09/05/2026
Qodobo dhawr ahba qalad weynbaa kamuuqda waxayna cadaynaysaa in shaqaalahan h**e loo qaatay dhalinyaradana layska wareerinayo waana mida aan aaminsanahay
1: Darajada "A" waxa ku xusan In qofku leeyahay 3 sanno oo khibrad ah weliba lagu muujiyo CV-ga , halka Daraja "B" ay ku xusantahay 2 sanno oo Khibrad ah, hadaba qofku inuu shaqeeyo iyo inuu khibrad helo iyamaa horaysa qofaan fursadba helin halkee khibrad kakeeneyaa?
2: waxay dheheen qofku waa inuu cadeeyo kaalinta shaqo ee uu codsanayo, kaalmaha shaqo ee bannaan ee loo baahan yahay siduu ku ogaanayaa qofku! Meel lagu baahiyey boosaaska banaanadayna majiraan, cidii og waa ii sheegi kartaa?
3: Qofku waa inuu kaadhka dhalashada kaqaatay gobolka uu ka tartamayo bay dheheen, hadii aan gobolkayga h**eba kaadhka dhalashada loogu samayn jirin oo hargeisa aan kaqaatay maxaa iixala?
4: Sida sharciga shaqalaaysiintu dhigayo 14maalmood weeye in shaqooyinka la xayaysiiyaa, maxaa tan 5maalmood loogusoo koobay!
Fadlan yaan dhalinyarada la wareerin oo duruufaha shaqo la'aanta lagaga faiidaysan xaqiiqada haloo sheego.