliyaha Qeybta booliska Gobolka salal Maxamed Case

Sidoo kale wuxuu Taliyaha Qeybtu amar kusiiyey Jiif caaqilada beesha ciise Ee saylac ku sugnaa in deg deg uga baxaan Magaalada saylac

Ciisoow halkaasey maraysaa

Way bilaahi tawfiiq

Wararka Baddacas24Tv Hargeysa Wasiirka Arrimaha iyo Amniga JSL  mudane Cabdale maxamed  Carab ayaa shirkii golaha wasiir...
11/19/2025

Wararka Baddacas24Tv Hargeysa

Wasiirka Arrimaha iyo Amniga JSL mudane Cabdale maxamed Carab ayaa shirkii golaha wasiirkada ka jeediyey

Warbixinta Xaaladda Amniga Dalka:

Waxa uu ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amnigu Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay jirin khatar amni oo Qaranka halis ku ah.

Sideed u aragtaa hadalka Wasiir Cabdale Sandheere kasoo yeedhey iyadoo Laga wada dharagsan yahay xaalada iyo kacdoonkuu Saylac ka abuurey

Bc24tv

Wararka Baddacas24Tv Hargeysa “Anigu waxaan doonayaa inaan si cad u muujiyo mowqifkayga ku aaddan arrinta xeerka Beesha ...
11/19/2025

Wararka Baddacas24Tv Hargeysa

“Anigu waxaan doonayaa inaan si cad u muujiyo mowqifkayga ku aaddan arrinta xeerka Beesha Ciise. Waxaan aaminsanahay in xeerku yahay tiirka ugu weyn ee nidaamka dhaqankeena, waana in lagu qabtaa meel sharafteeda, taariikhdeeda iyo dhaqankeeda leh.

Sidaa darteed, waxaan taageero buuxda u muujinayaa in xeerka Beesha Ciise lagu qabto Saylac. Saylac waa magaalo muddo dheer bulshada Ciise u ahayd meel xeer, suldanimo iyo dhaqanba ku wada xidhan yihiin.

Mowqifkaygu ma aha mid siyaasadaysan, ee waa mid ku dhisan wanaag, nabad iyo ilaalinta hab-dhaqanka ay bulshada ku mideysan tahay. Waxaan aaminsanahay in go’aankaasi uu xoojinayo isku duubni, sharaf iyo is-ixtiraam, taas oo ay bulshadeenu u baahan tahay mar walba.

Anigu diyaar ayaan u ahay inaan ka shaqeeyo wixii xoojinaya wadajirka, isla markaana ixtiraama rabitaanka bulshada iyo dhaqankeeda kala duwan

Xildhibaan Maxamed Abiib

Bc24tv

11/19/2025

Qodobadii kasoo baxay shirweynihii Beesha ciise Ee AYSHACA Ee ku aadanaa Qabashada Xaflada Xuska Aqoonsiga Xeer Ciise

Bc24tv

11/19/2025

Cabdiraxmaan Cirro

Address

6100 Westwood Pkwy Apt 208
Saint Cloud, MN
56303

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bc24tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bc24tv:

Share

Category

Bc24 Tv Online

Ku soo Dhawoow Bc24tv waxaad naga heli doontaa warar tafo tiran + barnaamijyo Tayo Leh Oo Ka Turjumaya Xiisaha Dadweynaha , Heesihii Ugu Dambeeyey , Hal Abuurka Gabayada ,Xulashada Ciyaaraha ,Kartida Hal Abuurka, IYO Madadaalo Ku Raali Galin Doonta

Ku Xidhnow Bc24Tv Realpage