Fik web TV

Fik web TV broadcasting And media Production Campany

XAALAD DEG DEG AH.Wiilkan waxaa lagu magacaaba Ilyaas Qalinle Cusmaan. Wuxuu ku nool yahay Magaalada Diridhaba. Waa Aabe...
01/07/2026

XAALAD DEG DEG AH.

Wiilkan waxaa lagu magacaaba Ilyaas Qalinle Cusmaan. Wuxuu ku nool yahay Magaalada Diridhaba. Waa Aabe dhawr bilood xannun soo ritay oo haysta shan caruur ah. Hooyadii iyo Aabihii sannadkan ayay dhinteen. Aabihii 2 bilood unbuu aasan yahay. Waliba dhaxan ku xumaatay iyo darrayo ayuu u dhintay sidduu wiilku iisheegay😭

Xannunkii h**e wuu iskala tacaalayay, laakin laba cisho kahor ayaa waxaa bararay Xiniin-yaha. Wuxuu le'kaaday laba sacab ka badan. Xiniintuna waa sida wadnaha oo qofka hadaan gurmad degdega helin waxay ku dhimataa wakhti yar. Inta hawshan qabsatay ee kamidka ahay unbaa darreemi karta, waa sida qof nabar ku taagan yahay oo aan sinaba u dhaq-dhaaqaaqi karin.
Ilaays, wax dhaqaalle ah ma haysto. Ehelna uma joogan. Islaantisa ayaa baradho yar meel ku gada, mana awoodo baahidii xaafada in ay daboosho.

Qofka xaalka noocasa ku suggan dhalinyarada Diridhaba sabab ay ugu gurman waayen garran mahayo. Hada, aynu u kacno bal in loo badbaadiyo xiniinyaha.

Lambarkiisa: 0950422254
Magaca ebir: Ilyaas Qalinle.

Fadlan faafiya sawirka si cusbitaal degdega loolla cararo.

Voss Tv

01/06/2026

DIGNIIN SOOMAALIDA MN iyo OHIO: Group cunsuriyiin ka kooban 10 oo magac xumo u raadinaya Soomaalida Ohio ayaa maalinta berito Twin Cities ka iyo Columbus ganacsiyada Soomaalida ku wajahan iyadoo lacag lagu soo siiyay inay ganacsiyada Soomaalida ay beegsadaan kuna shaabadeeyaan fraud iyo waxaan ku jirin ku shaabadeynayo siduu ka qirtay afkiisa wareysi uu bixiyay oo 10 maalmood ayay Columbus Ohio joogi doonaan. cunsuriga Walter E Curt oo ah cunsuri ku nool Sprinfield Ohio oo dadkii Haitian ahaa been ka faafin jiray.

Walter E Curt siduu ku bixiyay wareysigiisa qeybta comments in lacag lagu siiyay isaga iyo 10 kale oo ugu yeeray "investigators" inay baari doonaan waxaan jirin. Haddaba hadduu ganacsigaada yimaado ka feejignaaw.

Codka iyo hiilka dhabta ah ee shacabka deegaanka somalida .Voss Tv  Macalinka Soomaaliyed
01/06/2026

Codka iyo hiilka dhabta ah ee shacabka deegaanka somalida .

Voss Tv Macalinka Soomaaliyed

2026 sanad cusub nolol cusub Allow khayr noooga dhig
01/01/2026

2026 sanad cusub nolol cusub Allow khayr noooga dhig

Magaalada   oo kamida Degmooyinkii Deegaanka ugu h**eeyay Malaha  Adeegyada Aas-aasiga ah Sida: Laydh, Biyo-galin,  Netw...
12/25/2025

Magaalada oo kamida Degmooyinkii Deegaanka ugu h**eeyay Malaha Adeegyada Aas-aasiga ah Sida:

Laydh, Biyo-galin, Network Fiican iyo Wadooyin dhamaystiran.

Sagag waxay kamid ahayd meelihii ayka dhaceen Gabood Faladii xumaa Xiligii Nabad la'aantu Jirtay.

Sagag waxay u baahan tahay in Hoos u eegto Xukuumada Deegaanku Gaar ahaan Si ay u hesho Adeegyada Aas Aasiga ah.

Wariye Ibrahim Dallaay

12/24/2025

Adan faarax

Fiiq ,Jiilka cusub ee kubada cagta .
12/23/2025

Fiiq ,Jiilka cusub ee kubada cagta .

