Bulsho News

Bulsho News Bulsho is a Somalia tv's produced. news. social affairs" music and Business

09/06/2026

Maxaa Israel Ku Kallifay Inay Somaliland Digniin Safar Ka Soo Saarto?

09/06/2026

Diyaaradihi La inoogu Duqeeyey Ayaa Xamar Maanta Lala Dhacaya,Soo Noqon Mayso Somaliland Ee Dagaal"Suldaan Hargaysa Ka Hanjabay

09/06/2026

"Madaxweyne Abwaan Jiheeye waa inankagii ee Siidaa"Suldaan Daa uud Suldaan Cabdiqaadir

09/06/2026

Arin Culus Oo Maraykanka Ku Qasbaya Aqoonsiga Somaliland

09/06/2026

M.Ciro Oo Dunida U Dhigaya Casharo Laga Yaabay+Wax Wayna Soo Wada + Aqoonsiga Somaliland

09/05/2026

Aqoon-yahannaddii u horreeyey oo maanta ka qallin-badashay Machadka shaqaallaha dawladda xaruntiisa gobollada bari ee Burco iyo masuulliyiin ka qayb-gallay

09/05/2026

CIRRO OO WASHINGTON JOOGA: Yuu Kula Kulmayaa Maraykanka? | Xog Cusub

09/05/2026

Madaxwayne Ciro Sidee Loogu Soo Dhaweeyey Maraykanka

TACSI GUDDOOMIYE‎ إنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونإنINNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUNGuddoomiye ku-xigee...
09/05/2026

TACSI GUDDOOMIYE
‎ إنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونإن
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xiabiga Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba bahweynta xisbigu waxa uu tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa qoyska, ehelka, Golaha Guurtida iyo guud ahaan shacabka JSL geerida ku timi AHN marxuum Xildhibaan h**e Maxamuud Xareed Rooble oo ku geeriyooday Hargeysa maanta.

Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu ku tilmaamay Marxuum Maxamuud Xareed Rooble inuu ahaa oday samo-talis ah oo kaalin weyn ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-heshiisiintii beelaha Somaliland, isagoo tan iyo bilowgii Golaha Guurtida oo uu ka mid ahaa xildhibaannadii lagu aasaasay lagu yaqaanay odaynimo iyo talo-qabeenimo.

Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u dambi dhaafo, jannadiisa Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo Golaha Guurtida samir iyo iimaan ka siiyo Aaamiin...aamiin...aamiin.

Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝 𝐚𝐡 𝐮𝐠𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 𝐃.𝐂.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud...
09/05/2026

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝 𝐚𝐡 𝐮𝐠𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 𝐃.𝐂.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ayaa si nabad ah uga degay Madaarka
Washington Dulles International Airport (IAD) ee magaalada Washington, D.C., halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka iyo saaxiibada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa safarka ku wehelinaya Marwada Koowaad ee Qaranka JSL, iyo xubno kale oo ka tirsan weftiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
2. Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada
3. Wasiirka Gaashaandhigga
4. La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha
5. La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah .

Sidoo kale waftiga Madaxweynaha waxa ku soo biiri doona Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Wasiirka Madaxtooyada iyo La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah .

Muddada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku guda jiro safarkiisa shaqo ee dalka Maraykanka, waxa uu kulamo iyo wada-hadallo la yeelan doonaa masuuliyiin iyo dhinacyo muhiim ah, isaga oo diiradda saari doona xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, maalgashiga, iyo taageerada qaddiyadda aqoonsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Safarkani ma aha oo keliya booqasho diblomaasiyadeed, balse waa juhdi Qaran oo lagu horumarinayo danaha, sumcadda iyo himilada Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo Madaxweynaha iyo weftigiisu ay Washington u gudbin doonaan aragtida Somaliland, xaqiiqadeeda siyaasadeed, doorkeeda istaraatiijiga ah iyo rabitaanka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo ah in dalkoodu helo aqoonsi iyo xidhiidh caalami ah oo ku salaysan dano-wadaag iyo iskaashi midho-dhal ah.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Address

Seattle, WA
98118

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bulsho News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bulsho News:

Shortcuts

Share