09/21/2025
DEG DEG : Geylac oo caawa dhufeysyo ka qotay degmada deyniile.ayaa yiri xildhbaanada baarlamaanka nagu matalo matalaadooda waxa ay lamidtahay Xildhibaan GOBSAN oon hargeysa tagi karin
Carada Gaylac ayaa kadhalatay kadib markii ay ciidanka dowladdu ku dileen xaafadda Raadeerka ee degmada Deyniile allaha unaxariistee Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ka dhiidhinaya dhulboobka ay dowladda ka waddo magaalada muqdisho gaar ahaan degmada Deyniile.
TACSIYO
Raysalwasaare h**e Hassan Ali Khaire ayaa katacsiyeeyay geerida wiilka dhalinyarada ay ciidamada dowlada kudileen dagmada Deyniile
Waxa uuna yiri Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ay caawa ciidanka dowladdu ku dileen xaafadda Raadeerka ee degmada Deyniile. Waxaan Alle uga baryayaa in uu u naxariisto marxuumka, una boogadhayo shacabkii ay ciidanku ku dhaawaceen iyagoo ka dhiidhinaya dhulboobka ay dowladda ku waddo degmada Deyniile.
Waxaa ayaandarro iyo musiibo qaran ah in dowadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay laynayso shacab Soomaaliyeed si ay uga barakiciso guryahooda, ugana boobto dhulal ay sifo sharci ah ku bixiyeen dowladihii h**e, ciidankii qarankana u adeegsanayso barakicinta iyo gumaadka shacabka.
Waxaan ciidanka qaranka uga digayaa in ay ka ka sii qeybqaataan laynta dadweynaha iyo barakicinta dadka danyarta ah. Waxaan mar kale ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu degdeg u joojiyo boobka dhulka shacabka iyo gumaadka dadka birimageydada ah.
SURAD MEDIA