Buuga Maydka Nasiiya oo fiiq 2 bil yaala walina aan lagu soo bandhigin ,talo ahan waxan so jeedin lahaa  in qoraaga gara...
12/23/2025

Buuga Maydka Nasiiya oo fiiq 2 bil yaala walina aan lagu soo bandhigin ,talo ahan waxan so jeedin lahaa in qoraaga garab lagu siiyo sidii fiiq loogu soo bandhigi lahaa buuga ka bulsho ahaan ka maamul gobol ahaan ka degmo ahaan iyo dhamaan degmoyinka gobolka Erar .

Qoraaga oo ree fiiq ah muuna helin mudnaantii uu ku lahaa !!

Buugga: Maydka Nasiiya!
Waxaa qorey Qoraa: Abdi Haybe Osman
Buugga Maydka Nasiiya! waa qoraal qiiro iyo xanuun xambaarsan oo si geesinimo leh u iftiiminaya ayaan-darradii, tacaddiyadii iyo xasuuqyadii ka dhacay Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan xilliyadii madoobaa ee dad qalataddii TPLF iyo wixii ka horreeyeyba. Waa buug aan kaliya ahayn sheeko, balse ah xusuus taariikheed iyo marag-fur ka dhan ah dulmi aan la dafiri karin.
Buuggu wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa Qoyska reer Haybe Osman, oo Alle ha u naxariistee uu ka dhashay Halgamaagii waynaa Mustafe Haybe. Qoyskan waxaa loo geystay tacaddi fool-xun oo aan h**ey loo arag, midna looba reebin dad iyo duunyaba, waxaana lagu sameeyey falal ka baxsan bini’aadantinimada.

Qoraalka buugga waxaa ku xardhan dhacdooyin argagax leh, murugo reebaya, kana gilgilaya damiirka akhristaha.

Maydka Nasiiya! ma aha oo keliya buug xanuun ka warramaya; waa baaq, wacyigelin iyo dhaxal reeb u taagan in la illaawo dulmigii dhacay iyo in jiilasha dambe ay ogaadaan runta la qariyey.

Buuggan waxaa markii ugu horreysay lagu daahfuray Magaalada Jigjiga, waxaana ka soo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu sarreeya Deegaanka Soomaalida, iyadoo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Deegaanka, Mudane Mustafe. Sidoo kale, buugga waxaa si rasmi ah loogu daahfuray magaalooyinka Dhagaxbuur iyo Qabridaharre, halka daahfurkiisa Magaalada Fiiq uu weli sugayo qabsoomid.

Buugga Maydka Nasiiya! waa qoraal taariikhi ah oo aan la iska indho tiri karin, kana mid ah buugaagta mudan in la akhriyo, la keydiyo, lagana dhaxlo casharro qoto dheer oo ku saabsan dulmi, halgan, iyo adkaysi.

12/23/2025

Adhi wali maraacdey

Hambalyo xulka kubada cagta degmada marsin  oo kuguuleysaty koobka horyaalka degmoyinka .
12/22/2025

Hambalyo xulka kubada cagta degmada marsin oo kuguuleysaty koobka horyaalka degmoyinka .

Barkhadle Maxamed Macalin oo ree Fiiqeed ah wuxuu ka xanuunsanyahay cunaha, markuu cuntadii cunaha ka liqi Kari waayay w...
12/20/2025

Barkhadle Maxamed Macalin oo ree Fiiqeed ah wuxuu ka xanuunsanyahay cunaha, markuu cuntadii cunaha ka liqi Kari waayay waxaa lagasiiyaa mudo todoba bilood ah caloosha oo tuunbadaas caloosha kaga jirto yaa laga quudiyaa🥲
Waxaa lageeyay Cusbitaal ka referalka jigjiga , waxayna dhaheen geeya dhakhtar kuyaala Harar si cunaha laysar loogaga daaweeyo, loona dhaqo.

Barkhadle waa Nin aan wax hanti ah haysan,wuxuuna ubaahanyahay lacag 500,000 birr si uu uhelo adeegaas caafimaad ee uu ubaahanyahay, Wuxuuna ka codsanayaa walaalaha Soomaaliyeed meelwalbay joogaan inay kusoocaawiyaan wuxuu awoodo qofwalba.

+251940981010(Hay’ada Samafalka Taakulo)
Zaad: +252638545985 (Maxamed axmed Maxamud)
E-Dahab. +252 657648833 (Yaxye Maxamed Ammaan)
gareeya oo gaadhsiiya dadka muxsiniinta ah siay usoocaawiyaan.
Taakulo Impact

Address

Downtown Shakopee, MN
55379

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fik web TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Fik web TV:

  • Want your business to be the top-listed Media Company in Downtown Shakopee?

Share