Hortabin Media

Hortabin Media Welcome to Hortabin Media. A leading source for trusted news and original reporting from Somalia.

 : Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Somalilnad in ay Mareykanka u ballan qaaday saldhig ciidan iyo macaadin si ay u hel...
01/08/2025

: Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Somalilnad in ay Mareykanka u ballan qaaday saldhig ciidan iyo macaadin si ay u helaan aqoonsi.

Warbaahinga Bloomberg ayaa baahisay xog la xiriirta in Somaliland ay Mareykanka u soo bandhigtay saldhigan oo ku yaalla badda cas, tillaabadaasina lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.

Sidoo kale, qorshaha ayaa waxaa ku jira ballaqanqaadka macaadin muhiim ah, si ay Somaliland u hesho aqoonsiga Mareykanka.

Sanadihii la soo dhaafay Somalinand ayaa si weyn u daneynaysay xiriir rasmi ah oo la yeelato Mareykanka oo kamid ah dalalka saameynta ku leh Siyaasadda Caalamka.

 : Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa magaalada Jakarta ee dalka Ind...
01/08/2025

: Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa magaalada Jakarta ee dalka Indonesia kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), Dr. Kao Kim Hourn.

Kulankaasi ayaa looga hadlay xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo wadamada xubnaha ka ah ASEAN, iyadoo lagu falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka Ganacsiga, Waxbarashada iyo iskaashiga guud ee labada dhinac.

Wasiir Cabdisalaam ayaa Xoghayaha Guud u sheegay in ay Soomaaliya ururkaasi ka dooneyso iskaashi sare qaadi kara xiriirka Ganacsi, Siyaasadeed iyo bulsho ee ay la leedahay wadamada Koonfur Bari Aasiya.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee ASEAN, Dr. Kao Kim Hourn, ayaa si diirran u soo dhoweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirka ay la leedahay ASEAN.

 : 1-da Agoosto waa maalin lagu xasuusto dhacdooyin kala duwan oo saameyn leh sida dhismaha Maamulka Puntland, geeridii ...
01/08/2025

: 1-da Agoosto waa maalin lagu xasuusto dhacdooyin kala duwan oo saameyn leh sida dhismaha Maamulka Puntland, geeridii Jeneraal Ceydiid iyo Guddoomiyihii gobolka Banaadir, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Maamulka Puntland oo la aas aasay 1 Agoosto 1998 ayaa maanta xasuusanaya halgalka adkaa ee dhismaha dowlad goboleedka oo saldhig u noqday nidaamka Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, 1-da Agoosto waxay sidoo kale tahay maalintii uu geeriyooday Gen. Maxamed Faarax Caydiid (1996), oo kamid ahaa saraakiishii hoggaaminayay dagaalkii lagu riday Madaxweynihii h**e Maxamed Siyaad Barre.

Geeridiisa waxaa laga xusaa gudaha dalka, iyadoo uu weli yahay shaqsi taariikhi ah.
Sidoo kale, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, guddoomiyihii h**e ee Gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho, ayaa geeriyooday 1-da Agoosto 2019, kaddib dhaawac ka soo gaaray qarax 24-kii July isla sanadkaas. Dowladda Soomaaliya ayaa u sameysay aas qaran, waxaana Garoonka Koonis loogu magac daray si loo xasuusto.

 : Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo ka mid ah maleeshiyaadka Kooxda Daacish,...
01/08/2025

: Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo ka mid ah maleeshiyaadka Kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey Buuraleyda Calmiskaad.

labadaan Argagaxiso ayaa baxsad ka ahaa Ciidanka Amniga ee howlgalka ka dhanka Khawaarijta ka wada dhulka Buuraleyda ah.

 : Cutubyo ka tirsan Guutada Danab ee Kumaandooska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka wada deegaanka L...
01/08/2025

: Cutubyo ka tirsan Guutada Danab ee Kumaandooska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka wada deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo waddada isku xirta gobolkaas iyo gobolka Bay.

Howlgalka ayaa waxaa lagu sugayay amniga deegaanka oo ay xilliyada qaar soo galaan xubno ka tirsan AS.

Ciidamada Danab ayaa baaritaano ku sameeyay gaadiidka dadwaynaha iyo weliba dadka is ticmaalaya waddooyinka.

 : Madaxweynihii h**e ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi bari Sooma...
31/07/2025

: Madaxweynihii h**e ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi bari Soomaaliya ayaa Xukuumadda Siciid Deni ugu baaqay in aysan dhib u arkin jiritaanka maamulkaas ee ay soo dhoweyso.

“Dowladda Puntland waxaan ka rajaynayaa in aysan sharaysan maamulka cusub ee ay soo dhawayso; waxa idinka dhexeeya baa ka wayn waxa yar ee aad isku haysaan.” ayuu yiri madaxweynihii h**e ee Puntland, sidoo kale soo noqday Ra’iisul Wasaaraha DFS.

Puntland ayaa si weyn u diidan dhismaha maamulka Waqooyi bari oo ay ku midoobeen gobollada Sool, Sanaag, iyo deegaanno kamid ah Togdheer, waxayna Xukuumadda Siciid Deni dhaqdhaqaaq ka wadddaa deegaanno ka tirsan Sanaag si ay u xoojiso joogitaankeeda aaggaas.

 : Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dalkiisu qorsheynayo inuu aqoonsado Dowladda F...
31/07/2025

: Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dalkiisu qorsheynayo inuu aqoonsado Dowladda Falastiin, inta uu socdo shirwaynaha Qaramada Midoobay ee bisha Sebtembar, iyadoo cadaadis dheeraad ah la saarayo Israa’iil, xilli gaajo baahsan ay ka jirto marinka Gaza.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya ka dib markii Faransiisku sheegay toddobaadkii h**e inuu aqoonsan doono Dowladda Falastiin, sidoo kale maalintii Salaasada ahayd ay Britain sheegtay in haddii dagaalka Gaza uusan istaagin marka la gaaro shirka Qaramada Midoobay ee Sebtembar, ay iyaduna aqoonsan doonto.

Ra’iisul Wasaare Carney wuxuu warbaahinta u sheegay in xaaladda dhabta ah ee dhulka Falastiin ka jirta, gaar ahaan gaajada ba’an ee dadka Gaza haysata, ay ka dhigan tahay in rajadii dhismaha dawlad Falastiini ah ay si toos ah ugu sii dhamaaneyso hortooda.

31/07/2025

XAALAD HALIS AH OO KA TAAGAN

 : Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Beledxaawo oo maalmihii la soo dhaafay ka socdeen dagaallo u dhaxeeya ciidanka...
31/07/2025

: Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Beledxaawo oo maalmihii la soo dhaafay ka socdeen dagaallo u dhaxeeya ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.

Askarta Dowladda Federaalka ayaa si buuxda ula wareegtay Xarunta degamda, Saldhiga ciidanka iyo Xarunta Hay’adda Socdaalka oo ay h**e u haysteen Jubbaland.

Cabdirashiid Janan oo ah Madaxa Hay’adda NISA ee gobolka Gedo ayaa sheegay in cafis loo fidiyay ciidanka Jubbaland ee kula dagaallamay gudaha magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya laga wada shaqeynayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Gedo, isla markaasna bulshada aayahooda ka tashanayaan.

 : Kadib muddo ay shirar ka socdeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaa si rasmi ah loo shaaciyay magac...
31/07/2025

: Kadib muddo ay shirar ka socdeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaa si rasmi ah loo shaaciyay magaca, astaanta, iyo calanka maamulka deegaannadaas ka mid noqanaya dowlad goboleedyada dalka ee xubinta ka ah JFS.

Magaca rasmiga ah ee Maamulka ayaa laga dhigay Waqooyi bari Soomaaliya, iyadoo calankana laga dhigey midabyada baluugga,cagaarka, iyo caddaan xagal ah oo faras dhexda kaga jiro, waxaana durba dhammaystirka dowlad goboleedkan cusub soo dhoweeyay masuuliyiin h**e iyo xubno ka tirsan goleyaasha DFS.

Sidoo kale waxaa la soo bandhigay Dastuurka maamulka, waxaana caasimadda loo aqoonsaday Laascaanood, halka Baarlamaanku uu ka koobnaan doono 83 xubnood oo sida la sheegay si qof iyo cod ah loo dooran doono.

Si kastaba ha ahaatee maamulkan cusub ayaa noqanaya dowlad goboleedka 7-aad ee dalka markii lagu daro 5 maamul oo ka horreeyay iyo gobolka Banaadir, balse wuxuu wajahayaa caqabado xooggan iyo diidmo siyaasadeed oo saameyn toos ah ku yeelan kara.

 : Dowladda Tansaaniya ayaa soo saartay amar ay ganacsiyada yaryar uga mamnuuceyso dadka Ajanabiga ee ay Soomaalida ku j...
30/07/2025

: Dowladda Tansaaniya ayaa soo saartay amar ay ganacsiyada yaryar uga mamnuuceyso dadka Ajanabiga ee ay Soomaalida ku jiraan.

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga, Selemani Saidi Jafo, ayaa sheegtay in muwaadiniinta aan u dhalan dalkaasi aysan sameysan karin 15 nuuc oo ganacsiyada yaryar ah.

Liiska ganacsiyada laga mamnuucay dadka Ajanabiga ayaa waxaa kamid ah dayactirka telefoonada gacanta, hagida dalxiisayaash furashada warbaahin.

Dowladda Tansaaniya ayaa sheegtay in ay tillaabadan uga goleedahay in la ilaaliyo suuqa shaqada dalkaasi, iyadoo fursad la siinayo dadka Ajanabiga ah.

 : Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si kulul uga hadlay abaabulka siyaasad...
30/07/2025

: Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si kulul uga hadlay abaabulka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo Bariga Gobolka Sool, isaga oo arrintan ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madaxbannaanida Somaliland.

Isaga oo wareysi siiyey wakaaladda wararka ee Bloomberg, ayuu Madaxweyne Cirro caddeeyey in aan wax wada hadal ah lala geli karin Dowladda Soomaaliya inta ay gacanta ku hayso hawlo uu ku sifeeyey “dibi-daabyo ka dhan ah Somaliland.” Madaxweynaha ayaa yiri:

“Soomaaliya ma wada hadli karno, wada hadalna Somaliland lama gelayso, iyadoo qayb Somaliland ka mid ah ka abaabulayso maamul kale. Waxaanu nahay dad nabad jecel. Waanu difaacaynaa dalkayga iyo dadkayga.”

Hadalka Madaxweynaha ayaa si toos ah ugu wajahnaa abaabulka maamulka SSC-Khaatumo ee uu sheegay in lagu taageerayo magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Bariga Gobolka Sool, arrin uu sheegay in ay halis ku tahay midnimada dhuleed ee Somaliland.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hortabin Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hortabin Media:

Share